Tan iyo intii
ka dambaysay burburkii dawladdii
Soomaaliyeed waxaa dhagaheena ka
batay wax loogu yeero shirar dib u
heshiisiineed oo lagu furdaaminayo
dhibaatada ku habsatay dalka dibna
loogu soo celinayo qaranimadii iyo
sharaftii ummadda Soomaaliyeed iyo
kaalin ay kaga jirtay beesha
caalamka.
Hadaba
shirarkaasi oo lagu qabtay meelo
kala geddisan siiba wadamada deriska
14 kii sanno ee ugu dambeeyay ayaa
dhammaantood ay ahaayeen kuwo lagu
guuldaraysay oo aan wax macno lihi
ka soo bixin haddii ay ka soo
baxeena aanan la fulin.
Burburka ama
guul darrada shirarkaas ayaa waxaa
inta badan sabab looga dhigaa isu
tanaasul la’aanta dagaal oogayaasha
iyo iyagoo danahooda gaarka ka hor
mariya midda qaranka oo wax kasta oo
halkaas ka soo baxa ilaa ay iyagu
wax ka noqdaan aanay
ogolaanayn.Waxaa iyana intaa sii
dheer dawladaha shisheeye siiba kuwa
deriska la ah Soomaaliya oo raba
inay saamayn ku yeeshaan natiijada
shirka.
Shirarkan
tirada badan ee Soomaalida loo qabto
ayaaba la sheegaa inay haatan ka mid
noqdeen ilaha dakhli ee wadamada
deriska ah ee shirarkan lagu qabto
maadaama ay ku baxdo hanti aad u
badani.
Hadaba shirka
haatan ka socda duleedka magaalada
Nairabi ayaa ah mid ay Soomaalidu
aad uga dhur sugayaso natiijooyinka
ka soo bixi doona, waxaana dad
badani aaminsan yihiin inuu yahay
fursaddii ugu dambeysay ee xalinta
dhibaatada Soomaaliya oo beesha
caalamku ku lug yeelato.
Shirkan oo soo
maray marxalado kala geddisan kana
soo gudbay dhibaatooyain badan ayaa
waxaa hadda la soo gaaray wejigiisii
ugu damabaeeyay ee awood qaybsiga oo
la filayo inuu noqdo midka ugu adag
maadaama uu yahay wejiga hay’adahii
dawlaiga ah lagu soo dhisayo.
Waxaa muran iyo
is qaqabsi badan oo mararka qaar
sababi gaaray in shirka lagu kala
tago ka taagnaa qodoba ay ka mid
ahaayeen tirade baarlamaanka iyo
cidda xaqa u leh soo xuliddooda.
Shirkan oo
muddaddi uu socday ay ka muuqatay
habacsanaan iyo jaha wareer dhaliyay
in ergooyinka qaar ka mid ahi ay
isaga dudaan ka dib markii ay u
arkeen in shirka ay saamayn weyn ku
leeyihiin kuwo ay siyaasadda ku
coloobeen taasi oo dhalisay in waqti
badan uu u xayirnaaddo shirku sidii
kooxahaaasi dib loogu soo celin
lahaa waxna looga qaban lahaa
cabashooyinkooda.
Caqabadaha kale
ee shirkan la soo gudboonaaday ayaa
waxaa ka mid ah khilaaafka iyo
aragtida kala duwan ee wadamada
safka hore ee shirka gacanta ku haya
ka dhex aloosan, taasoo dhalisay
inay kala jiitaan kooxaha
Soomaaalida halkii laga rabay inay
dhexdhexaadiyaan.
Shirkani ma
ahayn marnaba mid gacanta Soomaalida
ku jira, waxaana xaqiiqo ah in
waxyaalo badan oo shirkan lagu
go’aansaday ay ahaayeen kuwo
Soomaalida dhusha lagaga keenay oo
aan ku iman rabitaankooda.
Marxaladan
awood qaybsiga ayaa iyana la filayaa
inay muran ka dhex abuurto jilibyada
hoose ee beel walba taasoo haddii
aanay tanaasulaad isu samayn beeluhu
shirka gelin doonta hakad dheer ama
keeni kartaba inuu burburo.
Hadaba si kasta
xaalku ha ahaadee waxaa jirta in
shirkani laba arimood kaga
duwanyahay kuwii ka horeeyay. Waa
marka koowaade wuxuu qaatay muddo
aad uga dheer wakhtigii la filayay
in lagu soo gabagabeeyo taasoo
haddii aanay bilaha soo socda wax ka
soo bixin uu laba jirsan doono.
Laba sanno ma
ahan wakhti yar. waxaanay inoo
muujinaysaa in aanay ka qayb
galayaasha shirku diyaar u ahayn wax
heshiis oo aanay ahayn dad xukun
wadaagi kara.
Dhanka kale
siyaasi isku sheega mudada labada
sanno ah madasha shirka fadhiyay
ayaa dhankooda waxay sheegaan in
muddadaas dheer ka marag kacayso ka
go’naanta in la helo dawlad
Soomaaliyeed oo shirkaas ka soo
baxda maadaama ay u dhabar adaygeen
ka qayb galka shirka mudada intaas
le’eg inkastoo xaqiiqadu tahay in
ninkastaa halkaas u joogo danihiisa
gaarka iyo inuu wax ka noqdo maamul
kasta oo meeshaas lagu soo
dhoodhoobo.
Arinka labaad
ee shirkani kaga duwanyahay kuwii ka
horeeyay waa bah dilka iyo sida
liidnimadu ka muuqato ee loola
dhaqmo ergada shirka ka qayb galaysa.
Asal ahaanba ka
qayb galayaasha shirka ayaa u badan
rag uu damiirkoodu dhintay oo aan u
qalmin inay ka qayb qaataan hogaanka
ummadda,waana kuwo taariikhdu ay ku
xusi doonto baal madaw. Nin mar
dhawr bilood laga joogo booqasho ku
tagay madasha shirka ayaa ii sheegay
in ka qayb galayaasha shirka
badankoodu aanay waxba dhaamin
doofaarka ay xerada kula jiraan.
Waxaa madasha
ku soo qamaamay dad aad u tiro badan
oo jago doon ah kana mid ahayn kuw
ay kenyanku u aqoonsanyihiin ergada
rasmiga ah, waxaana adkaatay sidii
lagu kala saari lahaa Soomaalida
meesha isa soo dhoobtay.
Arintaas aan
kor ku soo xusnay ayaa waxay keentay
in marar badan ergada lagula kaco
waxyaabo sharaf darro ah sida
cuntada oo laga joojiyo ama kuwo
Hoteelo daganaa in boorsooyinkooda
bannaanka loo soo dhigo.
Waxaa intaas
dheer in iyana rag magac sheeganaya
ay saldhigyada booliska u hoydaan
halka kuwa kelana la sheegay in uu
asiibay cudurka halista ah ee AIDIS-ka
mudadii ay Nairobi ku sugnaayeen.
Waxaa iyana jira
kuw ergada ka mid ahaa oo intii uu
shirku socday Kenya lagu dilay
arintoodana aanay wax xal ah
Kenyaanku weli ka keenin.
Waxaa ceeb iyo
naxdin ah in maanta kuwa badan oo
ergada ka mid ahi ay dacdarro iyo
dhibaato ku haysato Nairobi oo
quutul maalmeedkii saquuqal ka galay
ka dib markii Kenyaanku ay ka xireen
makhaayaddii ay ka cuntayn jireen..
Dawladda Kenaya
oo iyadu gogosha u dhigtay
Soomaalidan dawakhsan ayaad moodaa
inay si badheedh ah bahdil ugu
samaynayso Soomaalida wadankeeda ku
shirsan marka aad fiirisid wayaabaha
lagula kacayo ergada.
Mamnuuciddii
Baasaaboorka Soomaalida ee Kenyaanku
ku dhaqaaqay iyadoo xilligan ay
Soomaalidu ku shirsanyihiin
wadankeeda ayaa iyana ahayd arin
kale oo waji gabax iyo foolxumo ku
ah ka qayb galayaasha shirkan.
Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa Lax walba
shilalkay is dhigto ayaa lagu
gawracaa.
Soomaalidu
maanta cid kale eersan mayso ee
iyada ayaa meeshaas is dhigtay
cadawgeediina miciin biday. Illeen
marka uu qofku is sharfo ayaa dadka
kalena sharfaan.
Hadaba ergadan
ceebaysan oo cadawgu wheliyaa dawlad
ay soo dhoodhoobaan ha sugin inay
ummaddan dhib ka saarto, Soomaalina
ilaa ay iyadu tashato oo ay
danaheeda garato kana xorawdo dagaal
ooge iyo mooryaan dadaal kasta oo
dibadda uga yimaadaa waxba ku soo
kordhin maayo.
Ismail A.
Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com <Khalka1@aol.com>