SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 WARAR GOOS GOOS AH

  • LABA MAAMUL GOBOLEED OO SHALAY  LOOGA DHAWAAQEY HIIRAAN ..

  • .Maalinta Qaxootiga oo shaley laga xusey Muqdisho…

  • .C/LAAHI YUUSUF OO LAGA DALBADAY INUU KU SOO LAABTO…

  • DOWLADDA ETHIOPIA OO MAAMULKA RIYAALE KA DALBATEY DAD LASHEEGAY…

 
Baaq Nabadeed oo Kasoo Baxay Guddiga Beesha Kablalax ee Woqooyiga Ameerika
Baaqan oo ku wajahan Beelaha ku dagaalamaya  Aagga Degaanka Doolo, Wardheer... GUJI

C/LAAHI YUUSUF OO LAGA DALBADAY INUU KU SOO LAABTO…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee maamul goboleedka Bunt Land waxay sheegayaan in xubnaha ka qayb galaya kal fadhiga Baarlamaanka ay dalbadeen in uu degdeg ku yimaado C/laahi Yuusuf xarunta maamulka ee Garoowe si loo dhameeyo khilaafaad u dhexeeya qaar ka mid  ah xubnaha Baarlamaanka iyagoo isku haysta sharciyo la xariira dastuurka maamul goboleedkaasi waxayna qaarkood ay aminsan yihiin in uu dhamaaday xilligii xubanaha Baarlamaanka kuwa kalena waxay aaminsanyihiin in dib loo cusboonaysiiyo xubnaha Baarlamaanka, codsiga ka yimid Baarlamaanka ayaa laga yaabaa inuu C/laahi Yuusuf u Hogaansamo oo la filayo in maalmaha soo socda dib ugu laabto Garoowe, hase yeeshee saraakiil ku dhow dhow C/laahi Yuusuf oo ku sugan Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in C/laahi Yuusuf ay ku adkaan doonto in uu  dib ugu  laabto magaaladaasi waayo ayey yiraahdeen C/laahi Yuusuf wuxuu ku jiraa ololaha doorashada Madaxweynenimada Somalia isagoo maalin walba kulamo gaar gaar ah la yeesha siyaasiyiinta si uu uga dhaadhiciyo siduu u qaban lahaa xilka Madaxweynenimada Somalia .

Dhinaca kale Jaamac Cali Jaamac ayaa wado olole dhan ka ah C/laahi Yuusuf oo uu kaga soo horjeedo inuu qabto xilka madaxweynenimada Somalia isagoo sheegay in C/laahi Yuusuf uu yahay nin dambi wayn ka galay dadka Somaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool gobolada BuntLand “Aniga ayaa ah madaxwaynaha sharciga ah ee sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee  maamul goboleedka BuntLand, C/laahi Yuusufna waa nin Inqilaab ku haysta goboladaasi” ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac oo waraysi siinayey dhawaan qaar ka mid ah warbaahinta.

LABA MAAMUL GOBOLEED OO SHALAY  LOOGA DHAWAAQEY HIIRAAN ..

Waxaa maalintii shalay aheyd magaalada Balad  Weyne ee gobolka Hiiraan ka dhacay Xaflado lagu dooranayey ama lagaga dhawaaqayey ismaamul goboleed.

Xaflad ka dhacday xaruntii hore ee Boostada ee magaalada Balad-Weyne ayaa waxaa lagaga dhawaaqay ismaamul goboleed la magacbaxay MIDLAND waxaana madaxwayne loogu doortay Bashiir C/kariin (Bashiir Laqanyo), sidoo kale xaflad iyadana ka dhacday xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa lagaga dhawaaqay ismaamul goboleed la magac baxay HIIRAANLAND.

Dadweynaha ku nool gobolka Hiiraan ayaa arintaani ku noqotay fajaciso waxayna sheegeen in laga cabsi qabo in arintan ay keento iska hor’imaad ka dhaca gobolka Hiiraan, qaar ka mid ah dadweuynaha ayaa aminsan in arintani ay ka dambeyso dowlada Ethiopia oo rabta inay iska horkeento dadweynaha ku nool gobolka Hiiraan illaa iyo haatana ma jirto wax maamulka ka tirsan oo ka hadlay waxyaabaya ku soo kordhay gobolka Hiiraan

DOWLADDA ETHIOPIA OO MAAMULKA RIYAALE KA DALBATEY DAD LASHEEGAY…

Dowlada Ethiopia ayaa la sheegay in warqad qoraal ah ay soo gaarsiisay maamulka uu hogaamiyo Daahir Riyaale kaa soo kaga dalbanayso in la soo gacangaliyo waxay dowladda Ethiopia ugu yeertay kooxo argagixiso oo ay gacanta ku hayaan maamulka Riyaale.

Codsigan hadii ay u hogaansamaan maamulka Daahir Riyaale waxaa laga cabsi qabaa in ay keento caro ka timaado dadweynaha oo iyada ka soo horjeedo in dad Islaam ah loo gacan galiyo cadowga Somalia.

Dadka ay doonayso Ethiopia waa dad ku xirxiran magaalooyinka Hargeysa iyo Burco waxay intooda badan ay yihiin dad u dhashay ama ka soo jeeda Soomaali Galbeed ee dalka Ethiopia. Maalintii shalay aheyd ayaa magaalad Burco lagu qabtay dhowr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah illaa iyo haatanna maamulka riyaale ma uusan faahfaahin dadkaasi la qabqabtay halka ay ka soo jeedaan iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Hargaysa yimaadaan saraakiil ka tirsan dowlada Ethiopia si ay arintaan uga wada xaajoodaan.

Maxaa ka soo bixi doona kulanka maanta ay isugu imaanaya Igad.

Kulan aad xasaasi u ah ayaa la filayaa inay maanta isugu yimaadaan Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha Siyaasad-da, waxaana kulankaan looga arrinsan doonaa sidii loo sii wadi lahaa wejiga saddexaad ee shirka, maadaama Muddadii ay kala maqnaayeen wasiirada arrimaha dibadda aanu wax is beddel ah ku dhicin shirka.

Xuseen Caydiid oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo la filayay inay ka qaybgalaan shirka rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomidda kulankaan waxa uuna sheegay inuu yahay kulammadii ugu muhiimsanaa ee ay isugu yimaadaan Wasiirrada IGAD iyo hog-gaamiyeyaasha Siyaasadda

Maalinta Qaxootiga oo shaley laga xusey Muqdisho…

Waxaa maalintii shalay ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Hotel Naasa-Hablood oo lagu xusayay maalinta Qaxootiga Adduunka, waxaana xafladdaan soo qabanqaabiyay guddiga u dooda xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed ee Dunida waxaana halkaasi lagu soo bandhigay qoraalo ka hadlaya waxqabadka guddiga HURCOS iyo ujeeddooyinkii iyo marxaladihii uu soo maray xafladdaas waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddigaasi Avv. C/raxmaan Xuseen Samatar (Abuu-Xamsa), qareen C/laahi Cosoble Bare, Colonel Foodeey, waxayna dhamaantood sheeg-een siday u haboon tahay sidii looga hortagi lahaa masiibooyin-ka dhaliya qaxootinimada iyo kaalinta UNHCR looga baahan yahay. Waxay sheegeen in 15-dal ay yihiin kuwa haatan magan galiya qaxootiga waxayna guddiga HURCOS ka codsadeen in la ilaaliyo xuquuqda qaxooti-nimo ee  qofka la siiyay magan-galyada. 

amiinkhasaaro yuusuf
<amiinkhasaaro@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD