SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

MADAXWEYNAHA DGPL OO MAR LABAAD  GAASHAANKA KU DHUFTAY XIL U  KORDHINTII XUKUUMADDIISA MUDADA LABADA SANO.

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed
Talaado, June 29, 2004.

Galkacyo(Somalitalk).

Madaxweynaha DGPL. Cabdulaahi Yusuf Axmed oo maanta ka hadlay kalfadhiga 11-aad ee golaha barlamanka ayaa hadal dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya ka soo jeediyay. kalfadhigan, oo lagu qabanayay hoolka shirarka baarlamanka ee caasumada DGPL ee Garoowe.

Madaxwaynaha oo ka yimid dalka Kenya kana soo dagay garoonka diyaarada magaalada galkacyo maalinnimadii sabtida una gudbay caasimada DGPL, ee garoowe; ayaa maanta waxa uu ka warbixiyay xaalada shirka dib u heshiisiinta soomaalida uga socda dalka Kenya iyo siyaasadda gudaha PL.

Asagoo kawarbixinaya shirka soomaalida uga socda dalka Kenya ayuu sheegay in uu marayo meel wanaagan lana filayo in la soo gabagabayn doono 30,ka bisha July kadib.

Madaxwaynuhu waxa kaloo uu ka warbixiyay u jeedada uu u yimid dalka in ay tahay marxalada PL gudaheeda haatan ka taagan in uu wax ka ogaado halka ay marayso, Uuna sheegay in ay jiraan go' aamo is daba jooga oo ka soo baxayay golaha barlamanka PL, go aamadii kala ahaa:-

Labadii sano oo ay kordhiyeen kalfadhigoodii kan ka horeeyay iyo waliba kala noqoshadii xasaanada ay kala noqdeen golaha xukuumadda PL, oo aanay raali ka ahayn isaga iyo kuwa kalaba.

Madaxwaynaha DGPL ayaa sheegay in ay dhibaato uga timid xil u kordhintii labada sano ee loo kordhiyay xukuumdda ayna kaliftay kaltankii siyaasadda ee kol horaba ayna shacabka uga baxday hanti naf iyo maalbaleh.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay xil u kordhintii hore ee golaha xukuumaddu in ay jireer duruufo lataaban karo ay keentay in loo kordhiyo mudda kale ee labada sano ahayd.

Xil u kordhintii ka dambaysay ee baarlamaanku uu qaatayna ee ah tan hadda la isku hayana ay jireen duruufo la taabankaro oo kalifay in xukuumadda mudada loo kordhiyo.

Daruufahaas oo uu ku dheegay in ay kamid ahaayeen, in aan la,samayn xisbiyo siyaasiya oo ku loolama talada dalka, in doorashooyin loo diyaariyo dalka, abaaro kajiray dalka, dhaqaale la,aan soo food saaratay guud ahaanba deegaanda PL, hubkadhigis loo baahnaa in lagu sameeyo PL iyo shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed oo soconayay.

Arimahaasi oo dhan waxay ahaayeen kuwo loo qaadan karo in la kordhiyo xukuumadda markale hase ahaatee dhibaatadu way jiraysaa balse looma baahna in la kordhiyo xukuumdda haatan markale maadaama xil u kordhintii xiligan ka horeysay lagala kulmay dhibaatooyin lixaadleh.

Madaxwayne ku xigeenka PL Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isna kalfadhigan ka hadlay waxa uuna sheegay in hadalkii kalfadhigii kolhore ee November shanteedii ay isugu yimaadeen baarlamanka PL uu u soo jeediyay in aan golayaasha xukuumdda PL wax waqtiya lagu darin hase ahaatee ay ka dhaga adkaysteen arinkaa golaha barmanku si canaadana ay ugu dareen mudo laba sano ah kadibna ay xasaanaddii kala noqdeen golaha xukuumadda PL, arimahan oo dhan waxa uu sheegay in uu talo ku soo jeediyay in aan wax lagu kordhin balse la iska dhaga tiray talooyinkiisii bale waxa aan jeclaan lahaa in aan xili sidaa u badan aan lagu gordhin hadii wax la kordhinayo.

Madaxwaynaha oo dib ugu soo laabtay hadalkiisii ayaa sheegay arinta uu u yimid in ay tahay oo kaliya la socodsiinta shirka dib u heshiisiinta meesha uu marayo iyo in uu u soo jeediyo in ay go,aankooda dib ugu noqdaan si ay markale mid tan ka wanaagsan ama ay ka door bidayaan midan isula meel dhigaan.

Xubnihii golaha barlamanka maanta goob jooga ka ahaa oo aan horay loogu arag in ay madaxwanaha ku warceliyaan isla markaana shacabka ku dhaliili jiray in ay ku raacaan go,aamada madaxwaynaha iyo kuwa xukuumadda ayaa si wayn uga horyimid go'aan kaasi Madaxwaynuhu soo jeediyay, guud ahaanba golihii barlamanka xubnihii ka hadlay maanta waxa ay si wayn uga horyimaadeen talo soo jeedintii Madaxwaynaha ayagoo sheegay in aan loo baahnayn in dib loogu noqdo talooyin ay horay u soo jeediyeen golaha barlamanka PL iyo xil u kordhinta intaba.

Xubnihii golaha barlamanka ee ka hadlay goobtan waxa ay sheegeen in isaga iyo golihiisa xukuumadda ay wax kawadi la'yihiin waa Madaxwaynaha'e, waa hadii aan nahay golaha baarlamanka ayay yiraahdeen.

Golaha barlamanku waxa ay Madaxwaynaha ka codsadeen in qola walbaa loo daayo shaqada ay leedahay tan hadda ay hayaanna ay tahay tii ayagu ay u xil saaraayeen oo lagula xisaabtami lahaa sidaa darteedna aysan howshan golaha xukuumddu wax shaqa ah ku lahayn xil u kordhinta iyo howlaha kale ee iyagu ay u idman yihiin in ay shacabka u qabtaan.

Madaxwaynaha DGPL oo ka hadlay xil u kordhintii hore waxa laga kulmay waxa uu yiri’:-

"xiligaan ka hadlayay waxa uu ahaa burburkii dawladda ee labadii kun iyo kowdii waxaan soo marnay sagaal bilood oo dagaal iyo rafaad ah dad aan waligood dagaal dhexmarin oo aan isku dhicin ayaa islaayay waxay isku laayeenna dee laazin dad waxkale rabayna wayjiraan waxaan isku laynay waxay ahayd saddexdii sano oo aad kordhiseen waa khalad ee kanoqda oo kala taga iyo kanoqonmaynee PL in ay burburto marabno".

Kadib Madaxwaynaha hadalkiisii xubnaha golaha wakiiladda PL ee kahadlay goobta shirka qaarkood ayaa waxa ay marlabaad Madaxwaynaha u soo jeediyeen in hadii taladan dib loogu noqdo xil u kordhintan xukuumadda ay katimid jabhadda (JPD) oo dhowaantan lanabadeeyay iyada iyo xukuumadda PL, ayna tahay arintan mid baarlamanku loo baahan yahay in uu dib uga fiirsado isla markaana ay ka hadlaan oo uu u furanyahay hadalku.

Haddii kale oo ay ka timid golaha xukuumadda ee xasaanadda lagala noqdayna aysan ahayn in arintan dib loogu soo noqdo.

Jenaral Cadde Muuse Boqor oo kamid ahaa dadkii halkaasi kahadlay isla markaan kamid ah (JPD) ayaa wax uu sheegay in mushkiladdu aysan ahayn mid ay qabto JPD, oo ayadu lamagacaabay in ay wax kaqabto xil kordhinta balse ay tahay xili kororsiga xiliyada kala duwan ee golaha baarlamanku ay u kordhiyeen golayaasha kala duwan ee dowladda.

Kulankan maanta ayaa ahaa mid si qota dheer looga dooday oo ahaa mustaqbalka PL iyo guud ahaanba kan umadda ayaa waxa uu soo gabo gaboobay ayadoon wax go'aana la isla meel dhigin, kulankan oo uu xiray madaxwaynaha DGPL Cabdulaahi Yusuf Axmed oo u soo jeediyay golaha wakiilladu in ay ka baaraandagaan uuna talada iyaga ka sugayo.

Golaha xukuumadda iyo golaha barlamanka ayaan wax hadala ka soo jeedin ayaa kulankii sidaasi ku dhamaaday.

Balse waxa arintu u muuqatay in golaha barlamanku uu dib isugu laabanayo ayna u soo celin doonaan go,aamadda kulankooda ka soo baxa madaxwaynaha DGPL.

sahrasiglan siglan
sahrosiglan@hotmail.com

<><><>

DAGMADA BURTINLE OO LAGA CABANAYO IN AY KA JIRTO XAALAD CAAFIMAADDARO.

Tuesday June29,2004.

Galkacyo (Somalitalk)

Dagmada burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa ka taagan xaalad caafimaad daro oo sababtay in ay caruur badani la yaalaan guryaha xanuunno ay ka mid yihiin shubanka, jadeegada iyo kuwo kale.

Duga dagmada burtinle Cabdulaahi Seeraar ayaa sheegay in ay ka sii darayso caafimaad darada ka tagan deegaankan.

Duqa oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in uu la xiriiray wasaaradda caafimaadka PL, iyo Hayadaha samafalkaba. Waxa uuna sheegay inaysan jirin cid uu haatan kahelay wax hawaaba balse uu sii wadayo sidii uu u gaarsiinlahaa maamulka sare ee PL

Duqa oo ka warbixinaya xanuunada caruurta ku dhacay oo ay la liitaan ayaa sheegay in ay kala yihiin shubanka malaariyada iyo jadeecada.

Malaha magaaladu isbital lagu daweeyo caruurta iyo dawooyin lagula tacaalo ka hortaga xanuunada aan soo sheegnay, magaalada oo lahayd hal cisbital oo wayn ayaan haatan shaqayn una fadhiya dayac xaga qalabka ah iyo dib u habayn la,aan dhinaca dhismaha ah.

Gugu dambayntii waxaan ka codsanayaa mar labaad wasaarada caafimaadka PL, iyo hay,adaha samafalka caafimaadkaba in ay la socdaan xaalada dagmada burtinle ee dhinaca caafimaadka.
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2004  

Wararkii Toogashada Guddoomiyihii Boosaaso
iyoTaliyiihii Ciidanka Canshuuraha Dowlada Hoose ee Kontaroolka Boosaaso iyo sawiro laga soo qaaday gaarigii lagu dhex toogtey marxuumiinta... Guji

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo Waraysi Siiyey Somalitalk
"Howsha uu Baarlamaanka DGPL qabtay waa mid aanu qaban weynay oo dhibaato uma aragno ee waxaannu u aragnaa dawlad kale dalka haloo dhiso" Sidaas waxaa yiri... Guji 24/6

Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka DGPL
Qoraal ka oo uu ku amrayay in ay wasaaradda maaliyada Puntland bixin karin wax lacag ah illaa amar dambe Guji 23/6

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD