SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ELMAN

March 12, 2004

Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman

[ELMAN PEACE & HUMAN RIGHTS CENTER REPORTS, 2003-2004]

Elman Peace & Human Rights Center
ephumanrightscenter@hotmail.com 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman ayaa sanadkaan waxay idiin haysaa tirakoobkii ugu danbeeyey ee xaquuqda aadanaha ayadoo loo qaybinayo dhowr waji ama dhowr qaybood , hay’adu waxay isku dayeysaa iney soo gudbiso wararka ugu muhiimsan ee ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ka dhaca gobolada dalka oo dhan laga bilaabo 10-kii maarso ee 2003, illaa 9 ka maarso 2004,waxayna kala yihiin sida tan:-

10 maarso ayaa dagaal wuxuu ka dhacay magaalada baydhabo ayadoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 13 qofood laguna bililiqaystay hantidii ay dadku lahaayeen, bishii abriil waxaa la dilay col c/llaahi maxamed warsame (neero) oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka soomaaliyeed waxaa kale oo la dilay labo maleesheye ah oo lagu eedeeyey iney dileen col-kaas, Abriil 19-kii ayaa dagaal ka dhacay duleedka magaalada baydhabo oo ay ku dhinteen 6 qofood oo rayid u badan, 29 kii abriil ayaa dagaal ka cusboonaaday gobolka galgaduud, gaar ahaan galcad iyo mesega waa waxxana ku dhintay 5 ruux waxaana ku dhaawacmay 8 ruux, 10-kii may waxaa lagu dilay tuulada baardheere oo ka tirsan gobolka hiiraan 1 nin oo rayid ah isla bishaas may waxaa la afduubtay shariif xuseen maxamed oo ka tirsan shaqaalaha radio banaadir iyo weli max,ed siciid, abriil waxaa lagu af-duubtay magaalada mogadisho 3 qof oo rayid ah waxaana lagu dilay 28 qofood oo dhamaantood ah dadka aan hubaysnayn, hadaba dhibaatooyinkaas soo noqnoqonaya ayaa waxay ku dhacayaan dadka biri magaydada ah.

Waxaa kaloo jira dhibaatooyin farabadan oo ka dhacay Qoryoolay iyo dhulbeereedka ku teedsan kuwaasoo lagu dilay dad kor u dhaafaya 15 qoof laguna gubay beero iyo tuulooyin waxaana ka mid ah tuulooyinka lagubay dacaraha, abbowheerow iyo tuulooyin kale dagaaladaasna waxaa u sabab ahaa xoolalay iyo beeralay ku dagaalantay deegaankaas.

Daagaalo kale ayaa waxay ka dheceen gabolka jubada dhexe/bu,aale waxaana ku dagaalay labo beelood halkaa wada degan waxaana ku dhintay 13 qofood waxana ku barakacay ugu yaraan 300 oo qoys oo aan maanta haysan meelo ay ku maataan.

Waxaa kaloo lagu af-duubtay magaalada mogadisho C/raxmaan maxamed c/lle haashim oo ah nin ciraaqiyaan ah kuna nool magaalada mogadisho una shaqeyn jiray hay’adda Al-xarameyn, oo la sheegay in uu yahay al-qaacida balse ahaa nin qaxooti ku ah dalka Soomaaliya, dadka af-duubtay in ay geeyeen deegaano ka tirsan magaalada mogadisho balse markii danbe la soo daayey isagoo nabad qaba, taasina waxay muujinaysaa maanta in ay san jirin damqasho loo damqanayo dadka aan waxba galabsan ee ajnabiga ah iyo soomaalidaba, af-duubkuna uu saameeyey qofkasta oo ku nool magaalada mogadisho ayadoo af-duubyada maanta ay yihiin labo waji ama loo bixiyey labo magaca oo kala ah argagixiso iyo mid dhaqaalo lagu raadinayo oo la af-duubanayo qof masaakiin ah oo xataa aan awoodin sidii uu biilkiisa ku dhacsanlahaa taasina waxay muujinaysaa in uu dhintay damiirka bini aadanimo iyo islaanimo

Waxaa dhacay dhibaatooyin badan oo ku dhacaya dhalinyaro soomaaliyeed oo ka cararaya dhibaatinka ku haysta dalkooda oo isugu jira waxbarasho la’aan, shaqo la’aan iyo amaandaro ka jirta dalkooda ayaa waxay sababtay iney badaha caalamka ay galaan aygoo raadinaya nolol dhaanta mida ay ka cararayaan dhibaatadii ugu naxdinta badnaydna waxay dhacday 20- oktoobar 2003, markii dad soomaali ah oo ka badan 75 ruux ay ku xaraqmeen bada u dhaxaysa liibiya iyo itaaliya taas oo ay ka xumaadeen dadyowga caalamka

Magaalada baydhbo waxaa ka dhacay iska horimaadyo u dhaxeeya garbyada RRA-da. Ee ay kala hogaamiyaan sh aadan Madoobe iyo Shaati gaduud dagaaladaas waxay ku baaheen gobolka Bay iyo tuulooyinka ku hareereysan waxana ku dhintay dad kor u dhaafaya 250 qof oo konton iyo afar ka mid ah ay yihiin haween ayadoo si bareer ah loo dilay qaar ka mid ah haweenkaas ayagoo biyo ka dhaansanaya meel war ah oo biyaha laga cabo taasina waxay cadaynaysaa in tacadiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ay ku baaheen dalka soomaaliya.

15-kii oktoobar magaalada Eldaret waxaa ka furmay shir la isugu yeeray hogaamiya kooxeedyada soomaaliyeed waxayna gaareen heshiis la saxiixay 27-kii oktoobar waxaana heshiisyadii la gaaray ka mid ahaa in xabada la joojiyo cidii jabisana talaabo laga qaado balse taasi ma noqon wax shaqeeya waxayna markii ugu horaysay ay ka qaraxday xabadu Baydhabo, Dhuudo oo ah put land, Mogadisho iyo Raage Ceele, taasina waxay muujinaysaa iney san jirin daba gal dhab ah oo lagu sameeyo hogaamiyaashii saxiixay heshiiskaas

Waxaa kaloo dagaalo ka dheceen tuulada xeraale oo ka tirsan gobolka gal-gaduud waxaana ku dhintay dad gaaraya 171 qofood oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiya waxaana ku barakacay 600 oo qoys oo ah dad reer guuraa ah iyo dadkii magaalada deganaa.

Dagaalo kuwaas la mid ah waxay ka dheceen Degmada Ceel-buur oo ka tirsan gobolka gal-gaduud da dagaaladaas oo dhax maray dadka dega deegaankaas waxaana ku dhintay dagaaladaas 150 qofood waxaana ku barakacay 1200 oo qoys oo aan maanta haysan deegaano ay si toos ah ugu noolaan karaa ayadoo ay guryohoodii ay ka saareen maleeshiyooyin aan u naxaynin dadka taagta daran.

Dhamaan markii la soo koobo dhibaatooyinka loo gaysanayo shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ayaa waxaa dhiiri gelinaya hogaamiye kooxeedyada oo aan haysan wax kalsooni ah ayaguna aysan isu tanaasulayn waxaana jira in dhibaatooyinka soo noqnoqonaya ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba lug ugu leeyihiin hogaamiye kooxeedyadu, waxaana marqaati madoonta ah heshiiskii 27-kii oktoobar ee aysan fulin maantana ay sii wadaan dhibaatooyin la mid ah kuwii hore loogu qabay

25-kii February, waxaa arinta soomaaliya ka hadlay golaha amaanka ee qaramada madoobay waxayna soo saareen hanjabaad si toos ah ugu socota hogaamiyaasha, taas oo shacka soomaaliyeed ay u arkeen in beesha caalamku ay ka seexatay soomaaliya waayo shacabka soomaaliyeed wuxuu sugayey qodobadii lagu qaban lahaa hogaamiyaasha nabad diid ka ah ee ma uu san sugayn hanjabaado sika socda ee aan wax ficila lahayn

1/3/004, ayaa dagaalo ka dheceen tuulada xeraale waxaana ku dhintay 8 qofood dagaaladaas oo soo noqnoqday muddo badan xad-gudubna ku ah heshiisyadiila gaaray oktoobar kal hore, dagaalo kale ayaa ka dhacay Gobolka Ga-gaduud waxaana ku dhintay 30 qofood dagaaladaas waxay ka dheceen deegaanka xingaduud oo ka tirsan degmada ceel-buur dagaaladaas waxay dheceen 4/3/04.

Elman Peace & Human Rights Center
Lower Shabele Report.

Kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in gobolka shabeelada hoose ay ka jiraan tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ayaa hay’adda elman waxay isku taxalujisay iney u dirto gudi baaris kusoo sameeya baaris ka dhan ah tacadiyadaas iyo daroogo la sheegay in lagu beero deegaanada gobolkaas hoos taga, waxayna safarkoodii ka bilaabeen tuulooyinka kala ah Buulo golweyn, Buulo mareer, qoryoolay, Kutuwaarey, Abowheerow iyo Dacaraha, waxayna hay’adu intaa ka soo aruurisay xog kusaabsan daroogada iyo tacadiyada ka dhaca deegaanadaas.

Hay’addu waxay wareysatay dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.

Waxaa kaloo ahay’adu waraysi la yeelatay odayaasha dhaqan ka ee degmada kutuwaarey iyo gudiga maamulka degmadaas waxaana wax ka weediinay dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda ee ku saabsan beeraha la sheegay in xooga lagu kala heesto waxaana ugu horeentiiba wax ka weydiinay suldaanka deegaanka kuntuwaarey Suldaan xasan Caliyow Beere wuxuuna yiri “anigu waxaan suldaan ka ahaay deegaankaan ilaa 1971dii waxaana ahay suldaankii dowladii maxamed siyaad barre kala tashatay in halkaan la keeno dadka ay abaaruhu ku habsadeen waxaana lay ga saxiixay isla sanadkaas waxaanan ogolaanay in deegaamadeena la keeno dadkaas illaa maantana wax dhib ah naguma hayaan faa’iido mooyee waayo waxaa faa’iido ah dadkii la keenay 1974 aysan aqoon markii halkaan la keenayey afafkeena gaar ahaan afka jiidada maantana afkeenii ayey wax nooga gadanayaan waa faa’iido fiican oo u soo hoyatay dadka jiidada ah, waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo dadka oranaya beeraa nagala dhacay tuulooyinbaa nagala gubay in aysan ahayn dad wax garad ah ama wakiil ka ah dadka, dadka gubay beeraha kama aysan imaan Mogadishu kuwa gobay tuulooyinka kama aysan imaan Mogadishu ee waxay yihiin deegaanka waana jiido kuwa wax laga gubana waa jiido taasna waxay kuu muujinaysaa tafaraaruq ku dhaxjira jiidada, hadii aan usoo noqdo beeraha lakala gadanayo waxa gadanaya waa dad jiida ah oo lacag raba waxaana diidan mid kale oo walaalkiisa, waaxaan rabaa in aan manta ogaysiiyo dadka walaalahey ah ee ku nool magaalada Mogadishu in aysan jirin wax hujuun ah ama barakicin ah ee lagu hayo dadka jiido balse ay jiraan jiido isdiidan oo aan waxba isku ogolayn”

Waxaa kaloo wareysi layeelanay Gudoomiyaha degmada kuntuwaarey Salaad cali koofi waxaana wax ka waydiinay cabashooyinka ka imaanaya degaanka uu xukumo ee kuntuwaarey wuxuuna ku jawaabay “anagu waxaanahay maamulka degmada waxaana degmadaan hoos yimaada 45 tuulo nasiib darose noolamayimaan wixii howl ah ee ay u baahanyihiin hadii ay noqon lahayd beero la kala gadanayo kala wareejin dhul iyo khilaafaadka beelaha qolo walbana waxaad moodaa in ay howlohooda ay si gooni ah u qabsanayaa anagana way nala xumaatay in aanu faragelino deegaamo hoos yimaada degmadaan anagoo ka xishoonayna waxa maanta laga sheegayo deegaankeena, hadii aan u gurmanana la oranayo waa qabiil iyo xoogbay nagu haystaan taasina ay suurto gelisay in aan gacmaha kala baxno beelaha deegaanka si ay ayagu arimahooda u xalistaan, waxaan maqlaynay waayahaan beero ayaa nagala dhacay waxaan rabaa in aan cadeeyo beer aan suldanku saxiixin in aan lagadan Karin deegaankaan beeruhuna waxay isgu jiraan kuwa ay dowladii hore la hayd iyo kuwa dad shacabihi ay leeyihiin oo ay ka tageen waxaana gadanaya dadkii haystay 14-kii sano waxaana igu maqaalaa in rag xamar ka yimid oo lacag wataa ay yimaadeen deegaanka oo ay dhul gadanayaan dhulkaasna waxa gadanayaana waa dad deegaanka ah iyo kuwa deegaan kula nool oo ah dad kii la dejiyey deegaanka 1974 tii.

Waxaan kaloo la kulanay Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey :- Maxamuud yuusuf maxamed waxaana waydiinay bal in uu wax nooga sheego caqabadaha ka jira deegaanka siiba daroogada wuxuuna ku jawaabay “daroogada dhulkaan waa lagubeeraa mase ahan mid aan anagu shaqo ku leenahay ee waxaa beeranaya dad wax magarata ah oo fiirsanaya shilinka ay ka helayaan, daroogo la beero wax dhibaato ah maleh waayo waxaa la waayey dowladii kontarooli lahayd maamulkuna awoodiisu magaarin in uu galo dhulalka fog-fog ee lagu beero daroogada qofkii aad maanta tiraahdo maxaa u beeraysaa wuxuu kuugu jawaabayaa beerta anaa leh anigaana abuurtay waxaana nala xumaatay in aan faragelino nin beertiis illaa dowlad caadila laga helayo”.

Waxaa soo u ruuriyey madaxa baarista xadgudubyada ee hay’adda elman

Mr: Cali sh yaasiin “Cali fadhaa”

Tacadiyada Sanadkaan ee loo gaystay dadka soomaaliyeed waxaa ay u kala dheceen sida tan.

Bisha Dil Dhaawac Afduub Kufisi Barakac
March 10- 31/2003 36 77 18 6  
April 01-30/2003 53 64 26 3  
May 01-31/2003 75 85 13 5 1000,qoys
Jun 01-30/2003 72 54 28 3  
July 01-31/2003 104 114 30 8  
August 01-31/2003 86 102 11 2 750,qoys
Sept: 01-30/2003 172 212 20 7  
Oct: 01-31/2003 92 131 15 4 300,qoys
Nov: 01-30/2003 109 100 9 3 500, qoys
Dec: 01-30/2003 151 119 12 10 1200,qoys 
January 1-31/2004 23 52 2 3  
February1-29/2004 38 67 1 7  
March 1-9-/2004 42 24 1 0  
Total 1053 1201 186 61 3750

Qoraalkan kala xiriir: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri: Xashiishad gaaraysa 40 Kg iyo Khamri dhan 20 Kartoon ayaa lagu hor gubey Maxkamda Boosaaso, kaddib markii maxkamada lasoo taagey gabar lagu qabtay daroogada... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD