SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan.
 
Canab max'ud "mumtaz" | canabmumtaz@hotmail.com
  Somalitalk.com | Nairobi, kenya
  • Tuugo Hubaysan oo Lixdan Kun oo Doolar ($60,000) Ka Dhacay Xafiiska Shirkada Dalsan ee Nairobi
  • Waxaa la diley mid ahaa waardiyayaasha  Masaajidka Jamia Musque, " Shiikh Nuur Ibraahim" Allaha u naxariisto
 
Dhacii loo gaystay shirkada Xawaalada Dalsan ayaa saamayn wayn ku yeeshay dadka  ku nool magaalada Nairobi iyo meelo kaleba si wayna ugu tiirsanaa  xawaaladaas.iyagoo ka qaadan jiray lacagaha ay eheladoodu uga soo diraan dibadaha xiligana ay tahay markii ay u soo doonan jireen biilalka.
 
Maanta mar aan booqday suuqyada ganacsiga ee somalida iyo xafiiska Dalsan ee islii ayay dadku si wayn u hadal hayeen dhacaas loo gaystay xawaaladda.iyagoo u aanaynaya in ay ka dambayso amaan xumo; iyadoo baryahaan dambe ay aad usoo badanayaan tuugada dhaca u gaysata goobaha waawayn ee ay soomalidu ku ganacsato; iyadoo aysan jirin cid daba gal ku samaysa tuugadu marka ay dhacyadaas gaystaan.
 
Xawaalada Dalsan  kuma koobna oo kaliya lacagaha la isku diro ee caadiga ah balse waxaa u dheer oo dhigta lacago dad ganacsato ah iyo kuwo kale oo ku kaysada lacagahooda waxayan dadka u fududeysaa isku gudbinta lagacaha.waxaa kale oo ay qayb wayn ka qaadataa ganacsatu marka ay u safrayaan magalo kale in sii  dhigtaan si ay xafiisyada kale ee dalka ay u socdaan uga qaataan.
 
Xawaaladaha guud ahaan waa kuwo ka haqab tiray dadka soomaaliyeed ee ay haleeshay Dowladda la'aantu in ay u buuxiyaan booskii bangiyadda una fududeeyay sidii ay iskugu dhaafsan lahaayeen lacagahooda iyagoo kala jooga qaarado kala duwan. waxayna ka mid yihiin Ha'adaha gaarka loo leeyahay kuwooda baahidii ay bulshadu ka qabeen  daboolay dadkuna ay abaal wayn u hayaan.
 
Xafiiska xawaalada ee ku yaala magaalada Nairobi ayay tuugadaas dhaceen  habeen hore iyadoo ay shaqaaluhuna  ka maqnayen xiligaas oo ahayd maalin jimce ah habeenkii sabtidu soo galaysay tuugadda ayaa dil u gaystay mid ka mid haa waardiyayaasha masjidka Jamia Musque, Sh Nuur ibraahim (Allaha u naxariisto). lacagta ayaa lagu sheegay Lixdan Kun oo Doolar ($60,000). Booliiska ayaa sheegay in ay ku raad joogaan tuugadaas ayna lagacaaasi helidoonan.
War saxaafadeed SomaliTalk ka soo gaarey Xaafiika Dalsan Nairobi ayaa u qoraa sidan:
WAR SAXAAFADEED
 
Waxaan jeclahay inaan iniika waramo wixii ka dhacay Xaafiika Dalsan Nairobi, si aynaan u qaadan warar aan la hubin.
 
Habaynkii Jumcada ee taarikhdu ahayd 2/7/2004. ayaa tuug hubaysan u soo dhacaday xaafiiska Dalsan International ee town-ka Nairobi. Habaynkaas lama shaqaynayn oo waxay ahayd Jumce, shaqaaluhuna ma joogin.
 
Waxay  xabbad ku dileen tuugtu nin ka mid ahaa waardiyayaasha  Masaajidka Jamia Musque, " Shiikh Nuur Ibraahim" Allaha u naxariisto.
Waxay galeen xaafiiska Dalsan, waxay ka qaateen lacag $60000.( lixdan kun oo doolar ah).
 
Computerdii iyo Datadii shirkada wax gaaray ma jiraan. Isla habaynkii Sabtida shaqadu caadi ayay u socotay. Police- kenya waxay sheegeen inay ku rajo wayn yihiin inay helaan tuugtaas.
 
Waad mahadsantihiin.
Shiikh Abdiraxmaan Maxamed Jibriil.
<hormarintadalsan@hotmail.com>

-dhammaad-

WARARKA KALE EE MAANTA:

Affey: Dawladda Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqayaa 30 July 2004
Danjire Maxamed Cabdi Affey oo ah Safiirka Kenya ay u magacawday Soomaaliya oo waraysi siiyey Ridwaan.. Guji July 3

Madaxweynaha DMG ah oo ka hadlay maalmaaha 26juun iyo 1da luulyo
C/qaasim salaad xasan oo xaflad  ku qabtay madaxtooyada KMG.ayaa... Guji.. July 3

Cali Khaliif Galeyr oo Nairobi Soo Gaaray
”Waxaan Diyaar u ahay in aan ka qeyb qaato Dhismaha Qaranka,waana joogi doonaa ilaa… Guji July 2

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD