SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAAL

 

SOMALIA DOWLAD IYO DAWLAD LA'AAN , SOMALILAND WAA ISUGU MID

mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com

Damaca Puntland ee gobolo ka mida Samaliland , kama aha Puntland raadis Somaliwen ama qaran Somaliyeed , ee waa damac ku dhisan qabiil ama beelaysi, inkasta oo ay siyaasiinta Puntland u eekaysiiyaan damaca gobalada Smaliland mid ay ku doonayaan midnimada waxii la isku odhan jiray Somalia. Iyada oo aanay cidna ka qarsoonayan in ay Puntland tahay maamul beeleed.

 
Hadaba haddii ay Somalia dawlad ku soo dhisato Keenya , dawladaas oo ah ama noqon doonta mid Fedaraal ah, kana koobanaan dawlado isku tagay , oo ku salaysan hab beeleed , taas oo ah in beelwaliba yeelato maamul hoosaad u gaara , xubina ka ha dawlada Fedeeralka , si ay fuliso danaha beesha iyada oo la xisaabtamaysa dawlda dhexe ama Fedaarlka ah. 
 
Tayada ama cududda ay yeelto dawladdaa Fedraalka ayaa aad u yar ama aad u yaraanaysa , aadna ay u adkaanysaa in wax dhibaato ahi kaga timaado Somaliland , madaama aanay jirin meesha dawlad isku duubani oo leh hadaf qudha ama qaranimo.Sababato oo ah mar haddii ay dawladii fedraalku tahay mid ku salaysan hab beeleed , beelaha Somalia ay badankoodu iswada haystaan ha ahaadeen jilibyo ama beeloba eh . Arintan ayaa aad u adkaynaysa in ay Somaliya yeelato ciidan xoogle, oo ay Somaliland wax ku yeeli karto, iyada oo ay Somaliland is difaaci karayso haddii ay ciidamada Somalia cudud yeeshaan iyo haddii kaleba.
 
Dhibaatada u dhexaysa Somaliland iyo Puntland ayaa ah sideedaba , mid u dhaxaysa qaran iyo beel, taas oo habayaraatee aan isbadalayn haddii ay Somalia dawlad dhisato iyo haddii kaleba , sababata oo ah dawlada ka soo naaso cad Somalia ayaa ah mid ku dhisan hab beeleed oo aan ka duwanayn ku hada ka jira Somalia sida , Puntland, Jubooyinka, Hiiraan , Jawhar, Bay iyo Bakool. Taas oo ah haddii ay dawlad Fedraal ihi u dhalato Somalia waxa ka muuqan doona sumadaha ay leeyihiin kuwa kor ku xusan.
 
Iyada oo jiraan dad badan oo reer Sool ah oo aaminsan qadayida  Somaliland ee qaranimo oo aanay ku jirin qabiil ayaa hadana waxa jira in ku soo barbaartay maamulkii ina Siyaad oo waxba ka ogayn taariikhda Somaliland, kuwaas oo ah inta uu duufsaday in Yey ama Cabdilaahi Yusuf.
 
Iskuduubnaanta  qarnimo ee Somaliland ayaa u noqon karta dawo Somalia , ama qaran ka dhasha Somalia. Taas baajin karta dagaal dhexmara Somaliland iyo Puntland , ahna hadii ay dawladi u dhalato Somalia ay fududayn karto in ay Somaliland  iyo Somalia isku soo hor fadhiistaan iyaga kala ah laba qaran khilaafkoodna ku xaliya si ay Somalinimo ku jirto.  
 
Somalia ayay dan u tahay in ay ku daydaan Somaliland iyaga ku xisaabtamaya qarnimo , inta ay ku doodayaan midnimada Somalia waa muqadas oo Somaliland ma gu karto, sababta oo ah Somaliland way ka horaysaa Somalia marka aynu eegno halka ay kala taagan yihiin. Somaliland waa qaran halka ay Somalia beel walba ka tahay qaran iskii u taagan una xisaabtamaya hab dawladeed, taas oo  adkaynaysa in ay Somalia ka dhalato dawlad qaran.
 
Siyaasiinta Somalia ee ku shiraya Keenya ayaa marka ya iska dhigayaan ama isku eekaysiinayaan in ay Somalinimadu ka dhab tahay ayaa waxa ay ku meeraystaan Baasaboorka Somalia lama joojin karo iyo Somaliland ma gu' karto, iyaka ka mas uula waxa Somali dhibaato haysata ha ahaado dagaal oge ama hogaamiye beeldba eh.    
 
 
Ugu dambayntii haddii ay Somaliland xudeeda soo odato imika iyo haddii ay sugto dawlad Fedraala oo ka dhalata Somalia waa isgu mid, sababta oo ah haddii ay Somalia u dhalto dawladi iyo haddii kaleba , kolay dagaal dhexmaraa Somaliland iyo Puntland waxa uu ahaanyaa mid u dhexeeya qaran iyo beel.

mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com

  QORAALADII HORE EE MAXAMUD SAMATAR

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Daraasad Gaaban: Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Daraasad kooban oo ay soo saareen aqoon yahanno Soomaaliyed ayaa kubilowday in... Guji...  June 14

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD