SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

14-sano kaddib oo shacabka Soomaaliyeed ay cabayaan Coca-cola lagu farsameeyey dalkooda

            Maalintii shalay ahayd ayaa Xarunta Warshadda United Somali Bottling Company (Coca-cola) ka dhacday xafladdii ugu ballaarnayd ee lagu furayay warshaddaasi muddo 14-sano ah kaddib, waxaana ka qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo weliba dad ka yimid Dibadaha oo doonayay in ay arkaan in dalkooda la maalgashan karo iyo in kale, waxna laga soo saari karo.

            Dadkii ka qayb galay ayaa aad ugu farxay in ay shacabka Soomaaliyeed helaan cabitaanno kala duwan oo isugu jira Coca-cola, Fanta iyo Sprite oo lagu farsameeyey waddankooda, waxaana xafladdani ay ku taallaa jidka soddonka aga0gaarka warshaddii hore ee Baastada.

            Guddoomiyaha shirkadda C/risaaq Ciise ayaa waxa uu sheegay in shirkaddani ay ka shaqeyn doonaan shaqaale gaaraya 100-qofood, isla markaana waxa uu sheegay in si dadban ay ugu shaqeyn doonaan 1000-qofood, waxaana shalay la arkayay maqaayadaha Magaallada Muqdisho oo Coca-cola lagu kala iibsanayo 3,000-Shillin Soomaali ah. Mar aan ka qayb galayay xaflad ay ku midoobeen hay’adaha xuquuqda aadanaha oo ka dhacday Hotel Shamo ayaa waxaa naloo keenay cabitaanka Coca-cola, iyadoo mar dambe loo sheegay ka soo qayb galayaashii xafladdaasi in cabitaanka ay cabayaan uu yahay cabitaankii ugu horreeyey ee laga soo saaro dalkooda muddo 14-sano ah kaddib, waxaana markiiba is qabsaday sacab, waxayna dadku is dhaafsanayeen hadallo ay ka mid ahaayeen “Allaa….horumar ayaynu ku tallaabsannay”.

Cabitaanka ay soo saareyso warshaddani ayaa la filayaa in ay gaaraan dhammaan gobollada dalka, siiba waddammada deriska la ah Soomaaliya, waxaana warshaddani ay ka mid noqotay warshado la furay dagaalladii sokeeye kaddib, waxaana warshadahaasi ka mid ah warshaddaha sameeya Biyaha nadiifka ah, warshadaha farsameeya Saabuunta, kuwa Isbuunyada, sidoo kale kuwa sameeya nac-naca, hargaha iyo Baastada, waxaana la dhihi karaa arrintani tallaabo horumar leh oo ay ku tallaabsadeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Amiin Yuusuf Khasaaro

Hay’adda Isku xirka Difaacayaasha xuquuqda Aadanaha oo looga dhawaaqay Muqdisho

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Shamo lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayey ha’ada isku xirka difaacayaasha xuquuqda aadanaha Somali Human Rights Defenders Network (SOHRIDEN), waxaana furitaankaan ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntii halakaas war bixin ka soo jeediyey gudoomiyaha hay’ada Axmed Maxamed Kiimiko wuxuuna sheegay Kiimiko in ula jeedada loo abuuray daladaan ay tahay sidii hay’adahani u yeelan lahayd iskaashi si ay ula socdaan tacadiyada ka dhaca gudaha dalka. Hay’adaan waxaa xubin sharafeed loogu doortay Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi la taliyaha dhinaca sharciga ee hay’adaani waxaa loo doortay Avv. C/laahi Macalin Cabdulle. Maryan Xuseen Owreeye oo iyadana halkaasi ka hadashay waxay u mahad celisay intii gacan ka gaysay inay midoobaan hay’adaha difaaca-yaasha xuquuqda aadanaha. Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Xabiibo Xaaji Jimcaale oo iyada u soo jeedisay ha’adahan inay iskaashi yeeshaan waxayna sheegtay in bahda saxaafada loo gaysto maalin walba xadgudu-byo loona baahanyahay in gacan la siiyo isla markaana ay helaan damaanad qaad buuxa. Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr. Ibraahim Dasuuqi oo isagana sheegay in loo baahanyahay in ha’adahani ay gacan siiyaan dadka laga awood badan . Bashiir Nuur Geedi oo ku hadlayey magaca ganacsatada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in ay dalka wax badan u qabteen isla markaana loo baahanyahay in xumaantooda iyo samaantoodaba la sheego, wuxuu kaloo u soo jeediyey hay’adahaani in xafiisyadooda ay gaarsiiyaan gudaha dalka.

Waxaana halkaasi ka hadlay C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow), C/qaadir Yaxye iyo Xasan Coloow Cumar oo iyagana u mahad celiyey hay’adahaani, waxaana ka mid ah hay’adaha ku bahoobay daladaani DIJHRO, SADO, APRI, ASEP, SOYWA, IHRO, CDHR, KISIMA, SOMATALIS.  

Amiin Yuusuf Khasaaro

e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD