SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Sh. C/raxman Warsame oo aan War Loo Hayn Meesha uu Ku Dambeeyey Kaddib Markii Keenya Xirtay Bishii Maarso:

Maxkamadda Sare ee Magaalada Nairobi Ayaa sheegtay in ay Baarayaan halka uu Ku Dambeeyey Sh. C/raxman Warsame.

Faarax macalin oo soomalida ku eedeeyay in ay qabiill wax ku raadiyan dhibkana ay iskugu wacan yihin. 

 
Dad wayne aad u fara badan ayaa iskugu yimid maxkamada sare ee magaalada Nairobi shalay iyagoo si wayn u sugayay in ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay sh.C/raxmaan warsame oo muda laba bilood ah aan la ogayn halka ugu wardambaysay. kadib markii ay ciidamada amaanka kenya ka qafaaleen gurigiisa isagoo aan la ogayn waxa lagu eedeyay illaa hadda.
 
Qareenka u doodaya wadadkan kenya, James orengo, ayaa xaakimka maxkamada ka dalbaday in la tuso halka uu joogo iyo halkii ugu war dambay sayba.
 
Balse maxkamada ayaa shaaca ka qaaday in aysan haynin warbixin rasmi ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay sh.c/raxmaan, laakiin ay jiraan warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in wadaadka laga masaafuriyay dalka marna uu xiran yahay balse uu socdo baaritaan iyadoo lagu eedaynayo sharci daro.
 
Maxkamada ayaa sheegtay in kiiskan ay si wayn u baarayaan warbixin rasmi ahna ka soo saari doonaan sideed iyo tobanka bishan 18/6/04.
 
Kiiska wadaadka oo uu daba socdey mudane ka tirsan baarlamanka kenya  Faarax macalin oo si weyn uga hor sheegay baarlamanka kenya in ay baaraan sababta loo hayso wadaadkan soomaliyeed kuna tilmaamay in ay tahay xad gudub xuquuqda insaanka isla markana meel ka dhac ku ah dowlada in ay hayaan qof aanan dambi cad lagu haynin.
 
Faarax macalim oo soomalida kulan ugu qabtay masjidkii uu wadaadku ka wacdin jiray ayaa sheegay in ay arrintan xooga saaraan kana mudaaharadaan si ay uga dalbadaan dowlada in ay kiiskan baarto, hadii kale ay tahay mid (idin) wada saamayn doonta. isagoo ku eedeyay soomalida in ay wax ku raadiyaan qaab qabiil taasna waa mida keentay in kiiskan la iskaba iloobo oo aan la daba galin; waxana uu ugu baaqay somalida in aysan ka aamusin wixii ay ku jirto maslaxadooda  dhibna u keeni kara iyagoo ku raadinaya si wanaagsan oo aanan waxba u dhimaynin sharciga.
 
Wadaadka ayaa dhowr kiis lagu eedeeyay markii la qabanayay waxaa lagu eedeeyay  in ka mid yahay ururka "argagaxisada ee AlQAACIDA", kadiba lagu sheegay inuu dad dilay iyadoo ugu dambayna la sheegay in uu sharci daro ku joogay dalka.
 
Sh.C/raxmaan warsame oo loo yaqaano (mahad karatee) waxa uu ka mid ahaa soomaalida ku nool Nairobi isagoo haystay dhalasho iyo baasaboor kenyan ah, isagoo ka mid ahaa culumada dadka ka wacdiya masjid ku yaala islii oo lagu magacaabo Abuubakar Sadiiq. sidoo kale waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha shirkada xawaalada ee AMAL waxana la xiray 22/3/04.
 
Xaaska wadaadka oo laf ahaanteeda la xiray maalin kadib wadaadka, ayaa la sii daayay markii lagu waayay wax dambi ah iyadoo maxkamadu ay wax ka waydiisay xaalkii wadaadka gabadhan oo lagu magacaabo Nimca Cabdi ayaa iiga warantay waxyaabihii ay kala kulantay xabsiga iyadoo goob joog ka ahayd maxkamadii shalay.
 
Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa aad uga walwal qaba halka uu ku dambeeyo shiikha iyagoo qaarkood hadal haya in ay dhici karto in loo gudbiyay dalal kale oo fog; qaar kalena ay is weydiinayaan in uu nool yhay iyo in kale.
 
Sidoo kale waxay dad badani maskaxda ku hayaan halkii uu ku dambeeyay kiiskii Sh. Ibraahim iyo labadii nin ee lala dilay, kiiskan ayaa waxaa loo xiray Aadan kaynaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii KANU ee soomalida kenya iyo afar kale laakiin bishii hore ay maxkamadu sheegtay in aysan haynin cadayn buuxda oo ku aadan kiiskan iyo waxa ay u sii xirnaadaan dadka marba hadii aan la haynin wax cadayn ah. [Eeg: Dawlada Kenya oo baabi’isay Kiiska Dilkii Xildhibaan Ibraahim Xuubcaaro]
sidoo kale kii Istarliin Cabdi Aruush ayaan la soo hadal qaadin. [Eeg dilkii istarliin]
 
ugu dambayn waxaa si wayn loo sugayaa mudo ay harsan tahay  hal todobaad in maxkamadu ay ka keento warbixin buuxda oo ku aadan  xaalada shiiq C/raxmaan warsame.
 
canab mohomud, mumtaz.
canab_j@yahoo.com (canab_j@yahoo.com)

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2004

Soomaalida ku Sugan xunta Embagathi oo Loogu Baaqay in ay ka Guuraan
iyo dhibaato ka taagan qaybsiga baarlamaaka ee beelaha iyadoo shirarka Nairobi ay isku yimadaan maalin walba beeluhu uu ku dhamaado guul daro iyo fashilaad... Guji June 9

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD