SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -UK

 Britain oo sheegay in ay Jiri Doonto dib u Heshiisiin dhex marta Somaliland iyo Koonfurta.

Ridwan Haji Abdiwali,
London, 30 July 2004


Ali Ahmad Musa oo lagu qafaashay Ciraaq.. GUJI

Uqaybsanaha Dawladda Britain ee shirka dib u heshiisiinta Mr David Bell oo maal mahaan ku sugnaa dalka Ingiriiska hase yeeshee hadda dib ugu noqday shirka dib u heshiisiinta ayaa waraysi aan la yeeshay isagoo Nairobi jooga waxaa uu ku sheegay in la qorshaynayo wada hadal iyo dib u heshiisiin dhex mari doonta somaliland iyo Natiijadda shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee Nairobi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay, isla markaana uu xusay in todobaadyada ay u badantahay in la guda galo xulashada xubnaha rasmiga ah ee baaralamaanka.

Mr. Bell oo aan wax ka waydiiyay ka maqnaanshaha shirka soomaalida maamulka Somaliland waxaa uu yiri: " Marka aad eegto go’aanka hargaysa waxaa uu yahay in aanay koonfurta waxba la wadaagin , dhinaca koonfurtana waxaa ay leeyihiin somaliland waa soomaaliya.

Ma rabo in aan dhinac noqdo laakiin waxaan wada ognahay in waxa kasoo baxa shirka dib u heshiisiinta ee natiijo ah looga sii gudbi doono dib u heshiisiin guud oo uu muujiyay in shirkaba sababtiisu ay tahay arintaas isla markaana waxaa uu ka gaabsaday in shirkan dad ma talaya somaliland ay joogaan.

Waxaa intaas uu ku daray in ay jiri doonto wada hadalo u furmi doona koonfurta iyo woqooyiga maadaama shirka soomaalida ee kenya uu yahay mid lagu baadi goobayo nabadda.

David bell oo aan wax ka waydiiyay in dawalada ingiriisku ay aqoonsantahay somaliland waxaa uu ku jwaabay:

" Ma jirto cid dawladnimo u aqoonsan somaliland laakiin cidwalba waxaa ay ku taageeraysaa dhaqaale maxaa yeelay qof walba waxaa uu aqoonsanyahay nabadda iyo hormarka ay ku talaabsadeen ee xasiloonida , mana ahan in caalamka oo kaliya arintaasi ay la socdaan ee xataa soomaalida koonfurtu waxaa ay aqoonsanyihiin nabadda ay somaliland gaartay iyagoo doonaya in ay la xaajoodaan mustaqbalka somaliland. Dib u heshiisiinta u dhaxaysa koonfurta iyo woqooyiga ma ahan oo kaliya in danta laga leeyahay ay tahay isu tag ama kala tag ee qodobka muhimka ah waxaa uu yahay in nabad buuxda la gaaro oo cid walba ay joojiso dagaalka qofwalbana uu ka shaqeeyo in la gaaro nabad iyo nolol".

Ugu danbayntii waxaa uu sheegay wakiilka Britain ee shirka soomaalida in dawladiisu ay taageeri doonto waxa kasoo baxa shirka soomaalida isla markaana ay ka shaqaynayaan wada hadal soomaalida dhex mara.

Horay ayaa Qaramada midoobay iyo urur goboleedka IGAD ay u sheegeen in aysan aqoonsanayn maamulka somaliland, shirka soomaalidana uu yahay mid looga qaybgalayo dhamaan beelaha soomaaliyeed oo somaliland ay ka mid tahay.

Maamulka somaliland waxaa ay ku dhawaaqeen gooni isutaag 1991kii inkastoo aysan jirin ilaa hadda cid u aqoonsan in ay ka madax banaanyihiin somaliya inteeda kale.

waraysigaas oo cod ahna waad igala soo xiriiri kartaan

Ridwaan Xaaji C/wali

London,UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2004

Nin Soomaali ah oo Lagu Afduubtay Ciraaq
48-saacadood kaddib oo  loogu hanjabay in madaxa laga goyn doono
IYO WARAR GOOS GOOS AH::::

»Magacyada xubnaha B/maanka ee Beesha Xawaadle
»C/lahi Yusuf Kuma qanacsana qaabkii wax loo qaybiyey
»Xisbiyo SL oo soo dhaweeyey xayiraadii  Gen Morgan
»Ahlu Sunna: Majirto dalad kulimsa culimada Soomaaliyeed
»Hay’adda DR. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay fal lagula kacay..
Dhammaan ka akhri halkan July 29

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD