SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BURCO
Jaamacad Laga Furay Burco

Maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 19/6/04 waxaa si rasmi ah xadhiga looga jaray jaamacada Burco (university of Burio) taas oo in badan ay ku taamayeen dadwaynaha ku nool gobolka togdheer iyo nawaaxigiisu waxaa ka socday labadii sanadood ee ugu dambeeyay gobolka dadaal lagu doonayo sidii dhidibada loogu taagi lahaa jaamacad ay wax ka bartaan dhalinyarada sida isdaba jooga ah uga soo qalalin jebinaysa  dugsiyada sare .

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka jamacada taas oo lagu qabtay xarunta kumeelgaadhka ah ee jaamacada ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socda dawlada  aqoonyahano ka tirsan jaamacadaha kale ee dalaka iyo dadwayne fara badan oo isugu jira ganacsato iyo shicib kale oo aad u danaynayay munaasabadan qaaliga ah waxaa kale oo iyana munaasabadaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah qurba jooga T/dheer oo yididiilo iyo  niyad sami wayn ka muujiyay talaabadan way ee la qaaday.

Munaasabadii furitaanka jaamacada oo warbixino iyo talooyin badan laga soo jeediyay waxaa lagu soo ban dhigay taxanihii uu soo maray dadaalkii lagu doonayay in lagu hir geliyo jaamacadan oo ah tii ugu horaysay taariikh ahaan ee laga furo G/togdheer.

Gudiga samafalka iyo horumarinta Gobolka togdheer oo iyagu dadaalka ugu baladhan ka gaystay hawshan isla mar ahaantaana ku hawlan mashaariic fara badan oo horumarineed kuwaas oo dhamaantood loogu tala galay in lagu fuliyo iskaashiga dadwaynaha gudo iyo dibadba ayaa warbixin ay ka soo jeediyeen munaasabada furitaanka jaamacad ku sheegay in jaamacadani aanay noqon doonin mid u gaar ah dadwaynaha ku dhaqan gobolkan oo keliya  ee ay ka faa,iidaysan doonaan gobolada sool, sanaag , iyo togdheer iyo weliba cidkasta oo u soo tacliin doonata.

Hadaba iyada oo jaamacadu ku jirto marxaladii ugu horaysay ee aasaaska looguna deeqay dhisme balaadhan oo hore u ahaan jiray machadka daaqa qaranka ayaa hada waxaa si ku meel gaadh ah loo furi doonaa kuliyadaha xanaanada xoolaha, iyo tababarka macalimiinta iyada oo kuliyada sedexaad ee la qorsheeyay ay noqon doonto mid lagu baranayo shareecada islaamka.

ugu dambambayntii waxay jaamacada burco ka codsanaysaa dhamaan walaalaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan aqoon yahanka iyo maalqabeenka in ay ka qayb qaataan talo iyo taakulaba sidii ay u hana qaadi lahayd .

Diyaariye: C/laahi Daahir Jaamac (C/laahi Baashe)
 Xubin ka tirsan Gudiga  Jaamacada  
<cbaashe@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2004

Culimada iyo waxgaradka Burco oo Horseeday iskaashi ku Dayasho mudan
» Mashruuca dhismaha biriij cusub oo laga hir gelinaya Burco
» Dadaal lagu doonayo in jaamacadii ugu horaysay laga furo Burco
Ka akhri warbixintii C/Laahi Baashe June 12

Habeenkii Ardayga Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Xafladan oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo ardayda sanadkan la aqbalay jaamacadaha Malaysia ayaa Guji June 21

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD