SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESAPOLIS

WARARKA SOOMAALIDA MINNESOTA:

  • Soomaalida reer Minnesota oo lagu amaanay inay ganacsiga isku garab qabtaan. 

  • Minnesota: Urur Cusub (SYU) oo xusay sanad guurooyinkii xornimada Soomaalida ee  June 26, 27, iyo Julay 1deeda 

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

July 6, 2004

Minnesota: Urur Cusub (SYU) oo xusay sanad guurooyinkii xornimada Soomaalida ee  June 26, 27, iyo Julay 1deeda 

Ururka dhalin yarada Soomaaliyeed ee Midowday ee Minnesota (SYU)oo ah urur cusub ayaa soo qaban qaabiyaya xaflad aad u weyn oo loogu talo galay maalmihii qaybaha kala duwan ee Soomaalida xornimadooda qaateen.  Waa Juun 26keeda, 27keeda, iyo July kowdeeda.  Waxaa halkaasi ka soo qayb galay dadweyne Soomaaliyeed iyo marti sharaf.  Dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaare Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku dheeraaday doorkii ay dumarku ka soo qaateen xornimo doonka Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo halkaas ka hadlay dhallin yaro badan oo Soomaaliyeed.   

Ururkan cusub oo aan hore looga baran gobolka ayaa noqday urur aad u dadaal badan oo hadda soo shaac baxaya.  Ururkan dhalin yarada Soomaaliyeed ee midowday waa dhallin yaro aad u yar yar oo taageero ka haysta waalidkood iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Minnesota.  Kuwo jaamacad ayay dhigtaan kuwa kalena dugsi sare ayay weli dhigtaan.  Bilihii na soo dhaafay ee 2004 waxay ku kulmayeen naadi ay samaysteen habeen kasta oo axad ah waxayna aad ugu mashquulsanaayeen sugaanta af-Somali iyo Ingriisigaba leh. Qaarkood afka soomaaliga waa ku gabyaan qaarna si fiican uguma hadli karaan.  Dadka waaweyn badanaa ma fahmaan.  Waxay u badan yihiin dhalin yaro kacay intii uu qaranka Soomaaliyeed dunsanaa qaarkoodna ku koray xeryahii loo soo qaxay. 

Sida uu ii sheegay wiilka u qaabilsan xiriirka banaanka Jamaal Cismaan Xaashi waa dhalin yaro fahmi waayey dadka waaweyn ayagana la fahmi waayey oo isu yimid oo raba inay is habeeyaan oo dadkooda iyo dalkoodaba wax taraan.  Waxay aad u neceb yihiin qabiilka iyo cudurada la midka ah. Waa dhalin yaro aad u niyad fiican wax weyna ku soo kordhin doona umaadda.  Waxa ay gaarayaan boqolaal.  Ilaa hadda madax ma leh laakiin waxaa af hayeen u ah wiilka la yiraahdo Abdulahi Abdulqaadir Farah. 

Ururkan dhalinyarada Soomaaliyeed ee midowday waxaa lagala soo xiriir karaa  Jamal Cismaan Xaashi   Supermann111@hotmail.com    

Soomaalida reer Minnesota oo lagu amaanay inay ganacsiga isku garab qabtaan. 

Sida la ogyahay Soomaalida reer Minnesota waxa ay ku horeeyaan ganacsiga ayagoo leh goobo waaweyn iyo seylado ay wax ku kala iibsadaan ayaga dhexdooda.  Arrintaas ilaahay baa mahadeeda leh- sababo badan ayaa suurto gelisay oo ay ka mid yihiin. 

1)      Ammaanka iyo xasilooni Ilaahay ku manaystay

2)      Gobolka oo aad u shaqo badnaan jiray

3)      Tirada Soomaalida oo aad ugu badan

4)      Diinta Islaamka oo ay haystaan taasoo ku waajibisay inay Xalaal uun cunaan.  Markay dukaan hilib xalaal ah wax ka gataan waxay caawiyaan Soomaaliga iska leh.  Markay maqaayada Soomaali ah wax ka cunaan waxay caawiyaan Soomaaliga leh. 

5)      Dhaqanka isku midka ah oo goonida u ah kaasoo isku soo jiidaya.  Markay raadiyaan dharkii ay yaqaaneen ama xiran jireen ama cuntadii ay yaqaaneen waxay caawiyaan Soomaaliga leh.

6)      Iyo Soomaalida oo dabiiciyan ganacsiga aad u jecel. 

Waxaaba jirta in qaar ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Minnesota hadda isu diyaarinayaan inay shaaca ka qaadaan oo hirgeliyaan Somali Minnesota Chamber of Commerce ama Somali USA Chamber of Commerce kaasoo aad u caawin doona ganacsatada Soomaaliyeed.  Sida ay ii sheegeen dad u dhuun daloola Rugta Ganacsiga ee Soomaalida Minnesota/USA waqti yar ayaa naga xiga ku dhawaaqidiisa. 

Dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Minnesota waxaa la gudboon in ay wax iska gataan oo lacagta dhexdooda ku wareejiyaan oo taageeraan ganacsatadooda. 

Ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayagana waxaa la gudboon in ay ku dadaalaan inay soo jiitaan macaamiishooda Soomaaliyeed.  Waa in ay la tartamayaan xagga sicirka dukaamada kale haddii ay sidaas samayn waayeen waa adag tahay inay ceshadaan macaamiishooda Soomaaliyeed.   

Waa in ay ka gudbaan dharkii italia iyo kabahii itaaliya.  Waa in ay u gudbaan badeeco tayo fiican oo aan ka qaalisanayn dukaamada kale.  Waa in ay taageeraan hawlaha bulshada iyo danta guud wixii kaga soo aada. Ugu danbayntii waa in ay ku fikiraan inay soo jiitaan macaamiisha aan soomaalida ahayn si ganacsigooda uu salka u dhigo. 

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayaa aad u dhawraya natiijada shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Nairobi ayagoo ka eegaya dhinaca fursadda ganacsiga ee dhexmari karta Soomaaliya iyo USA gaar ahaan Minnesota.

 mnwardere@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD