SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BURCO

Culimada iyo waxgaradka Burco oo Horseeday iskaashi ku Dayasho mudan 

Magaalada Burco oo ka mid ah magaalooyinka ugu waawayn dalkeenna saldhigna u ah dacwda islaamka ayaa ku talaabsatay hirgalinta mashaariic waawayn oo wax looga qabanayo baahida dadwaynaha ee dhinacyada dacwada, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshda,  mashaariicdaan hormarineed ayaa waxtarkeedu ka qoto dheeryahay baahida gaarka ah ee ay Burco ka daboolayso, maxaa yeelay waxay saxaysaa fikradda qaldan ee qaar badan oo bulshadeenna ka mid ah ka qabaan hirgalinta mashaariicda bulshada loogu adeegayo ama ka shaqaynta danta guud, iyadoo in badan ay la tahay in hawshaasi u taal dawlad uun ama hay'ado samafal oo shisheeye iyo waliba in aan dadkeennu wax wayn tari karin. Marka reer Burco waxay si cad ugu qanceen walaalohoodna tuseen in dadkeennu wax wayn qabsan karo ayagoon cid kale sacabbada u hoorsan, waxaana rajaynayaa inay ajarka ninkii dadka khayr tusa heli doonaan. Arrintaani waxay i xasuusinaysaa warbixin uu na siiyay duqii hore ee magaalada Burco Sh. Maxamed Xuseen oo oranaysay: waxaan ka dalbaday hay'ado farabadan oo gaalo ah inay noo dayactiraan isbitaalka Burco oo sagaal qaybood ah, ka dib waxay sheegeen inay ku dayactiri doonaan muddo 8 sano ah, ka dib wuxuu Maxamed isugu yeeray dadwaynihii Burco wuxuuna u sharxay meesha wax marayaan iyo inay lagama maarmaan tahay inay hawshaas u kacaan oo isku tashadaan, ka dibna Rabbi mahaddi waxaa dadwaynihii reer Burco oo kaashanaya walalohooda dalka dibadda kaga maqan dayactireen 8 qaybood oo ka mid ah isbitaalkii halka hay'adihii gaaladoo dhani ka dayactireen hal qayb.

Dhanka kale wax ka qabadka danta guud waxay ka mid tahay usuusha diinteenna, tusaale ahaan: jidka in laga qaado waxa dadka dhibaya waa laan ka mid ah laamaha rumaynta, diinteennuna waxay ku boorrisay muslimiinta danta caamka ah wax ka qabadkeeda oo seddexda qof oo ajarku u soconayo geerida ka dib waxaa ka mid ah qof la baxay sadaqo joogto ah oo mar kasta dadku ku intifaacayaan, Rabbina ajar wayn ayuu ku bixiyaa ka shaqaynta danta guud, muslimiintuna taariikhdoodii dheerayd waxay caan ku ahaayeen ku dadaalka danta caamka ah, sida: dhisidda isbitaallada, masaajidda, madaarista, beero, kanaalo, guryo, waddooyin iyo biriijyo oo dhammaantood waqaf ah. Waxaan uga mahadcelinaynaa culimada, waxgaradka iyo dhammaan dadwaynaha reer Burco dadaalka ay muujiyeen waxaana Rabbi uga baryaynaa in uu ka aqbalo dadaalkooda iyo sadaqadooda, waxaan kale oo rajaynaynaa in dhammaan magaalooyinkeenna sidaan oo kale looga wada hawlgalo, culimada iyo waxgaradka kalana ku daydaan walaalohood reer Burco.

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Warbixintii mashaariicdaas iyo tafaasiisha sida wax u dheceen oo uu noo soo gudbiyay Sh. C/lahi Daahir Jaamac (Baashe) oo ka mid ah ducaadda Burco, xubinna ka ah guddiga samafalka iyo horumarinta G/Togdheer waa kan:

Iyada oo dib looga soo kabanayo burburkii laxaadka lahaa ee ku habsaday umada soomaaliyeed dal iyo dadba islamar ahaantaana dadaal loogu jiro sidii looga kaaftoomi lahaa ama loo yarayn lahaa baahida loo qabo gacmaha dibadeed(ajaanibka) ee ujeedooyinaka badan ee kala gaarka ah ka leh shacabkeena muslinka ah ayaa waxaa magaalada burco ka socda olole xoog badan oo ay hogaaminayaan culimada iyo waxgarad badan oo danaynaya horumarka iyo iskaashiga bulshada .

Ololahan mashaariicda lagu fulinayo waxaa ugu muuqaal dheer kuwan hoos ku qoran. 

mashruuca dhismaha biriij  cusub: 

sida laga wada war qabo magaalada burco waxaa dhex mara oo kala qaybiya tog balaadhan oo ah ka loogu magac daray gobolka T/dheer  kaas oo dhibaatooyin laxaad leh lagala kulmo xiliyada roobabku ay da,aan sababana in xaafadaha magaaladu ay ka kooban tahay qaar ka mid ahi kala xidhmaan oo isu talaabi kari waayaan , waxaa intaas weheliya khasaarooyin dheeraad ah oo naf iyo maalba leh sida dhacda waqtiyada qaar iyada oo dadkii, gaadiidkii, iyo xooluhuba ay ka gudbayaan in roobab meelo fog ka da,ay daadadkoodu soo rogmadaan halkaana uu ku qaato dad iyo xoolaba wixii maraya markaas. 

Hadaba iyada oo magaaladu hore u lahayd hal biriij oo dawlada shiinuhu ay dhistay sanadadii todobaataneeyadii ayaa sida dhaqsaha badan ee magaalada iyo dhismayaasheedu u korayaan waxay xoo dedejisay baahida loo qabo biriij labaad oo isku xidha xaafadaha magaalada ee togu qaybiyo , si arintaa loo xaqiijiyo ayaa culimada magaalada iyo dad badan oo kahayrka jeceli waxay isla garteen in la bilaabo olole wacyi gelineed iyo mid dhaqeele ururineed .

4/6/04 ayaa waxaa ka bilaabmay dhamaan masaajidada waawayn ee magaalada ololahaas iyada oo khudbad keliya oo isku mid ah laga wada akhriyay masaajida oo dhan taas oo ka hadlaysay iskaashiga iyo waxwada qabsiga gaar ahaan arimaha khayrka .iyada oo dadwaynuhu ka soo celiyeen wacyigelintii ay wadeen culimada iyo dadka khayrka jeceli dareen wanaagsan oo dhiiri gelin leh isla mar ahaantaana qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee gobolku durbadiiba ay ku dhawaaqeen tabarucaad ay ugu deeqeen dhismaha biriijka ayaa si rasmi ah waxaa loo dhagax dhigay munaasabad ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u tira badani dhismaha biriijka cusun 6/6/04 biriijkaas oo farsamayaqaanadu ay ku qadareen lacagta ku baxaysa 350,000$ (sedex boqol iyo konton kun oo daalar 

ganacsadaha wayn ee la yidhaahdo cabdi cawad (indha deero) ayaa ugu horayntiiba mar gudiga u xil saran dhismaha iyo abaabulak biriijku ay la kulmeen oo u bandhigeen mashruucan khayriga ah ku deeqay 50,000$(konton kun oo doolar) 

sidoo kale shirkada dahabshiil waxay iyana ugu deeqday dhismaha biriijka (30,000$) sodon kun oo doolar. 

Mashruucan oo loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo hadii alle idmo mudo sideed bilood ah ayaa waxaa loogu baaqayaa dhamaan dadwaynuhu inay ka qayb qaataan xoog iyo xoolaba si uu astaan ugu noqdo midnimada iyo iskaashiga bulshada muslinka ah sidoo kale mashruucan iyo kuwa la nooca ahi waxuu fariin u dirayaa guud ahaan dadka soomaaliyeed iyo cid kasta oo khayrka jecel  sidii ay u abaabuli lahaayeen mashaatiic noocaas oo kale ah iyada oo culimada iyo ducaada iyo inta khayrka jecel xil dheeraad ahi ka saran yahay u jihaynta umadooda dhinacyada kala duwan ee khayrka. 

Jaamacada Burco: 

Waxaa barbar socda mashruuca biriijka ee aynu ka soo hadalay dadaal lagu doonayo in jaamacadii ugu horaysay laga furo magaalada burco ololahan lagu doonayo in lagu abuuro jaamacad oo ay hogaaminayaan gudiga lagu magacaabo (G/ samafalka iyo horumarinta T/dheer horena door firfircoon ka soo qaatay ololihii gurmadkii abaaraha iiyo xubno badan oo aqoon yahano ahi talaabooyinka muhiimka ah ee ilaa hada la qaaday amaba wax ka qabsoomeen waxaa ka mid ah . 

1-    waxaa la diyaariyay goobtii jaamacada lagu bilaabi lahaa si kumeel gaadh ah taas oo ah dhismayaal ay lahaan jirtay wakaalada daaqa qaranka oo dayac tiran 

2-    waxaa la ansixiyay maamulka dawladuna ogolaaday in jaamacada lagu wareejiyo oo loo dayactiro dugsi wayn oo  hore u ahaan jiray machadka  daaqa qaranka dhul balaadhan oo ku filana haysta

3-    waxaa la diyariyay sharciyadii iyo nidaamkii jaamacad oo dhamaystiran

4-    waxaa la qalabeeyay qaar ka mid ah xafiisyadii laga maamuli lahaa jaamacada iyo qaar ka mid ah kalaasyadii waxbarashada

5-    waxaa la go,aamiyay in dhawrka isbuuc ee fooda inagu soo haya la furo labadii kuliyadood ee ugu horeeyay oo kala ah  kuliyada xanaanada xoolaha iyo tababarka macalimiinta. 

Cusbitaalka waalida 

Iyada oo waalidu ay aad ugu soo badanayso mujtamaca soomaalida guud ahaan sababaha ugu waawayn ee arintaa loo tiirinayana uu ka mid yahay qaadku ayaa daraasad laga sameeyay gobolka togdheer waxay sugaysaa in 10 kii guriba ugu yaraan laga helayo qof waalan oo ku xidhan sidaa daraadeed ayaa waxaa laga maarmaan noqotay in la helo goob lagu xanaaneeyo dadka waalan ee miyirkoodii waayay iyada oo aanay gobolka hore uga jirin goob noocan oo kale ahi ayaa dadaalaka ay wadaan gudiga samafalka iyo horumarinta T/dheer waxaa ka mid ah sidii loo samayn lahaa dhismaha iyo qalabaynta cisbitaalka waalida . 

Talaabooyinka la qaaday:

1-Waxaa lagu guulaystay in loo helo dhul balaadhan oo deris la ah cusbitaalka guud ee magaalada

2- waxaa gacanta lagu hayaa qayb ka mid ah tabarucaadkii lagu dhisi lahaa oo ay ku deeqeen dad Somali ah oo khayrka jecel  

Natiijooyinkii ka soo baxay wefdigii culimada ee ay hogaaminayeen sh. Maxamed idriis iyo sh, c/raxmaan sh. Cumar 

jawladii dacwadeed ee ay hogaaminayeen labada sheekh ee kor ku xusan taas oo ay ku soo mareen magaalooyin badan oo ka mid ah dalka  burco waxay ka mid ahayd meelihii nasiibka u helay inay ka faa,iidaystaan culimada  

jawladaas culimadu waxaa la odhan karaa waxay kaga tagtay dhamaan meelihii ay soo martay saamayn wayn gaar ahaan burco , waxay culimadu u dhigeen ducaada iyo guud ahaan bulshadaba duruus camali ah oo tarjumad cad ka bixinaya faa,iidada iskaashiga iyo wax wada qabsiga iyo in umada muslinka ahi nafteeda ku kalsoonaato oo siku tashato. 

Waxaa la hir geliyay intay culimadu joogeen mashaariic dacwadeed oo dadwaynaha gobolka dhexdooda laga fulinayo  

Tabarucaadkii ay ku deeqeen dadwaynaha reer burco ee ka soo qayn galay muxaadaraadkii culimada iyo duruustii ay bixinayeen waxaa ka soo xarooday 30,000$ tabarucaadkaas oo loogu tala galay in lagu fuliyo dhismaha markaska dacwada iyo tacliinta iyo madarasada ibnu cabaas oo ah dugsi hoose dhexe oo ay dhigtaan 700 oo arday. 

Waxaa gabagabo ku dhaw dhismaha markaska dacwada iyo tacliinta oo ka kooban laba dabaq dugsiga ibnu cabaas waxaa lagu tala jiraa in dhismihiisa toos loo bilaabo isbuuca fooda inaga soo haya  

Gabagabo: 

Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu taam yeelo dhaqdhaqaaqyada khayrka ee ay wadaan ducaada iyo muslixiintu meel kasta oo ay joogaanba taladuna waxay tahay in laga  mideeyo dhamaan juhuuda socota dhinacyada warbaahinta iyo isdhaafsiga khibradaha iyo tajaaribta.  

Sh. C/lahi Daahir Jaamac (Baashe)
E-mail: cbaashe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2004

Suldaankii Nabadda oo Geeriyoodey
Suldaan Mohamed Suldaan Farah  oo 60 sano soo hayey Suldaanimada Beelweynta ARAR ayaa ku geeriyoodey Hargeysa; magaalada Boosaasona waxaa ku geeriyoodey Abshir cadami oo caan ka ahaa gobolka Bari.. Guji June 12

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]