SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

 

Ing Yariisoow: Shirka Nairobi Waxaa Kamaqan Danta Guud....Waraysi

Ridwaan Haji Cabdiwali -14 June 2004


Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

waraysigan waxaanu la yeelanay Guddoomiyaha Ururka Somali Concern Group Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) isla markaana ah mas’uul sare (Team Leader) ee waaxda Guryaha, dowladda Hoose ee galbeedka London (Ealing),  wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Ridwan: Mudane Eng. Yarisow bal wax nooga sheeg hadafka aad u aas-aasteen ururka Somali Concern Group (SCG)?

Eng. Yarisow: Mahadsanid Ridwan, marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan kaaga mahadceliyo Howshaada Saxaafadeed. Haddaan u soo noqda jawaabta su’aasha SCG waxaa la aasaasay 3dii Juun 2003 ka dib markii deyro iyo natiijo xumi laga soo sheegay shirka dib u heshiisiinta oo weli ka socda Kenya iyo inay lama huraan noqotay in Ummadda Soomaaliyeed ay u soo jeestaan aqoonyahanadeeda meel walba oo ay joogaan una gunta xeytaan sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah.

Ridwan: Illaa iyo hadda xubnaha SCG imisa ayey dhan yihiin?

Eng. Yarisow: Ururka walow la aas’aasay sanadkii hore, haddana waxaanu ku shaqeyneynay hab pressure group ah oo ma jirin dastuur iyo xubno diiwaan gashan. Ha yeeshee uruku wuxuu leeyahay taageerayaal aad iyo aad u fara badan oo waddanka gudihiisa iyo dibeddiisaba jooga. 2dii May 2004 ayaa xubno dhan 67 ay is diiwaan geliyeen, ka dibna ansaxiyeen dastuurka ururka oo muddo ka badan 3 bilood ah la tashi iyo wax ka bedelidba lala kaashaday xubnaha oo dhan. Xubnahu waa kuwa soo kordha maalin walba oo hadda xubno kor u dhaafay 70 ayaa noo diiwaangashan, ha yeeshee waxaan ka codsaneynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan inay nagu soo biiraan oo ay nagala shaqeeyaan howlaha ummadda soomaaliyeed u yaallo oo aan runtii yareyn.

Ridwan: Waxyaabaha aad doonaysaan in uu qabto urarkan maxaad nooga sheegi kartaa?

Eng. Yarisow: SCG waa dhaqdhaqaaq bulsho oo isbeddel doon ah, kaasoo hiigsanaya dib u soo nooleynta sharafta soomaaliyeed iyo wax u qabadka ummaddooda, iyadoo la marayo dib u abaabulidda bulshada lana xoojinayo xirrikooda walaaltinimo laguna wacyigelinayo qiimaha nabadda iyo dib u heshiisiin waarta ooo dhaxalgal ah. SCG waxey u howlgeli doontaa sidii loo heli lahaa nidaam dowladeed oo ku dhisan sarreynta sharciga, hufnaan, karti iyo dowlad wanaag. SCG wuxuu kaloo ka shaqeyn doonaa isu furfuridda iyo is dhexgalka bulshada soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo lana kobcinayo waxyaabaha bulshada u dhexeeya oo ay kasbatay iyo dhameystirka waxii ka dhiman. Waxaan kaloo taageereynaa oo aan dhiiri gelinta caddaaladda, horumarinta, nabadda iyo abuurista jawi saamixi kara horumar joogto ah.

Ridwan: Xiriir mala leedihiin ururada siyaasadda soomaaliyeed?

Eng. Yarisow: SCG muddaddii yareyd oo ay jirtay iyo dadaalka weyn oo ay ka muujisay shirka Mbagathi iyo halkan Londonba waa lala wada socday, runtiina xirriir heer sare ah ayaan la leenahay dhammaan ururada siyaasadda soomaaliyeed, anagoo ujeedadeenu tahay inaan mar walba dhexdhexaad ka noqono arrimaha jira si loo helo isu soo dhowaad iyo is afgarad dhex mara ururada siyaasiyiinta. Sidoo kale waxaan xirriir la leenahay ururada rayidka ah ee ka jira waddanka, hay’adaha caalamiga ah sida IGAD, AU, EU, UN iyo waddamada qaarkood sida UK, Masar, South Africa, Djibouti, Kenya. Dhammaan xirriirada ururka SCG uu la sameeyey hay’adaha kale waxey nagu dhiiri gelisay in dadaalka aan ugu jirno geediga nabbada ummadda soomaaliyeed inaan sii kordhino. Waxaan aaminsanahay in siyaasiyiinta soomalida aysan si hufan u isticmaalin xirfadahooda xirriirka iyo wada hadalka, sidaas daraadeed waxaan xoojin doonaa sidii loo yareyn lahaa is faham la’aanta iyo wada hadal la’aanta siyaasiyiinta hadda jirta.

Ridwan:Ururkiinu wax maka qabanayaa dhibaatooyinka haysta soomaalida ku dhaqan UK?

Eng. Yarisow: Haa, sidaad la socotaba ururka xaruntiisa ku meel gaarka ah waa London, UK. Sidaad la socoto halkan waxaa ku dhaqan jaaliyad soomaaliyeed oo aad u fara badan, laguna qiyaasay iney kor u dhaafeen 120,000. Sidaas daraadeed waa muhiim inaan wacyigelinta halkan ka bilowno iyadoo aan markaas wax ka qabanno dhibaatooyinka faraha badan ee soomaalida halkan ku heysato, sida shaqo la’aanta, guryo la’aanta, caafimaadka oo dhalinyaro fara badan ay hadda ku jiraan isbitaalada iyagoo xannuun la xirriira maskaxda, waxbarashada iyo dhibaatooyinka bulshada oo ay ka mid yihiin jaadka iyo qoysas fara badan oo aan wada degeneyn iwm. Waan dareensanahay in la xaliyo dhibaatooyinka soomaalida ku heysato halkan si wacyi gelinteenu ay noogu fududaato, ha yeeshee dhibaatada ummadda soomaaliyeed marka la fiiriyo waxaa dhib badan soomaalida gudaha joogta, isla markaana ka war dhowrayo wallaalahood nasiibka u helay inay dibedaha ku noolaadaan.

Ridwan :Malaga yaabaa in uu ururkan noqdo sida kuwo badan oo gadaal lagu kala dareero?

Eng. Yarisow:Sidaad la socoto ururkan waxuu shaqeynayey muddo sanad ah isagoon markii hore laheyn dastuur iyo xubno diiwaan gashan. Waqti dheer iyo la tashiyo fara badan ka dib, waxaa noo suurto gashay inaan dastuur u sameynayo, isla markaana ay jiraan xubno diiwaan geshan. Ma filaayo in SCG uu la mid noqdo ururada aad qiyaaseyso, waayo ururka SCG si laablakac ah laguma dhisin oo waqti dheer baan ka fikireynay. Habka aan rabno inaan ku shaqeyno waa hab ka duwan hababkii hore loo bartay oo waxaan sameeyney guddi howleedyo, sida xirriirka caalamiga, arrimaha bulshada, arrimaha wacyigelinta, qorsheynta iyo dhaqaalaha oo dhammaan xubnaha ay la shaqeyn doonaan guddi howleedyadaas, tanoo aniga iyo guddiga fulintaba noo suurto gelineyso inaan hab istaraateji fiican leh ugu qorsheyno howlaha ururka. Runtii anigoo ku kalsoon guddiga fulitna iyo xubnaha ururka waxaan aaminsanahay inaan waxqabad dhab ah u soo jeesanno, ujeedadeenuna ay tahay sidii ururka uu u noqon lahaa mid jira, haddaan wax qabakeena yareynana ay xubnuhu nagula xisaabtamaan, anagana aan aqbalno inaan xilka iska wareejino haddii waxqabadkeenu wiiqmo. Marka aad baan ugu kalsoonahay in ururka SCG uu noqdo mid sii jiri doono.

Ridwan: Ma jirtaa caawimaad aad heshaan oo hayado kale ay idinku taageeraan?

Eng. Yarisow: Mudadii ururka uu jiray waxaan ku guuleysannay inay xubno fara badan ay tagaan Kenya si ey uga qeyb qaataan dadaalka geediga nabadda arrimaha soomaaliyeed, taasoo kharash badan uu ku baxay. Nasiib wanaag kharashkaas oo dhan waxuu ahaa mid ay xubnaha safray iyo taageerayaasha ururku bixiyeen. Mudadii Kenya la joogay ayaa waxaa noo suuro gashay inaan qabano xaflado fara badan oo ay ka mid ahaayeen 1da Luulyo 2003, xaflado lagu sii sagootinayey safiiradii Mareykanka, & Masar. Xafladdii maalinta nabadda adduunka 21kii September 2003, xaflad loo qabtay Mario Rafaelli , wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga iyo xaflado gooni gooni loogula hadlayey mas’uuliyiinta soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamka ee ku sugnaa Nairobi.

Kharashkaas waxaan kaalmo ka helnay oo aan mar walbo ka codsaneynay inay qeyb ka qaataan maalgelinteeda mas’uuliyiinta soomaalida, hay’adaha caalamka iyo taageerayaasha SCG. Sidoo kale SCG waxey ka qeybgaleen shirkii IGAD ee ka dhacay Kampala 22-24 Oktoobar 2003. Waxaa kaloo SCG u suurto gashay inay Abwaan Hadrawi ku casuumaan London oo ay nagala qeyb qaateen ururka KAAH. SCG waxey aaminsantahay inay lama huraan tahay in Soomaalidu ay iyaga isku tashtaan ha noqoto kharash ama kaalmo kaleba. Waa run mashruuca na horyaallo waa mid dhaqaale u baahan, guddi howleedka qorsheynta iyo dhaqaalaha ayaan ka sugeynaa inay mar dhow na soo hordhigaan qorshahooda iyo sidii lagu heli lahaa maaliyadda loo baahanyahay. Marka illaa iyo hadda waxaan ku tashanaa kaalmada xubnaha ururka iyo taageerayaashiisa.

Ridwan: Fikirkaaga ku aadan shirka dib u heshiisiintu muxuu yahay?

Eng. Yarisow: Falalka siyaasiyiinta ama mas’uuliyiinta shirka u fadhiya Nairobi ma aha mid aan ku qanacsanahay oo waxaa ka maqan aragti dheer iyo fikir ku aadan danta guud ee ummadda soomaaliyeed oo runtii aad u dhibaateysan. Waxaan aaminsanahay in rabitaankooda ka mid noqoshada dowladda la dhisi doono ayaa ka xoog badan tan danta guud. Shirku waxaad moodaa inuu bilowga ka habaabay, marka dhameystirkiisana uma muuqato mid kalsooni ku abuuri kara ummadda soomaaliyeed.

Dadka qaar baa aaminsan in dowlado shisheeye oo kaliya lagu heli karo dowlad iyo nabad, ha yeeshee aniga fikirkeyga aad buu uga duwan yahay oo marna ma qabo inaan sugno dowladdo shisheeye iney wax noo qabtaan. Haa kaalmo waa laga rabaa caalamka, laakin iney noo sheegaan sidaan ku heshiin laheyn ma qabo. Dadaalku wuxuu ku wanaagsanaa in marka hore lagu soo heshiiyo sida loo rabo in nabad iyo dowlad lagu helo. Tusaale ahaan hadii la isku raaco in beel loo qeybsado baarlamaanka iyo talada guud (walow aan aniga aad uga soo horjeedo) waxey ku fiicneyd in beel walba soo shirto oo ey keensato mas’uuliyiin oo hoos laga soo bilaabo, si ey u fududaato in wadahadalku uu yeesho qorshe cad oo loo wada jeedo natiijada. Laablakac iyo qorshe xumo ma lagu dhisi karo qaran soomaaliyeed. Waxaana loo baahanyahay ururo soomaaliyeed oo sideena oo kale ah si aan u wada kaashano habka ugu habboon ee aan ku soo afjari karno dhibaatooyinka jira.

 

Dhamaad.

15/3/2004

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Culimada iyo waxgaradka Burco oo Horseeday iskaashi ku Dayasho mudan
» Mashruuca dhismaha biriij cusub oo laga hir gelinaya Burco
» Dadaal lagu doonayo in jaamacadii ugu horaysay laga furo Burco
Ka akhri warbixintii C/Laahi Baashe Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD