SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 19, 2004  

SOMALILANDER-KA REER ENGLAND OO SOO BANDHIGAY BANAANBAXI UGU WEYNA LONDON

waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Diridhaba

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo si diiran loogu soo dhaweeyey
Golaha House of commons-ka waddanka Britain
Mudane Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo goob joog
ka ahaa qudbadii Madaxweyne Riyaale Ka jeediyey House of commons-ka
Marwada Koowaad (The Somaliland First Lady) Marwo Huda Barkhad
iyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somaliland marwo Adna Aadan ismaciil
oo ku sii socda dhegaysiga qudbadda Madaxweynaha ee baarlamanka
britain.

LONDON: Waxaa maalintii shalay ka dhacay badhtamaha magaaladan London banaabaxii ugu waynaa ee ay baryahan danbe isugu soo baxaan qurba jooga reer somaliland ee ku dhaqan carigan ingiriisku iyo yurub guud ahaanba. hadaba waxa warbaxintan nooga soo diyaariyay wariyayaasha sdwo.com. oo goobtaas ku sugnaa kana qaybqaadanayey banaanbaxan:

 

 

 

 

Waxa baananbaxan ka soo qayb galay dad ay tiradoodu kor u dhaaftay ilaa sadex kun oo qof oo ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalkan ingiiriiska iyo waliba qaar ka yimid wadamada yurub iyo kuwo ka soo socdaalay koonfurta ameerikba dadkaasi waxay tan iyo subaxnimadii shalay ku soo qulqulayaeen iskuna urrursanayeen barxada ama fagaaraha ka soo hor jeeda xafiiska arimaha dibada ee dawlada ingiriis 

Sacadu markay ahayd  labadii duhurnimo ayay dadka oo ay horkacayaan ciidanka boolisku waxay u soo dhaqaaqeen fagaaraha weyn ee ka soo horjeeda aqqalka baarlamanka ee dalkan ingiriiska dadkan oo lulayay calanka jamhuuriyada somaliland iyo calanka dalkan Britain iyo boodhadh ay ku qoran yihiin erayo iyo halku dhagyo lagu tageerarayay gooni isu taaga somaliland iyo sawirka madaxwaynaha jamhuuriyda somaliland dahir riyaale kaahin waxaana wajiyaddooda ka muuqatay farxad iyo xamaasad dheerada oo heesaha iyo ciyaraha gabayada halkaas ka dhacayey ay xafladii isku bedeshay maalin ciida oo kale ah.

Dadkaasi waxa ka mid ahaa caruur aad u da yar oo dhabanadadooda ku soo xardhay calanka iyo astaanka qaranka somaliland, waxa halkaa ka muuqday gabdho  ku labisnaa calanka somaliland iyo qaar wejigooga ku soo sawirtay calanka somaliland,  banaanbaxan oo ahaa mid aan loo kala hadhin yar iyo wayn rag iyo dumar muxaafid iyo mucaarid intaba waxa kale oo banaanbaxii shalay iiga muuqday dad badan oo magac leh sida fanaaniin ay ka mid ahaayeen Xudaydi, Saynab cige, Cabdi nuur allaale iyo fanaaniin kaleba waxa isna shalay bananaanbaxa  joogay ninka labaad ee ugu dheer aduunka ina Bisad oo reer somaliland ah kuna jeeniqaarnaanna calanka somaliland.

Hadaba dadwaynihii shalay halkaa isugu yimid oo anan marnaba la qiyaasi karayn jawiga xaamaasdii ka muuqatay ayay  sacaadu markay ahayd shantii galabnimo waxay isula oogsadeen sacab iyo saxwaxan dheeraada kadib markii raxan gawaadhiya oo ay saaran yihiin waftigii reer somaliland ee uu hogaaminayay madaxwaynahu ay soo hormareen iyga  oo sii galaya badhtamaha dayrka weyn ee aqalka baarlamanka dalkan ingiriiska

Markii uu madaxweyne Riyaale soo gelaayey

guriga HOuse of commons-ka ingiriiska iyo shucuurta dadweynaha.

Markii weftigii Madaxeyanahu horkacayey galeen Barlamanka ingiriiska ka dib waxa kor u sii kacay shucuurtii iyo sawaxankii dadkii halkaas isugu yimid waxaana dhacday in wiil dhalinyaro  ah oo aad sawirkiisa hoos ku arkidoontaan oo aad u qiiraysani in uu fuulay  deyrkii baarlamaka ingriiska isagoo luxaya calanka Somaliland, taasi oo ciidankii booliska ee halkaas nabadgelyada ilaalinayey hal mar ku soo yaaceen iskuna deyeen inay dhulka soo dhigaan, mudo yar kadib waxay lugaha soo jiidaanba way soo qabteen, isla markiibana, xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dadku waxay halkaas ka sii damaashaadayeen ilaa iyo 7 fiidnimo.

dhinaca kale ma jirin wax mudaharaadyo ah oo ka soo horjeeday wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 Mudaharaadka iyo tamashaadka Somalilanderka reer England oo sii socday ilaa cad ceed dhaca magaalada London.

Somaliland Guul iyo Gobonimo, allow reerka dhisne inta hadhayna nagu gargaar.

Warbixitani waxaa soo diyaariyey weriyayaasha Somaliland democratic Watch Organization London

waxaa sii tabinaya Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi,pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD