C/raxmaan Cali Suubiye “Muuse Suudi ayuu
ahaa ninkii Kaamiradeyda u dhigay qoriga Zuuga… "
Guddiga daba-galka tacaddiyada suxufiyiinta Soomaaliyeed
waxa uu si kulul u cambaareynayaa falkii tahdiidka,
caga-jugleynta ama shaqo hor istaagista ahayd ee lagu
sameeyey Labada weriye ee kala ah Xasan Xanafi Xaaji iyo
C/raxmaan Cali Suubiye oo labaduba ka shaqeeya Idaacadda
IQK ee magaallada Muqdisho.
|
Tacadiyadii ugu ay Ururisey Hayadda Nabada
iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman
Guji... |
Labadaasi wariye ayaa maleeshiyo daacad u ah hoggaamiye
kooxeedka Muuse Suudi shalay duhurnimadii aan sharci
ahayn ay ugu geysteen falal isugu jira cabsi gelin iyo
hor istaag shaqo, isla markaana waxyeello u geystay
qalabkii ay ku shaqeynayeen sida bur-burinta Camero
Digital ah oo ay wateen iyo Rikoorka wararka lagu duubo.
Arrimahaas oo dhammaantood ka soo horjeeda xoriyadda
saxaafadda iyo xor u ahaanshaha howlohooda warfaafineed
ee weriyeyaasha ayaa Guddigu waxa uu ugu baaqayaa
maamulka Muuse Suudi in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo
celiyo qalabkaasi laga bur-buriyey weriyeyaasha, isla
markaana cudur-daar iyo magdhawna ka bixiyo dhacdadaasi,
isla markaana uu dhowro xoriyadda saxaafadda iyo
xuquuqda uu leeyahay qofka weriyaha ah, sidoo kale
dhacdo la mid ah midda lagu sameeyey labadan weriye ayaa
lagula kacay gabar weriye ah oo iyana lagu magacaabo
Fardowso Maxamed Cabdullaahi oo shaqeyneysay Horn Afrik.
Dhinaca kale C/raxmaan Cali Suubiye oo u warramayay
Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah mar uu ka hadlayay
dhacdadan waxa uu yiri “Muuse Suudi ayaa jeebab-keyga ka
baaray Baniikol, waxaan ku iri Kaamiradan kuma shaqeyso
Baniikol ee waxay ku shaqeysaa hab Digital ah, waxaan
kaloo ku iri waxa Kaamirada haya Maxamed Cali Ugaas,
markiiba Muuse waxa uu u yeeray Maxamed Cali Ugaas oo uu
ka qaaday Kaamiradii, dabadeedna u dhigay Gaari Zuu ah”,
sidoo kale Xasan Xaaji Xanafi ayaa isna sheegay in la
jir-dilay lagana bur-buriyey qalabkii uu ku shaqeynayay.
Maleeshiyooyinkii isaga soo horjeeday deegaanka Shibis
iyo Bayxaani oo..
Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga nabadeynta Beelihii
ku dagaallamay Waqooyiga Muqdisho ku guuleysteen in ay
kala raraan maleeshiyooyinkii isaga soo horjeeday
deegaanno ka tirsan Shibis iyo C/casiis.
Inkastoo Guddigu ay ku adkaatay kala rarista ciidammada,
haddana aakhiri-taankii labada beelood ayaa waxa ay
oggolaadeen in la kala raro maleeshiyooyinka, taasoo
markii dambe ay isugu soo bexeen dadweyne aad u fara
badan oo aad ugu faraxsanaa heshiiskaasi, waxayna
marayeen goobihii laga kala qaaday maleeshiyooyinka,
gaar ahaan Hotel Global.
Heshiiskan ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Guddi uu hor
kacayo Macallin Nuur Maxamed Siyaad, iyagoo
muddooyinkaan ku shirsanaa Guriga Dr. Abuukar Xaaji
Gacal, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay fool
ka fool isu soo horfariistaan Beelihii ku dagaallamay
Waqooyiga Muqdisho ee Harti Abgaal iyo Wacbuudhan.
Shaqaaqo ka dhacday meel dhowr iyo labaatan Km u…
Wararka naga soo gaaraya magaallada
Jowhar waxa ay sheegayaan in tuulo 20km u jirta
magaalladaasi ay shalay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysay
ciidanka Maxamed Dheere iyo nin Beeraley ah, waxaana
iska hor imaadkaasi ku dhintay laba ruux oo mid uu ahaa
ciidanka Maxamed Dheere, kan kalena waxa uu ahaa ninkii
Beerta sheegay in uu lahaa.
Maxkamad ku taalla magaallada
Jowhar ayaa ku xukuntay ninkaasi in uusan beerta lahayn
ee ay leeyihiin dad hore u soo dacweeyey, waxaana lagu
amray in uu isaga baxo beerta, hase yeeshee waxa uu ku
dhaartay in uusan ka bixi doonin beerta, sidaa ayuuna
dagaalku ku billowday, waxaa kale oo dagaalkaasi 2-qof
oo iyana ka mid ahaa ciidammadii Maxamed Dheere.
Siminnaar xalay lagu soo geba-gebeeyey Baydhabo
Habeenkii xalay ahaa ayaa Xarunta Recardo
lagu soo geba-gebeeyey siminnaar socday muddo laba
maalmood ah, waxaana siminnaarkaasi soo qaban-qaabisay
hay’ad NGO ah oo la magac baxday Baxar Saaf oo qaabilsan
dhinaca ka hortagga waxyaabaha qarxa.
Siminnaarkan oo ay ka qayb galeen 70-qof
oo kala socday 25-NGO ayaa waxaa lagu baranayay sidii
looga hortagi lahaa ama loo baabi’in lahaa waxyaabaha
qarxa oo inta badan ay waxyeello ka soo gaarto dadka iyo
xoolaha, iyadoo dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka
ay keeneen in deegaanno badan lagu aaso miinooyin iyo
waxyaabaha qarxa, iyadoo gobollada Bay iyo Bakool ay
ahaayeen gobollada ay ugu badan ee ay ka dhacaan
qaraxyada, iyadoo mar walbana ay ku dhimanayeen dad iyo
duunyo, waxaana siminnaarkan soo xiray Guddoomiyaha
Gobolka Bay Maxamed Aadan Qalinle oo u mahad celiyey
intii gacanta ka geysatay simin-naarkaasi, wuxuuna
sheegay in mas’uuliyiinta RRA-da iyana ay gacanta ka
geysan doonaan sidii gobollada Bay iyo Bakool looga
saari lahaa miinada.
QORSHE DIL LALA DAMACSANAA SHARON
OO LA FASHILIYEY
Ciidammada sirta ee
Israel ayaa sheegay in ay ka hortageen qorshe dil oo
lala damacsanaa Ra’iisul Wasaarahooda Arial Sharon,
qorshahaas oo la sheegay in ay soo diyaariyeen ururka
Islaamiga ah ee Xamaas ee Reer Falastiin. Warbixin
ay soo saartay hay’adda Sirdoonka ee Israel ayaa
sheegtay in markii ugu horreysay qorshahan la ogaaday
maalinnimadii dorraad ahayd, kaddib markii ciidammada
Israel gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro ah oo Reer
Falastiin ah oo lagu magacaabo Xassaam Naablisi oo
48-jir ah, kaasoo ay hayeen in ka badan 2-toddobaad,
ninkaasi oo ay Israel sheegeen in uu gacan ku lahaa
qarixii ka dhacay Kaniisad ku taallay xaafadda Miiya ee
ka tirsan magaallada Quddus.
Qore:
amiinkhasaaro yuusuf
<amiinkhasaaro@hotmail.com>