SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

March 25, 2004  

Madaxweynaha Jarmalka oo Jabuuti Cabsi Uga Baaqday.

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Waxaa la filaayay in madaxweyne Johannes Rau uu shalay oo bishu ahayd 24.03.2004 ka dego garoonka diyaaradaha ee magaalada jabuuti, si uu u soo booqdo ciidamada marinada jarmalka ee dul saqaafaya xeebaha badda cas.


Johannes Rau

Balse isla shalay saacadu markii ay ahayd lixdii iyo barkii maqribnimo ayaa madaxweynaha oo baqo carar ahi kasoo degey garoon ka mida kuwa jarmalka.

Madaxweynaha oo ku talagalkiisu ahaa in uu booqasho qaadaynaysa sagaal maalmood uu afrika ku kala bixiyo,ayaa maalintii afraad ee booqashadiisa isagoo jooga dalka tansaaniya magaalada daarusalaam,waxaa loosheegay in aanu caawadaas u hoyanaynin goobtii loogu talagalay in uu magaalada ka baryo, isla markaana loo qaaday meel kabaxsan magaalada oo aad u qarsoon,

Waxaa ay taasi kadenbeysay markii ay ciidamada sirdoonka jarmalku ogaadeen warar ay sheegeen in ay aad ugu kalsoonyihiin oo ah in ay kooxo muslimiin ahi doonayaan in ay madaxweynaha khaarajiyaan.

Markii uu dhamaystay socdaalkiisii Tanzania ayuu madaxweynuhu sidiii qorshaha wafdiguba ahaa afka saaray dhankaas iyo jabouti, balse waxaa soo dhacay war ka nixiyay Mr Johannes Rau,

"Mudane madaxweyne waxaa ay kooxo argagixiso muslimiin ahi Qorsheeyeen in ama baabuur si gaar ah loo cilmiyeeyay lagugu dilo,ama wadada aad maraysid miino laguu dhigo, sidaas darteed waa in aynnu jabuuti ka baaqsannaa si deg-deg ahna afrika uga baxnaa" war deg deg ah oo sidaas oranaya ayaa lagu taabtay madaxweynaha.

Waxaa uu isku deyay in uu arinkaas gaashaanka u daruuro balse markii loo xaqiijiyay in uu arinku male awaal ka waynyahay ayuu ogolaaday taladaas.

Dadweynaha iyo siyaasiyiinta jarmalka ayay arintaasi fajiciso ku noqotay.

Illaa shalay illaa maaanta ayaa dedweynaha iyo saxaafaddu arinkaas aad iskula dhex xulayeen,waxayna iswaydiinayeen "ANNAKU DAGAALKA CIRAAQ KUMA AANAN JIRINE MAXAA NALAKA RABAA".

Nin sida la sheegay ku xeel dheer arimaha argagixisada oo magiciisa layiraa Mr schmidt oo intii uu madxweynuhu hawada ku soo jiray ay waraysatay idaacada "SWR contara INTERNATIONAL GERMANY"ayaa mar uu wariyuhu wax ka waydiiyay sababta keentay in Jarmalka madaxdiisa halkaas laga ugaarsado,ayaa ku jawaabay.

...jabouti waa nooc minal soomaali, soomaalidana waxaa ay aad ceeshaw milix u yihiin sucuudiga, waana dad 100% muslin ah,... Mr schmidt

"Horta jabouti waa nooc minal soomaali, soomaalidana waxaa ay aad ceeshaw milix u yihiin sucuudiga, waana dad 100% muslin ah, oo ay aad u sahlantahay in cidii dan ka lihi ay xagga diinta ka soo gali karto, dhinaca kale waxaa ay muslimiinta mintidka ahi innoo haystaan ,waxaa aynnu nahay bahwadaagta GALBED, dhinaca kale waxaa ay innoo tirinayaan in aynnu wax ka ridnnay ciidamadeenuna joogaan Taalibaankii dalkooda ee AFGHANISTAN, dhinaca kale argagixiso waayadan cidna uma aabbo yeelayso".

Madaxweynaha Jarmalka Mr Johannes Rau oo ay arintaas qabsadtay dadka dhiillo ku abuurtay waa markii ugu horraysay taariikhda jarmalka ay madaxweyne ay leeyihiini cabsi daraadeed booqasho uu dal ku tagi lahaa hawada loga soo celiyo kana baaqdo,

MR Johannes RAU markii uu garoonka jarmalka ka soo degey oo ay wariyayaal ka tira badan intii uu filaayay garoonka ku sii sugayaan ayaa mar wax laga waydiiyay sida uu dareenkiisu yahay waxaa uu yiri,

"kollaba maanan yeeleen wax la yeelana maaha in jilbaha la qabsado, amarka ay bixiyanna si dhago fudayd ah loogu sujuudo argagixiso aan ujeedo iyo ka jeedo midnna lahayn, waxaa aan u daneeyay ciidamadayada jabouti jooga iyo waftigii balaarnaa ee aan hogaaminaayay oo aan waxyeelo uga baqay balse maan yeeleen war argagixiso ,wafdigaygase waxaan jeclaa in aan hawshiisii halkii aan ugu talagalay gaarsiiyo".

SAXAAFADA JARMALKA
German Press Review: Targeting Germany - Deutsche Welle

Nin u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee jamhuuriyadda jabuuti ayaa sheegay in aysan daw ahyn haboonayna warkaas in uu jarmalku is fahansiiyo oo ay cabsadaan maadaamo aysan jirin warkan lasiiyay, madaxweynuhuna si caadi ah nogu yimaado.

Balse marka uu ninkaasi sidaas lahaa hawada ayuu madaxweynuhu ku soo jiray.

Warbixintii Xagar Yare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany | Maarso 25, 2004

Warkii hore ee safarka madaxweynaha jarmalka


MADAXWEYNAHA JARMALKA OO JABUUTI TAGAYA
Maarso 18, 2004


kabolow bidix: Mrs. Stella Obasanjo (xaaska madaxweynaha Nayjeeriya),  Madaxweynaha Jarmalka Mr. Johannes Rau, Madaxweynaha Nayjeeriya Olusegun Obasanjo, Mrs. Christiana Rau (Xaaska madaxweynaha Jarmalka).
Sawirka: Nigeria Newspaper

Madaxweynaha Jarmalka oo Afrika Booqasho Kumaraya

Waxaa maanta oo ay bishutahay 17/03/2004 ay booqasho Rasmi ah oo Sagaal cisho qaadanaysaa ay afrika uga bilaabatay madaxweynaha Dalka Jarmalka Johannes Rau.

Waxaa uu socodkiisa ka bilaabay dalka Najeeriya, inkastoo aad loo soo dhaweeyay waxaa mar uu maanta lakulmay aqoonyahano dhanka dhaqaalaha iyo siyaasada ku xeel dheer ay qudbad uu halkaas ka jeediyay saluugeen dad badan, tassoo ahayd.

"waa in shareecada muslinku aysan ka korraynin qaynuunka iyo xeerka dawliga ah"

Daabaco Boggan | Print

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Madaxweyne Johannes Rau oo ay haatan wakhtigiisii uu dalka jarmalka madaxweynenimada ka sii ahaan lahaa dhamaatay, waxaa uu naajeeriya ku xijin doonaa dalka taansaaniya, waxaa taas u xigi doonta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti,

Ragga siyaasadaha Jarmalka ee xagga arimaha dibadda ku wajahan Odorosaa ayaa waxaa ay aaminsanyihiin in aanu jarmalku aad ugu tiirsanayn dhaqaale ahaan afrika ,faaiido weynna aanu ku qabin,waxaa isaga aad ugu muhiim ah wadamada carabta iyo iiraan,

Waxaase lafilayaa in sababta ugu weyn ee uu madaxweynuhu jabuuti u doorbiday socdaal ahaan ay tahay iyadoo ay ciidamo jarmal ahi dul saqaafayaan xeebaha badda cas ee jabuuti ku wajahan, kuwaasoo ujeedadoodu tahay ladagaalanka waxa ay haatan reer galbeedku ugu yeeraan "argagixisada caalamiga ah".

Bishii aynnu soo dhaafnay ayaa ninka awoodda ugu weyn kuleh dalka jarmalka oo ah, Chancelorka Mr Gerhard Shroeder uu afrika socdaal ku tagay,waxaanu ka bilaabay Dalka Ethiopia,isagoo ku xijiyay Dalka Kenta.

Waxaa uu chancelorku ethiopia ku canaantay in ay aad ugu tacadido xuquuqda aadamaha, kana codsaday in ay hagaajiso meesha uu dalka keenya aadka ugu amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto ladagaalanka argagixisada caalamiga ah,isagoo halkaas ku siiyay labaatan milyan oo doolar.

Dalka jarmalku waxaa uu kaalin libaax ka qaataa dhaqaalaha ku baxa shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Keenya ka socda.

Warbixintii Xagar Yare
xagar91@hotmail.com
Germany

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2004  

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]