SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUUDAAN

 WARARKA SUUDAAN IYO SAADAASHA WARFIDIYEENKA

Warbaahinta iyo warfidiyeenka dalka Suudaan, ayaa waayadan si weyn isha ugu hayaan xaaladda dagaal ee gobolka Daarfuur, oo isagu maalmahan laga soo deyrinya dadkuna ka walwalsanyihiin.

Waxaa jawiga cakiran ee gobolkaas maanta faalooyin ka qoray dhammaanba wargeysyada dalka ka soo baxa kuwa ugu afdheer, sida wargeysyada Sudan Vision iyo  Khartoum Monitor ee afka Ingiriiska ku soo baxa iyo kuwa afka carabiga ku soo baxa sida Al-ambaa, Akhbaarulyoom iyo kuwa kale.

Dawladda Suudaan, waxey si xeeldheer ula tacaaleysaa xal u helidda colaaddan sokeeye ee sii labalixaadsaneysa iyo in ay soo afjarta dhibaatada gobolka ka aloosan, balse waxaa cadaadis ba'an ku hayaan dawladaha reer galbeedka; taasina waxey abuurtay isfahmi-waa iyo iskudhac ka dhax hanaqaaday Suudaan iyo quwadahan shisheeye. Sida ay warbaahinta dalka sheegtay dalalka Mareykanka iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa iyagu dammacsan in ay soo diraan xiidama ammaanka suga nabadna xaaladda kulul ku soo dabbaala, laakiin waxaa taas faragalin aan geed loogu soo gaban ku tilmaantay dawladda Suudaan, oo iyadu sheegtay in ciidama shisheeye ay ammuurtan xallin karin, balse ay sii hurinayaa dagaal lagu le'da iyo kala irdheyn bulsha weynta reer-Suudaan.

Waxaa kaloo joornaalada iyo jaraa'idda dalka ay tibaaxeen cunaqabateen dalka lagu soo rogay oo uu dalka Mareykanka horkacaya, laakiin madaxweynaha dalka Suudaan mudane jannaraal AlBashiir ayaa dhankiisa sheegay in ay cunaqabateyntu wiiqi doonta dadaalkii ay waddamada jaarka ah iyo IGAD ka wadeen Suudaan iyo doorkii looga baahnaa bahweynta caalamka si loo dammiyi dabka huray waa siduu hadalka u dhigaye. Waxaa sidoo kale faragalinta reer-galbeedka cambaareyn dusha kaga tuuray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Suudaan Dr. Musdhafa Cismaan Ismaaciil.

Sidaasina waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Suudaan SUNA oo soo xigatay wareysi uu wasiirka siiyay idaacadda dalka Baljiikaa [Belgium] iyo warbaahinta dalalka carabta oo socdaal howleed uu ku marayay waayadan waa sida hadalka loo dhigaye.

Dhanka kale waxaan xafiiskiisa maalintii shalay ku booqday mudane Xuseen Cabdi Xalane oo ah nin Soomaali ah islamarkaana ah sarkaalsare oo u shaqeeya hay'adda badbaadada caruurta, haddana socdaal howleed ku jooga magaalada Khartoum. Xalane mar aan wax ka weydiiyay xaaladaha ka jira gobolka Daarfuur wuxuu ku tilmaamay kuwa murugsan, wuxuu kaloo sheegay in ismaandhaafka Suudaan iyo Mareykanka uu meeshii ugu xummeyd maraya, waloow uu ka gaabsaday inuu ii faahfaahiya.

Waxaan kaloon wax ka weydiiyay bal inuu wax iiga ifiya buugiisa cusub ee uu ka qoray soyaalka Suugaanta Soomaaliyeed, kaasoo uu ugu magacdaray "Farguri". Asagoo dhoollacaddeynaya ayuu yidhi " buugan gogoldhiggiisa iyo nuxurkiisa waa sidan: Gulufka, Geela, Gammaanka iyo Gabayga".

Mudane Xuseen Cabdi Xalane maraan wax ka weydiiyay bal sida uu u wada guta shaqadiisa hay'adda iyo tan qoraalka suugaanta wuxuu iigu jawaabay sidan: " waxaan aad ugu dhuundaloolaa una daneeyaa suugaanta facaweyn iyo afkeenna hodanka ah ee Soomaaliga qoriddooda waana daneeyaa inaan daymaharareeya taariikhda iyo budulka da'da weyn ee suugaanteenna".

Wuxuu kaloo xalane ii sheegay in baaritaan baaxadle uu ku sammeeya uruurinta iyo agaasimidda dhacdooyionka iyo gabayadii ay qarniyadii tagay ka curiyeen maansoolayaasha, kuwaasoo uu ku soo mugdhugtay kuna maanbaaray buuggiisan cusub. Wuxuu intaas ku daray inuu buug kale soo saaraya dhawaan haddana uu wada qoraalkiisa iyo shaacinta daahfurka buugaas laga dhursugaya.

Mudane Xalane wuxuu hadda u kicitimaya dhanka dalka Uk oo uu ku sii hakan doona, kaddibna dalka Mareykanka, wuxuu kaloo howl shaqu u tagaya dalka tajakistaan iyo meela kale.

 
By: Stanza Somalitalk.com Khartoum Sudan.

ayaandhalad5@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2004
Geerida Marwadii Madaxweynihii Hore ee Kenya, Moi
Warbixintii Maxamed 'Stanza'..
Guji July 25

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD