SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAAL

 

Maandeeq waxaa sidatan u galay Warlord aan awood lahayn, Malaga yaabaa Warlord madaxweyne loo doortay in uu daryeelo? !!

Mohamed M Mohamed (Yooye Kaarshe)
Warfaa2oct@yahoo.com

Waxaan salaamay dhamaan danyarta Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo horumarka dhulkooda. Ka xoroobay aragtida gaaban ee Warlords-ka loo soo dhiibay kuna dhisan kala qaybinta iyo magacyo u kala bixinta dadka walaalaha ah een sina u kala maarmin. Aaminsan in dhulka Soomaaliyeed aan lagu kala lahayn qabiil, balse qof waliba uu ku leeyahay guriga uu degenyahay iyo dhulka uu ku ganacsado sida beerta iyo tukaanka, kuwaa oo uu u haysto warqada lahaanshaha. Ku qiimeeya dadka aragtidooda, balse aan ku qiimeyn deegaanka iyo qabiilka lagu tiriyo. Aaminsan in dhibaatada jirtaa looga bixikaro diinta Allah oo la-fahmo iyo in la tixgeliyo wixii heshiis ah ee umadu wada gasho iyadoo laga runsheegayo. Allaah wuxuu jecelyahay kuwa fuliya balamaha.

Akhristoow, waa wax laga naxo lagana arga-gaxo daruufaha adag ee la soo dersay danyartii Soomaaliyeed meel walbay joogaanba, sida dilka iyo dhaawaca, gaajada iyo cudurka, dhaqan doorsoonka iyo diin-ka baxa, amni darada iyo maamul xumada, iyo aragti gaabnida dadkii ku habsatay ee ay weli garan la-yihiin waxa sababay dhibaatadan raagtay iyo cida ay xalka ka sugayaan.

Daraasad Gaaban: Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Daraasad kooban oo ay soo saareen aqoon yahanno Soomaaliyed ayaa kubilowday in... Guji...  June 14

Wax-magaratadu (Warlords and their supporters) waxay nagu qaldeen waryaa ree hebel ah. Kalama xisaabtano wixii bulshada dan u ah, sida ( Nabada, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan arimaha horumarka bulshada wixii ay ka qabteen). Waxaan nahay danbiile hadaan weydiino cida talada u dhiibatay, inta ay hayn doonaan iyo waxa ay masuulka nooga yihiin. Dhulkii Soomaaliyeed iyagaa dhaxal u helay, cidaan iyaga ahayn ama aan taageere u ahayn oo talo laga dhageystaa ma jirto, cidaan ka mid ahayn oo xalkeeni kartaa ma-aaminsana, iyagaa saxan cidii ka hor timaadana waxay naga dhaadhiciyeen in ay qaldanyiin, waxay nagu yiraahdeen reerka (tolka) qof lagama arkeen hadii aan anigu sidaa yeeli lahayn, markaasaa danyartu run moodaa isaguna kibir iyo Allaah ka fogaad ka qaadaa.

Fiicnaan lahaydaa in aan kala ognahay kii noo gargaaray iyo kii wax noodhimay. Fiicnaan lahaydaa qofka in lagu qiimeeyo wax-tarkiisa balse aan lagu qiimayn qoyska uu ka dhashay. Fiicnaan lahaydaa xooga aan qabiilka ku difaacnay in aan beeraha ku falano danyartana ugu gar-gaarno. Fiicnaan lahaydaa lacagaha aan ku taageernay difaaca qabiilka in aan kaga faa-ideysano horumarka ilaha dhaqaalaha ee wadanka. Fiicnaan lahaydaa jacaylka aan u hayno Warlordka iyo qabiilka in aan ku bedelno caro iyo nacayb aan u qabno kuwa xumo falayaasha ah. Fiicnaan lahaydaa in aan is dhegeysano si aan isku fahano wixii dan noo ahna aan ooga wada tashano. Fiicnaan lahaydaa in aan wuxuu Allah na faray yeelno ku qasaari meynee.

Tashan weydaye waa laguu talin!!

Akhristoow, wax ma garatadu (Warlords and their gov’t) markii ay nakala qaybiyeen, dhulkii Soomaaliyeedna magacyo loo kala bixiyay, qolo walibana meel lagu ooday, mid walibana cadaw looga dhigay midka kale si aysan danta ka dhaxaysa ooga wada tashan, wixii cadaw ku ah horumar koodana aysan il gooni ah ku eegin dadkana ka baran. Intaa markay nagu ogaadeen ayay go’aan ku gaareen in ay aduunka aqoonsi iyo abaal marin ooga raadsadaan tacadiga iyo darxumada ay danyartii badeen- ku faleen. Aduunkii (United Nation) oo war mooge ahna waa ka yeelay codsigoodii kadib markii Ethiopia u marqaati furtay, Maraykan-kuna yiri Ethiopia run baan ku aqaan!.

Dagaal - Ooge khaa'ina
Duulkuu rigeystee
Dagay oo wareershoo
Dalow dheer ku sii wado
Kuna yiri digtoonoow
Car yaa daya hareeraha
Dijaal soo baxaan ahay
Cuqaashaan deldelayaa
Kaan iga dambeyneeyn
Dalku waa inoo iib….! (Inj. Mohamed Ali Cibaar)

Akhristow, Somalidu waxay tiraahdaa “nin hooyadii qorax ku jiiday, sodohdii hoos kuma jiido” hadaba waxaa caqliga bini aadamku aqbalikarin, Warlord-kii gabay, dayacay kuwii ay ehelka isku xigeen (deegaankuu ka yimid) oogana soo tagay colaad iyaga dhexdooda ah oo uu isagu sabab u ahaa. Jahli isla-weyni iyo madax adayg laga dhaxlay aqoondarada. Horumar-la’aan ay sababtay maamul xumadiisa. Iska daba wareeg iyo fawdo ay sababtay aqoon xumada Warlordka iyo garasho la-aanta danyarta. Xasilooni daro asalkeedu yahay xukun jacayl. Diin nacayb ay sababtay shisheeye raali gelin. Intaan iyo inkaloo lagu daray Warlordka inta uu wax ka qaban waayay raba in uu Maandeeq xal u raadiyo sow wax lala yaabo maahan? Soo roob da’ay oon daruuro lahayn maaha? Soo bil sadexaad oo lagu guuray maahan? Soo dhado roob noqon weday maahan? Soo reer loo raray meel aan loo sahmin maahan? Soo danyar rajo dhigtay go-aankeed maahan?. Soo jug yar jug weyn ku bedelo maahan (warlord aan awood badan lahayn awood u yeelid). Clan Warlord to president of Somali republic.

Dabcan, garasho yari hadaan Soomaali nahay waa caadadeen, dagaal ooga yaashan daruufahan adag nabaday in aan abaal ooga dhignaa (Madaxweyne, Ra-iisal wasaare, Wasiir, Xildhibaan) wax la dhayalsadaa maahan. Waayo waxaan danteenii u iloownay nacaybka iyo xumaanta aan isku qabno iyaguna nagu qulaamiyeen.

We hate each other, because we don’t know each other! (Dr. M. Luther King)

Fiicnaan lahaydaa in aan is waraysano, waxa aan ku dagaalamaynana is weydiino. Fiicnaan lahaydaa danyarta ku nool Hargeysa iyo danyarta ku nool Gar-bahaarey in ay ogaadaan in ay isku dan yihiin, wadan kuna ka dhexeeyo. Fiicnaan lahaydaa danyarta ree Boosaaso iyo Xamar in ay gartaan in ay isku danyihiin. Fiicnaan lahaydaa danyarta Soomaaliyeed meel ay joogaanba in ay ogaadaan in ay isku dan yihiin, warlord-kana dhinac ooga soo wada jeestaan waxay u baahanyihiina ay tahay cadaalad, sinaan iyo horumar – liberty, justice and development. Fiicnaan lahaydaa Warlords-ku in ay ogaadaan danbigay shacabka ka galeen, xaqna aysan u lahayn talada Maandeeq in wax laga weydiiyo.

Allahayoow, Soomaali ma ooga digay Warlord-kii ree Tolkay!!

Ugu danbayn, Warlords ku hadii ay deegaankay ka imaadeen iyo dadkii ay sheegteen in ay u taliyaan ay kaga soo tegi lahaayeen xasilooni iyo horumar la taaban karo, waxaa suuro gal ahaan lahayd in aan ku aamino Maandeeq taladeeda. Balse haduu ka yimid deegaan aysan ka jirin nabad iyo horumar toona, sow dhurwaa hilbo u dhiibo maahan? Sow ninkii ooda qaadi waayay ee mida kale dul saartay maahan? Sow Aabow kan yar iga celi kan weyn ii daa maahan? Allahayow, waxaad marqaati iiga ahaataa Soomaali in aan ooga digay Warlord-kii ree tolkay, anaguu na siray, horumarkii nagala dagaalamay, wuxuu ina tari waayay Soomaali in uu taraa waa waxaan la sugeyn, waa calaacal timo ka soo baxay, wuxuu diiday in uu ka dego xilka Warlord-ka waxaan rayo looga qabin in uu ka dego xil kaloo Soomaali u dhiibatay kana dhaqaale iyo qiimo badan midkuu horay u hayay.

Mohamed M Mohamed (Yooye Kaarshe)
Warfaa2oct@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Daraasad Gaaban: Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Daraasad kooban oo ay soo saareen aqoon yahanno Soomaaliyed ayaa kubilowday in... Guji...  June 14

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD