SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA:::
  • Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo Xalay soo bandhigay Xubnaha Cusub ee Dowladiisa 6-Bilood ee Fooda inagu soo haysa.
  • Qaramada Midowday oo shaaca ka qaaday inay taageero la garab istaagi doonto Dowlada lagu soo Dhisi Doono Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya.
  • Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Kenya,Cali Makware oo ugu baaqay Soomaalida inay soo afjaraan Shirkooda Dib u hishiisiinta ee ka Socda Dalka Kenya.
  • Maxwell Gaylard oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Amaan daro xoogan.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo Xalay soo bandhigay Xubnaha Cusub ee Dowladiisa 6-Bilood ee Fooda inagu soo haysa.

Digreeto uu ku saxiixan yahay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed taasoo uu ka soo saaray Magaalada Xarunta u ah Maamulkiisa ee Garoowe ayaa waxaa lagu cadeeyay Magacyada afar iyo Toban Wasiir,Sadex iyo Toban Wasiir Ku xigeen,Taliyayaasha Ciidamadda Maamulka Puntland,Guddoomiyayaahsa Gobolada iyo Degmooyinka.

Col.C/laahi Yuusuf ayaa sida ku cad Wareegtadan waxaa uu ku soo magacaabay inbadan oo ka Mid ahaa Dowladiisii Hore ee ay Kalsoonida kala laabteen gol hore Baarlamanka Puntland,iyadoo ay muuqato inuu Col.C/laahi Yuusuf sameeyay Kala Badbadal Dhinaca Wasiirada ah oo ay u badan yihiin kuwii hore uga tirsanaa Dowladiisa Puntland.

Xubnaha uu ku soo Magacaabay Wareegtadaasi Col.C/laahi Yuusuf waxaa ka Mid ah hadii aan idiin soo Koobno,Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorsheeynta,Danjire Maxamed Xasan Tafadal,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanga,Axmed Cbadi Maxamuud (Xaabsade)Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,Barkhad Cali Saalax,Wasiirka Maaliyada,C/laahi C/raxmaan Axmed (Cayroow)Wasiirka Dhalinyaradda,Haweenka iyo Cayaaraha,Said JaamacAli Qoorsheel,Wasiirka Dowlada Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga,Cali Cabdi Cawaare,Wasiirka Adeegyadda Bulshadda,C/raxmaan Maxamed Faroole,Wasiirka Kalluumaysiga ,Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland,Ismaaciil Shire Jaamac,Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha,Maxamed Xgar Dirir,Wasiirka Warbaahinta,Isgaarsiinta,Dhaqanka iyo Wax u sheegida Bulshada,C/risaaq Yaasiin Cabdulle,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,C/nuur Cilmi Maxamuud,Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka,Axmed Maxamed Cigaal,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,C/raxmaan Saciid Gacameey,Wasiiru Dowlaha Amniga,Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka)

Liiskan ayaa ah mid isku soo dhaweeynaya Khilaafaadkii u dhexeeyay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwayne Ku xigeeynka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi,laakiin ilaa iyo iminka wali Maxamed Cabdi Xaashi kama hadlin Liiskan Cusub ee uu soo saaray Col.C/laahi Yuusuf Axmed,waxaana iyana cadeen inay Baarlamaanka Puntland ansixin doonaan Wareegtadan uu ku saxiixan yahay Col.C/laahi Yuusuf Axmed ee uu ku soo Magacaabay in badan oo ka Mid ah Wasiiradii Dowladiisii Hore ee ay Kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka Puntland gol Hore. 

Qaramada Midowday oo shaaca ka qaaday inay taageero la garab istaagi doonto Dowlada lagu soo Dhisi Doono Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya.

Shirkii ay yeesheen Golaha Amaanka ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeesa ayaa looga hadlan Xaaladaha ka taagan Dalka Soomaaliya oo daba dheeraaday sida ay shirkaasi ka sheegeen Xubnihii Xaadirka ku ahaa halkaasi,waxaana muuqatay inay inbadan oo ka Mid ah Wadamada ku jira Qaramada Midoobay ay jeclaan lahaayeen inay mar un argaan Soomaaliya oo ay ka jirto Dowlad wax ka qabata Amaanka iyo kala danbeeynta,iyagoo gadaal ka raaciyay Digniin Didniin ay u soo jeediyeen Hogaamiayaasha Dagaalka ee Soomaaliya.

Golaha Amaanka waxaa uu daaha ka qaaday inay ka dhamaaday xilligii ay ka aamusi lahaayeen Hogaamiyayaasha Dagaalka ee ku Xadgudbaya Xabad joojinta saaran Dalka Soomaaliya,iyagoo sidoo kale sheegay inay ka warqabaan Hogaamiyayaal Dagaalo Sokeeye ka wada qeybo ka Mid ah Soomaaliya,laakiin ma aysan carabaabin Hogaamiyayaashaasi.

Golaha Amaanka waxa uu dhanka kale ka Codsaday Hogaamiye Kooxeedyada inay ilaaliyaan Xabad Joojintii ay horay ugu saxiixiin Horeentii Shirkan oo ah markii uu bilowday Shirka Soomaalida uga Socda Kenya,wuxuuna Golaha amanka sheegay in hormarka Soomaaliya uu ku jiro Hogaamiyayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed oo meel iska dhiga Fikirada Qaldan ee sababay inay Soomaliya Dowlad yeelan waydo.

Golaha Amaanka waxaa uu qalinka ku duugay in Soomaaliya ay tahay Mid Qura,sidaa darteedna aysan marnaba aqbali doonin Qorshayaasha lagu doonayo in lagu kala jar jaro Dalwaynaha Soomaaliya,iyadoo ay sidoo kale sheegeen inay taageerayaan Hadalkii dhawaanka soo yeeray Golaha Amaanka ee Midowga Africa ee ahaa in Soomaaliya loo diro Ciidamo Afrikaan ah oo wax ka qabta Maleeshiyooyinka ku sii badanaya Soomaaliya oo ay sheegeen inay tahay sida ugu dhaw ee wax looga qaban karo Maleeshiyooyinka Hubeeysan.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Kenya,Cali Makware oo ugu baaqay Soomaalida inay soo afjaraan Shirkooda Dib u hishiisiinta ee ka Socda Dalka Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Wadanka Kenya,Cali Makware ayaa kulan uu la yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu ugu baaqay Soomaalida ku shirkan Dalkiisa Mudda Labada Sano ah inay soo afjaraan Nabadeentooda oo ay halkaasi ku dhistaan Dowlad ay isku raacsan yihiin,isagoo sheegay inay Soomaalida iminka la gudboontahay inay meel iska dhigaan wixii khilaafaad ah ee horay uga soo dhexeeyay oo ay xooga saaraan sidii ay Dowlad iyaga oo ah dib ugu laaban lahaayeen Dalkoodii Hooyo.

Wasiirku waxaa uu sheegay in isaga ahaan uu ku hanwayn yahay inay Dowlad ka soo bixi Doonto Shirka Soomaalida ee Iminak galay Wajigiisii Sadexaad ee Awood Qeybsiga Beelaha Soomaalida kaasoo ku saleeysan 4.5,waxaana uu sheegay in mar dhow laga gudbi doono Khilaafaadka soo kala dhex galay Beelaha Soomaalida ee ku saleeysan qabka ay u qeybsanayaan Xubnaha Beelkasta uga soo aadaya Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisi doono.

Wasiirka Cusub ee Ariamah Dibadda ee Wadanka Kenya waxa uu Carabka ku dhuftay in Stephan Kolonzo Mosyooka uu yahay Ninka sii wadi doona Shirka Soomaalida uga Socda Dalka ee galay Wajigii Sadexaad,iyadoo uu dhawan stephan Kolonzo Mosyooko u Magacaabay Madaxwaynaha Dalka Kenya Mwai inuu sii wado Wadahadala Soomaalida oo uu in Mudo ah ku soo dhex jiray.

Wasiirka Cusub waxaa uu ugu Baaqay sidoo kale Beesha Caalamka in ay xooga ku saaraan Hogaamiyayaasha Soomaaliya inay meesha ay maanta fadhiyaan ay ku dhistaan Dowlad Dhexe oo ay isku Raacsan yihiin,taasoo ka samata bixisa Soomaali Badan oo ku dacdareysan Dalka Soomaaliya Gudihiisa iyo Dibadiisa intaba,isagoo sheegay inay Dadkaasi Mudan yihiin in Maanta loo sameeyo Dowlad Daacad ah oo hilmaansiisa Dhib intii ay soo mareen. 

Maxwell Gaylard oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Amaan daro xoogan.

Maxwell Gaylard oo ah Xiriiriyaha Q/M ee Hawlaha gargaarka Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa uu tibaaxay in Soomaaliya meelo badan oo ka Mid ah ay ka jiraan Amaan Daro Xoogan oo sababi karta inaysan qaban Hawlihii Gargaarka ah oo ay uga bahnaayeen Umada Soomaaliyeed ee uu daashaday Dagalada Sokeeye ee Joogtada u Noqday Dalkooda Hooyo.

Maxwell Gaylard waxaa uu sheegay inay jiraan Deegaano ay ka jirto xoogaa Amaan sida Puntland iyo Somali Land oo ah meelo ay ka jiraan Maamulo leh,laakiinse waxaa uu sheegay inay jiraan sidoo kale in Badan oo ka Mid ah Soomaaliya inay ka jirto Xasilooni Dari ba’an taasoo sabab u Noqota buuyiri in HawlWadeenada Hay’adaha Samafalka inay ka gadoodaan u gargaarida Umada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Mr,Maxwell Gaylard waxaa uu ka hadlay Waxbarashada iyo Ganacsiga Soomaaliya iminka ka jira isagoo shegay inay tahay horumar ay ku tilaabsadeen Soomaalida,laakiin waxaa uu qiray inay jirto Maleeshiyooyin uu sheegay inay Caqbad ku yihiin kor u qaadista Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Soomaaliya,isagoo shegay inay tuban yihiin Wadooyinka Waawayn ee Magaalooyinka Soomaaliya Qaar ka Mid ah.

Sidoo kale Maxwell Gaylard waxaa uu sheegay inay dhawaan Tababar u fidiyeen Ciidamada Maamulka Somali Land oo u sheegay inay tahay qeyb ka Mid ah Wax qabadka Q/M ee ku Wajahan Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray inay iminka maanka ku hayaan sidoo kale inay Tababar siiyaan Ciidamada Maamulka Puntland

Maxwell Gaylard waxaa uu dhaliilay habka ay wax u bartaan Caruurta Soomaliyeed oo uu shegay inay tahay mid aan nidaamsanayn,waxaana uu sheegay in inta Badan Caruura Soomaliyeed aysan helin Waxbarashada Qeybteeda hoose,isagoo sheegay inay isku taxlujiyaan sidii ay u garab qabaan lahaayeen Caruurtaasi ka liidata Waxbarashada.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  


Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2004

Prof: Galeyr oo Qado Sharaf u Sameeyay Siyaasiyiinta Beesha Daarood
Waxana uu muujiyey in uu Doonaayo in uu mar labaad isu soo taago jagada ugu saraysa hoggaanka Soomaaliya Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD