SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA:

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Hogamiyayaasha Beesha Hawiye ayaa soo saaray Qoraal ay ku cadeeynayaan Qaabka ay Hawiye u qeybsanayaan Xubnaha Baarlamaanka uga mid Noqonaya,waxaana muqata inaysan arintan ay tahay mid wax sii hurineysa.

Hogaamiye Kooxeedyada ugu tunka wayn Beesha Hawiye ayaa Kulan ay isugu yimaaden waxay ka soo saareen Qoraal ay ku mideeysan yihiin oo ay ku cadeeynayaan Qaabka ugu sahlan oo ay wax u qeeybsan karaan Beesha Hawiye.isla markaana soo afjareeysa is jiid jiidka Mudda Dheer u dhexeeya Hogaamiyayaasha Siyaasada iyo kuwa Dhaqan ka ee Beesha Hawiye ee marba marka kasii danbeeysa Cirka isgu sii Shareereysa.

Qoraal ay kuwada saxiixan yihiin Hogaamiyayaasha ay kam id ka yihiin Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Hilowle Iimaan Cumar,Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish),Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxaa lagu sharaxay sida ay wax u qeybsan karaan Dhamaan inta kulansata Magaca Hawiye,waxaana uu qoraalkaasi u qornaa sida soo socota.Murursade:- 7,Gugundhabe:-5,Silcis:-1,Wadalan:-1,Maxamuud Hiraab:-4,Sheekhaal:-3,Gaaljecel:-5,Xawaadle:-8,Madarkicis:-12,Ciise Muddulood:-2,Muddulood:-13.

Hadaba sida ku Cad Qoraalkan waxaa Hogaamiyayaasha Hawiye ee ka qeyb galaya Shirka Kenya Somalida uga Socda ka maqan Hoaagiyayaal Miisaan Siyaasadeed ku dhex leh Beeshasi oo ay hadii ay ka maqan yihiin arintaasi ay noqon doonto mid aan meelmarin,waxaana ka mid ah Hogaamiyayaashaasi sida Xasan Cabdule Qalaad,Cismaan Xasan Cali(Cismaan Caato0) Eng,Maxamed Xuseen Caddoow.

Balse la argi doonee halkan uu ku danbeyo Khilaafaadka u dhexeeya Hogaamiyayaahsa Siyaasada iyo kuwa Dhaqan ka ee Beesha Hawiye,iyadoo uu yahay khlaafaadkooda mid ka sii tagaya intii uu joogay isla markaana uu Noqonayo mid aan waxba laga qaban Karin hadii uusan wax iska badalin sida uu iminka ku socdo.

Madaxwayne Ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Md,Maxamed Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu gaashaan ka ku dhuftay inuu wax kulan ah la yeesho Madaxwaynaha Maamulka Puntland Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

"Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO GUJI...  [21 Feb. 2001]

Been abuurkii afduubka Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)
Guji... [Feb 6. 2001]

MAQAALADII ARAGTIDA DADWEYNAAH EE BBCDA AF-SOOMAALIGA  

Maxamed Cabdi Xaashi oo u Waramayay Qaarka mid ah Warbaahinta Guddaha Wadanka iyo Idaacada BBC da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu tibaaxay inay jiraan khilaafaad Xoogan oo u dhexeeya isaga iyo Col.C/laahi Yuusuf Axmed,waxana uu sheegay inay arintaasi ugu wayn tahay Col.C/laahi oo ku tuntan Dhamaan Shuruucda u dagsan Maamulkoooda Puntland.

Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu markii ugu Horeeysay Daboolka ka qaaday inay jireen Hishiisyo gaaraya ilaa 30 Hishiis oo uu tlmaamay inuu Dhamaan C/laahi uga baxay,taasoo uu sheegay inay ugu wacan tahay inay isfahmi waayeen isaga iyo Col.C/laahi Yusuf Axmed iyo Gabi ahaanba sida uu u dhanyahay Maamulka Puntland.

Madaxwayne Ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu Col.Claahi Yuusuf Axmed Dusha uga tuuraty inuu yahay Nin ku Dhaqma habka kaligiis taliska oo kale,taasoo uu ku tilmamaay inay horseedayso inay dhacdo is Khilaaf ba’an oo soo kala dhex gala dhamaan Maamulka Puntland,iyadoo uu sheegay inay taasi ay keentay inuu Go’aan ku gaaray inuusan wax kulan ah la yeelan Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Mar la waydiiyay Maxamed Cabdi Xaashi imaanshaha Col.C/laahi Yuusuf uu yimid Puntland oo uu isagu qudhiisa qeyb ka ahaa Ragii ugu baaqay inuu yimaado Puntland oo uu wax ka qabto arinta ka taagan halkaasi waxaa uu yiri"hadii aan runta ka hadalno Col.C/laahi Puntland inuu wax ka xasiliyo marnaba lagama yaabo ee waxaa uu had iyo jeer ka shaqeeyaa sidii uu dhibaato ugu dhex abuuri lahaa Bulshada Puntland Jawaabta aan ka bixinayo Su'aashaasi waa sidaa"kaasina waxaa uu ahaa Madaxwayne Ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Md,Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxwaynaha Maamulka Somali Land Daahir Riyaale Kaahin oo maanta Digniin u soo jeediyaya Dalalka ka shaqeeynaya sidii Soomaali markale la isugu keeni lahaa.

Madaxwayne Daahir Riyaale kaahain ayaa qoraal uu maanta ka soo saaray Magaalada Hargaysa waxaa uu ku sheegay inay ka digayaan in laga shaqeeyo sidii Soomaali looga dhigi laha Hal mid oo qura,taasoo uu sheegay inay tahay Riyo dhalanteed ah oo ay wadaan waxa uu ugu yeeray Dad ka soo horjeeda Jiritaanka Umada Reer Somali Land,Waa sida uu hadalka u dhigaye Daahir Riyaale.

Daahir Riyaale waxaa uu sidoo kale ku goodiyay in hadi arintaasi laga waantoobi waayo ay Dhici doonto Qalqal ku yimaada Amaanka Gobolka gaar ahaan Wadamada Geeska Africa oo uu shaagay inay qeyb ka yihiin Qolyaha Wada arintaasi uu iminka ka soo saaray qoraalka,iyadoo uu sheegay inay Somali Land ay la mid tahay Dowladaha ka dhisan Geeska Africa,taasina ay meesha ka saareeyso jiritaanka wax la yiraahdo Dalka Soomaaliwayn.

Daahir Riyaale waxaa uu Qoraalkaasi uu toos ah Digniin ugu soo jeediyay Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka oo ah Quwada Dhaqaale ee uu iminka ku socdo Shirka Somalida ee Kenya,kaasoo ah mida ay Somali Land ka afeefanayso inaysan wax saameeyn ah ku yeelan karin Dowlada lagu soo dhisi doono halkaasi,Waaba hadii ay dhacdo oo ay isku afgartaane Qolyaha ka qeyb galaya Shirkaasi.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Madaxda Somali Land ka hadlaan inaysan wax saameeyn ah ku yeelan Dowlada la damacsan yahay in lagu soo dhiso Shirka Somalida ugu Socda Dalka Kenya,laakiin hadalkan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore oo waxaa la socda Digniin ay ka muuqato Sida ay Somali Land ugu soo hor jeedaan Shirka Kenya,balse la argi doonee waxa ka soo naasa Cadaada Digniinta Daahir Riyaale iyo Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD