SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Ruwaayadii Aduunka ugu dheerayd:Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida, Mbgathi, Kenya.

Hassan salahuddin.
Global Media Group.
Bristol. Uk.

Email:
salahuddin100@hotmail.com

 

     Inta aanan guda galin mawduucan xiisaha iyo xasaasiyadaba leh, waxaan soo xasuustay waraysi aan waa sii horaysay dhagaystay oo sanadkii 1990-kii ay sii daysay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waraysigaa waxa daadihinayey wariye Yuusuf Xasan oo xiligaa aan ka sheekaynayo ka tirsanaa shaqaalaha laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo anigu aan u aqaano BEEB BEEN SII! . Barnaamijku waxa uu ku saabsanaa xaalada siyaasadeed, ta dhaqaale iyo ta bulsho ee ay markaa ku jirtay dawladii Somalia ee uu ku hor kaaji jiray ma naxe Siyaad Barre, waxaana la iswaydiinayey qaabka u egaan doono Ilaahbaa oge aayaha dambe oo dawladii milatariga ahayd oo sanadahaa inta miciyihii ay lahaan jirtay dhamaadeen ilkihiina dhacsatay.

     Dadkii barnaamijkaa ka qayb galay waxa ka mid ahaa Professor Ismaciil Sheekh Samatar, sida uu wariyuhu inoo sheegayna waxa uu professorka culuumta taariikhda ka dhigayey Jaamacada Ratgos oo ku taala carriga maraykanka.

     Professerku waxa uu maalintaa idaacada ka sheegay hal qabsi caan noqday oo ku saabsanaa hanaankii markaa nabad loogu raadinayey Soomaalia, kooxihii maanofeestada ahaa ee soo baxay iyo yooyootankii ku hadoodilnaa jawigii siyaasadeed ee Soomaalidu inuu u egyahay heestii caanka ahayd ee odhanaysay SHIMBARAYOHOW HEESA OO HEESA, HEES WANAAGSAN HEESA.

     Taasoo uu ula jeeday in meesha la isku khuurinayo oo dhinacnaba aanu daacad ka ahayn in Soomaalida lagu maamulo cadaalad iyo sinaan.

     15-sano oo gaw ah ka dib barnaamijkaa habeenkaa ka baxay idaacada oo lagu lafa gurayay maxaa u dan ah Soomaalidii isku daashee ayaa maantay xaaladu waxay isa soo laba rogtaba meeshii ugu xumayd taagan tahay, shirkii 14-aad ee loo qabto kooxaha ku loolamaya xukunka Somalia ayaa marti ahaan loogu fadhiyaa sanad iyo dheeraad madasha MGATHI oo ah goob u dhaw magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, riwaayada doorkan waxa gadhwadeen ka ah dawlada Kenya oo Soomaalida gogosha u fidisay waxaanay u xilsaartay inuu hawsha buur iyo banaan kii uu doono kala durduriyo danjire Kipligat oo inkasta oo uu danjiruhu sheegto inuu Soomaalida aqoon u leeyahay hadana u muuqad marka la fiiriyo sida uu wax u wado jareer indho iyo dhaga la oo aan waxba kala socon taariikhda iyo hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed.

     Ambassador Kipligat waxa uu isku dayey inuu adeegsado xeelado siyaasadeed oo aah noocii Africanka lagu maamuli jiray ee ahayd QAYBI OO XUKUN waxaanu soo kala dhawaystay kooxihii loogu talo galay in lagu heshiisiiyo madasha taasoo dhaawac weyn u keentay hawlaha hore u socodka shirka.

     Ma jecli inaan ka sheekeeyo taariikhda iyo heerarka uu shir ku sheegani soo maray waayo wax macno ah inooma samaynayso maadaama uu intaas oo dhan burbur iyo is afgaran waa ku soo jiray hase yeeshee waxaan si dulxaadis ah ula amba bixi doonaa akhristayaasha aniga aragtidayda waxa sababay in shirkii 15-aad ee loo qabto soomaalidu uu hagaaso oo dhicis noqdo, rajada ah in shacabka Soomaliyeed helaan dawlad dawlad caadil ah oo iyaga matashaana ay ku dambayso mid ku dhacday booraan dheer oo afkii laga qafilay.

     Markii lagu dhawaaqay in dawladii cabudhinta iyo cadaadiska ee jaale siyaad ay meesha ka baxday horaantii sanadkii 1991-kii sida lawada xasuusto waxa kooxihii markaa ka jiray dalka Somalia la iskugu yeedhay shirkii ugu horeeyey ee la doonayey in lagu soo dhiso dawlad Soomaaliyeed, waxa lagu qabtay Jamhuuriyada Jabuuti waxaana shir gudoomiye ka ahaa alla ha u naxariistee Mohamed Haji Ibrahim Ega, qalad ugu horeeyey ee la galay markaaba waxa uu ahaa in Cali Hudheele oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed kana tirsanaa kooxdii la magac baxday maanofeesto loo caleemo saaro madaxweyne taasoo si xun uga cadhaysiisay Jeneral Maxamed Farah Aidid oo hormuud ka ahaa jabhadihii ka dagaalamayey koonfurta Somalia dabayaaqadii sideetamaadkii, jeneraalku waxa uu isku arkayey in uu isagu yahay ninka u qalma in kursiga sare lagu fadhiisiyo.

     Dhawr shirbaa ka dambeeye shirkaa intaba waxa faraha kula jiray ajanabi, ha ahaadeen wadamada jaarka ama wadamo shisheeye oo bixinayey kharashka ku baxayey shirka, nin shisheeye ah oo doonaya in uu bakhtiiiyo gurigaagii oo gubanaya maxaad ka filaysaa?, waxa qof kasta oo caaqil ah u cad inuu gaasta ku sii kordhinayo dabka holcaya, shirkii dib u heshiisiinta kooxaha Sooomalida ee ka dhacay magaalada Addis-ababa sanadkii 1993-kii waxa ka soo qayb galay ilaa 15-kooxood oo wakhtigaa sheeganayey inay matalaan qabaailka kala duwan ee Soomaaliyeed, shirkii shirkaa ku xigay waxa lagu qabtay magaalada dalxiiska ku wanaagsan ee Nazreet oo ka tirsan sodere waa dalka Ethopiyee, shirkan waxa ay kooxaha ka soo qaybgalay kor ku dhaafeen ilaa sodon kooxood.

     Ruwaayadaha la sheegayo in lagu heshiisiinayo soomaalida way iska soo daba dhacayeen sanadba sanadka ka dambeeya, laakiin waxaad mooodaa in kan ugu dambeeyey oo kooxaha meesha ku shirsani ay bari dhawayd u dabaal dageeyen inay ku jireen sanad iyo bar is afgaran waa ah ay tahay tii quusta ku ridaysay dad badan oo ka tirsan shacabka Somaaliyeed oo in uu rajo ka qabay la heli doono heshiis dhex mara qabqablayaasha dagaalka ee koonfurta Somalia.

     Shirarka intooda badan waxa gacanta ku hayay wadamada Jabouti, Kenya, Yeman oo saamayn aan yarayn ku lahayd shirarkii dhacayey sanadihii sagaashamaadkii, wadanka masar oo isna ku celceliya in danaha siyaasadeed ee kaga xidhan Somalia aanay yarayn isagoo ka eegaaya dhinaca kanaalka suwayska iyo marinka mihiimka ah ee badda cas.

     Hadaba si kastaba arimuhu ha ahaadaane wadamada jaarka ah ee ruwaadan dheer ee Soomaalida jilayaasha ka ahaa waxaad mooodaa inay ku sifoobeen tixdii gabayga ahayd ee miisaanka cuslayd oo uu tiriyay alla ha u naxariistee QAMAAN BULXAN oo noolaa horaantii qarnigan aynu ku jirno caana ku ahaa gabay hoyaaleedka Soomaaliyeed.

  • BAADIDA NINBAA KULA DAYDAYI DAALNA KAA BADANE
  • OO AAN DOONAHAYN INAAD HESHO DAAIN ABADIKAAYE
  • DADKUNA MOODI DUUL WADA DHASHOON WAX U KALA DAHSOONAYNE.

     Inta aan akhrisyaasha ula durdurin gebo gabada qormadan kooban waxaan jeclaan lahaa inaan soo bandhigo qaabka uu u socdo shirka dib u heshiisiina Soomaalida ee hadda ka socda meesha loo yaqaano MGBATI ee u dhaw magaalada Nairob, xarunta Kenyatiga.

     Shir ku sheego waxa uu marayaa wajigiisii sadaexaad sida ay ina leeyihiin, waxa uu soo maray heerar kala duwan ilaa intii uu bilaabmay qaarkoodna waxaabay ku ag simeen burbur, qof gunta u fadhiya mooyaane lama fahmi karo qaabka ay wadahadalau u socdaan waayo maaha wadahadalo daacad laga yahay, waxay u badan yihiin xanshashaq, wadahadalo mararka qaar sir ah, shirsar gooni gooni ah, inyar baa la yeeshaa wadahadalo fool ka fool ah, markii hore ruyaawadu waxay ka socotay magaalada ELDORET ee gobolka RIFT-VALLEY, gadaal dambe ayaa loo soo raray masraxan cusub ee MBGATHI, sababa loo soo raray waxa sheegay inay ahayd xaga dhaqaalaha.

     Wararka ugu dambeeya ee ka imanaya madasha uu shirku ka socdo ayaa tibaaxaya in hudheeladii ay ergooyinku ka daganaayeen madasha shirka dibada looga soo saaray ka dib markii ay iska bixin kari waayeen kharashii jiifka iy cuntada.

     Qaabka is xulufaysiga dagaal oogayaasha Soomaalida ee madasha ku shiraya ayaa isna yaab oo marba waxay ciyaartu saaxiib ka dhigaysaa qaar, qaarna way kala eryaysaa waxa tusaale inoogu filan Mawliid Macaane oo ka socda beesha JAREERWEYN waxa uu dhexda uga ciyaari jiray kooxda SRRC-DA, hadda waa gool haye adag oo ka tirsan kooxda Group 8.

     Cabdillahi Yuusuf ayaa wajiyadii ugu dambeeyey ee shirka la soo baxay miisaan isaga oo is xulufaysi siyaasadeed ka dhaxeeyo Xuseen Caydiid.

     Dawlada ku meel gaadhka ah ee Cabdiqasim Salaad oo iyadi inbadan ku hanjabtay inay shirka isaga bixi doonto haddii aanay wax u socon sida ay rabto ayaa madaxdeedii ay si weyn ugu kala jabeen shirka taasoo baabiisay miisaankii ay shirka ku lahayd DKMG.

     Inta uu shirku Kenya ka socdo waxa maalin dhawayd magaalada Mogadisho looga dabaal dagay dawlada uu madaxa ka yahay Madaxweyne Cabdinuuir Darmaan. Cabdinuur Darmaan waa wiil uu dhalay Diblomaasi Soomaaliyeed oo hore oo iskii isugu magaacabay inuu madaxweyne u yahay dawlad yar oo ku yabyabtay magaalada Mogadisho.

     Marka aad si wanaagsan u fiirisid xaalada koonfurta Somalia waxa dhawanahan sii xoogaystay colaadaha u dhexeeya beelaha hubaysan ee Soomaalida arrinkuna wuxuu u egyahay kud ka guur oo qanjo u guur.

     Dhibkan weyn ee haysta shacabka soomaaliyeedna sida aan anigu aaminsanahay waxa masuul ka ah shacabka Somaaliyeed laftooda oo hormuud iyo madax ka dhigtay dadka kuwii ugu liitay.

Waad salaamantihiin dhamaantiin

Hassan Salahuddin

Global Media Group

Bristol

Uk.

Email: salahuddin100@hotmail.com

Tel: 00-44-7946174533.

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]