SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

March 1, 2004 
Socdaalkii Duqa Magaalda Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed ee uu Scandenevianka ku maarayey 15 –20 febaraayo oo naqoday mid lagu guuleeeystay.

Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed 15kii  Febaraayo ayuu yimid Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden gaar ahaan gobolka Sormland oo ku taal Bartamaha Sweden sidii uu jadwalku ahaa waxaa casho sharaf u sameeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaladaaas degen halkaas oo aay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo rag iyo haween iyo weliba caruur isgu jiray.Inta aanan hadalka lagu soo dhawayn Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed waxaa aayad quraan ah iyo halkaa hadal furitaan ka soo jeediyey halkaa Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Katrineholm Mudane Cabdulaahi Xasan (Dhaqaale) Oo runtii sheegay Muhiimada halkaan laysagu yimid aaysan ahaayn wax la dhayalsan karo oo aay muhiim tahay in laga faa`ideeysto Intuu Dr Xuseen Cali Axmed Joogo.Mudane Cabdulaahi Xasan (Dhaqaale) oo hadalkiisii sii wata ayuu wuxuu hadalkii ku wareejiyey oo shirka ka soo qayb galay uguna yimid magaalo la yiraah Orobro Mudane Iikar Amiin Iikar Ku xigeenkii hore ee Duqa Magaalada Muqdisho ee hore waqtigii aay jirtay dawladii uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre Mudane Iikar Amiin oo halkaa ka soo jeediyey qudbad aad iyo aad u wanaagsan muujiyeyna qiirad wadaninimo islamarkaana ku tilaamay booqashadaan tii ugu wanaagsanayd ee uu ka qaybgalo kulano layskuugu yimaado intii uu joogay dalka Sweden. Mudana Ikar Amiin wuxuu kale uu halkaas ka sheegey baahida loo qabo in dib loo soo nooleeyo maamul ineey yeelato magaalada Muqdsho isagoo ballan qaaday wixii Documents ah ee uu ka hayo maamulkii Muqdihu inuu ku wareejin doono Duqa


Gudoomiyaha ururka soomaaliyed KT Cabdulaahi (Dhaqaale) Yaasiin Maaxi Dr Xuseen Cali, Yusuf Cabdow Gudoomiyaha Ururka Daryeel iyo EX: ku xigeenkii Duqii hore ee muqdsho Iikar Amiin IYO Maxmed Xasan Maadeey

Magalada  Muqdisho Dr. Xuseen Cali Axmed. Asagoon hadalkii ku dheeraanaaynin ayuu wuxuu ku daray:” Waxaa maanta sharaf wayn ii ah anigoo ahaan jiray duqii magaaladii hore ee dawladii Siyaad Barre in aan ku soo dhaweeyo Dalkaan Sweden Gaar ahaan Magaaladaan Katrineholm walaalkeey ah   Duqa Magaalada Muqdsho Dr Xuseen Cali Axmed .” Dr Xuseen Cali Axmed oo hadalkiisii bilaabay wuxuu yiri:

”Bismilaahi Raxmaani raxiim waxaa sharaf ii ah in aan caawo halkaan kula kulmo dad walaalaheey ah oo iiga horeeyey maamulka aan aniga masu’ulka ka ahay islamarkaasna horey ugu soo shaqeeyey gobolkaan Banaadir ama aan iraahdee horey ugula soo shaqeeyey MAYARKA magaalada Muqdsho taasi waxaay ii tahay sharaf weyn waana ku mahadsan tihihiin casuumidaan sharafta leh Ilaaheeyna haka Abaal mariyo intii soo abaabushay. Sida aad ka warqabtaan aniga wadanka xoogaa ayaan ka soo maqanahay waxaanse soo aaday Nayroobi, Kenya siyaabaha aan halkaas u soo aaday oo ah

1.Sida aad la socotaan waxaa halkaas ka socdo shirkii14aad  ee dib u heshiisiinta Soomaalida. Hay`adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi ee qaabilsan arrimaha  Soomaliya, si aan  warbixin uga siiyo xaaladda guud ee magaalada iyo qaabka ugu haboon ee dib loogu soo celin karo bilicsamidi magaalada Xamar oo mar ahaan jirtay goobaha ugu nadiifsan magaalooyinka qaaradda afrika, isla markaasna ugala soo hadlo mashaariic iyo sidii kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo loogu heli lahaa magaalada muqdishu. Intii aan joogay Nairobi waxaan marar badan is aragnay masuuliinta Dowladda Ku-Meelgaarka qaastan Dr C/qaasin Salaad Xasan waxaana uga warbixiyey hay’adihii aan la kulmay iyo rajada wacan ee aan ka qabo inaan ku qanciyo hay’adaha ka goys adeegaya inaan Muqdishu wax laga qaban karin. Annigoo tusaale u soo qaatay mashruucii nadaafadda ee magaalada oo ay maalgelintiisa ay bixisay hay’adda ILO, in xamar wax laga qaban karo waxaa ka marqaati kacayo fulinta hawsha baaxadda leh ee nadaafadda oo 6 degmo ku koobnayd, markaan hay’adda ILO iyo UNDP ka codsaday in mashruuca baahi weyn loo qabo kana mid yahay mashaariicda abuuri karta fursado shaqo, waxaan codsaday in mashruuca la fidiyo muddo hal sano, lana wada gaarsiiyo 16 degmo ee magaalada ka kooban tahay, iyadoo degmo walba aan u codsaday in loo shaqaaleeyo 300 oo qof. Hay’adda markay muddo soo daristay waxay oggolaatay in mashruuca la gaarsiiyo hal sano,  in lagu fidiyo dhamaan degmooyinka gobolka Banadir iyo in degmo kasta laga shaqaaleeyo 100 qof iyadoo sabab uga dhigay dhaqaale xumo hay’adda la soo deristay sannadkan.

Sidoo kale waxaa meel wanaagsan marayo in  wax laga qabto waddooyinka magaalada oo aad u burburay taasoo aan rajaynayo in kuwa ugu horeeyo ay ka bilawdaan magaalada xamar, kaddib markaan dhowr hay’adood aan u bandhigay daraasad faahfaahsan oo ay diyaariyen khubaro Soomaliyeed aadna loogu riyaaqay, mabda’ahaan la waafaqay in sannadkan 2004 la bilaabo dib u dhiska iyo dayactirka waddooyinkaas.

”Intii aan Nayroobi joogay waxaa ii suurtagalay inaan la kulmo Wakiilka Hay’adda WHO u qaabilsan Somaliya oo fadhigiisu yahay Nayroobi, waxaana kala hadlay caafimaad xumida magaalada ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa; annaga iskaashi soko oo arrintaas aan ka leenahay wasaaradda caafimaadka, waxaana halkaas ugu gudbiyey mashruuc biyo gelinta ee magaalada kaasoo oo ay noo diyaariyeen khubaro Chinese ah, aadna wuu ugu farxay wuxuuna ballan qaaday inuu maalgelin u raadin doono.

2. Inaan ka qaybgalo Shirka Nabadaynta Ummadda Soomaaliyeed uga socda Nayroobi oo aan warbixin uga siiyo maqaamka gaarka ah ee yeelan doonto magaalada muqdishu, taasoo markii ugu horeysay lagu soo hadal qaaday shirkii nabadaynta ee Djibouti 2000, laakin uu dhaqan geli waayey duruufaha adag ee ka jiray magaalada. Sida aad la socotiin Shirka wuxuu soo maray marxalado kala duwan kuwaas mararka qaarkood aad isleedahay shirkii wuu burburay, laakin mahad ha ka gaarto waxaa mar waliba arrintaas badbaadinayey hay’adaha caalamiga iyo urur goboleedka IGAD oo mar waliba uu khilaaf soo kala dhexgelo kooxaha halkaas ku shirayo culus weyn saarayo, isla markaasna u soo bandhigayey kooxaha Soomaaliyeed  options kala duwan iyo inay isu tanaasulaan.Waa Ilaah mahadii shirka maanta wuxuu leeyahay raja wanaagsan, koox waliba tanaasul ayey keeneen ahna mid lagu amaani karo hoggaamiyaasha taasoo aan hore looga baran, haddana weli waxaa dhici karta in caqabado kale soo baxaan. Sidoo kale shirka qiimahiisa wuxuu kor u kacay kaddib markii xulitaanka xildhibaanada ay gacan weyn ku yeesheen hoggaamiyaasha bulshada, waxaana u rajaynaya in wejiga seddexaad ee dhawaan ka furmi doono Nayroobi uu noqdo mid soo afjara khilaafaadkii siyaasadeed ee soo jiitamayey 14kii sano ee la soo dhaafay, loona gudbo dib u heshiisiin dhab ah iyo is cafin guud wadada u sii xaarto Dawlad Soomaliyeed oo awood leh dibna u soo celiso sharaftii iyo karaamadii ay lahayd Ummadda Soomaaliyeed.Waxaay waayo aragnnimada na bartay Dawladda loo dhiso Soomaaliya oo beesha caalamka gacmaha ka laabtaan, haddana tan lagu soo dhisi doono Nayroobi  micne yeelan mayso haddaan beesha caalamka eeyna la barbar istaagin wax qabad dhab ah dawladda curdunka ee dhalan doonto kana kaalmayn qaybaha tiirarka u ah jiritaan qaran waxaana qaybahaasi ka mid ah:

1) In la dhaqan celiyo maliishiyaada faraha badan oo mar kasta qalqal geliya nabadda iyo xasiloonida, iyadoo loo furayo tababar dhinaca xirfadaha kala duwan si ay mustaqbalka ugu shaqeystaan.

2) In la helo barnaamij maliyadeed iyo kaalmo farsamo oo u kala qorshaysan mid gaaban iyo mid dheer.

3) In la sameeyo tirakoob dadka, xoolaha iyo guryaha si loogu jaangooyo qorshaha horumarinta dalka

4) In dib loo hagaajiyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha  garoomada diyaradaha,      waddooyinka iyo kaabaha laysaga gudbo.          

5) In dib loo yagleelo hawlaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo sportiga, nadaafadda iyo arrimaha daryeelka deegaanka.

6) In mudnaanta koowaad la siiyo biyaha iyo korontada, laguna dadaalo in loo sameeyo asaas adag  oo si sahlan loo horumarin karo.

7) In Horumarinta warshadaha lagu saleeyo kuwa qalabka ceerin laga heli karo soomaaliya iyo in loo sameeyo goobo ka xor ah canshuuraha (industrial free zone),

8) In ganacsiga la madax banaaneeyo iyadoo loo samaynayo qawaanin dhiirigelinayso soo jiidasho maalgelin shisheeyo iyo shuruuc damaanad qaadi karto hantidooda.

9) In khayraadka faraha badan ee Ilaah ku manaystay Ummada Soomaaliyeed sida beeraha, xoolaha, khayraadka badda iyo macaadiinta loo sameeyo qorshooyin iyo jaangooyo lagu salaynayo baahida ummadda iyo baahida ka jirta suuqyada aan wax u dhoofinayno iyo amar ku taaglayn.

10) In dalka laga hirgeliyo ismaamul goboleedka ay dadka deegaanka ay si xor ah ugu dooran karaan maamul ka hufan qof jeclaysi,

11)In dalka loo diyaariyo axsaab siyaasadeed iyo doorashooyin xor ah,

12) In la ilaaliyo xuquuqul insaan;  si gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda  kuwa laga tiro badan yahay

13) Cahdiga, shuruucda iyo qawaaniinta dalka loo dejinayo waa inay noqdaan kuwa   ku salaysan baahida iyo dhaqan bulshadeedka Ummadda Soomaaliyeed, 


Gudoomiyaha ururka soomaaliyed Cabdulaahi (Dhaqaale) Cali Axamed Dr Xuseen Cali, Yusuf Cabdow Gudoomiyaha Ururka Daryeel EX: ku xigeenkii Duqii hore ee muqdsho Iikar Amiin IYO Maxmed Xasan Maadeey

Markii aan ka soo tegayey magaalada Xamar (Muqdsho) waxaa xilkii ku sime ahaan ugu dhiibay ku-xigaha 1aad ee duqa magaalada Dr. Mohamed Cabdulqaadir, oo aan marar badan oo dibedda safar ugu kicitimay ugu dhiibay, wuxuu xilkiisa u gutay si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u deggsan dawladda hoose, isagoo kaashanayo aqoontiisa iyo waaya-aragnnimadiisa hawshii iyo mas’uuliyadii loo dhiibay uu uga soo baxay si xilkasnnimo iyo wadannimo ku dheehan tahay,

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo gudbinaya degmooyinka Gobolka Banaadir oo beryahan dambe xoojiyey nidaamka difaaca amniga kaasoo saldhig u noqon karo nabadgelyo guud oo lagu soo dabaalo magaalada muqdishu. Sidoo kale urrurada kala duwan ee haweenka gobolka oo mar waliba aan ka daalin hawl kasta oo laga hirgelinayo gobolka, sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo urrurada dhallinyarada oo mar waliba u duuban inay ka hortagaan kaddibna xaliyaaan dhacdooyinka iyo gacan ka hadalka ka dhaco magaalada.”


Dr Xuseen Cali Axmed iyo MAYARKA Katrineholm Mr Jan Larrsson

16kii bishii Febaraayo waxaa lagu casuumay ee uu tegay xafiiska Duqa Magaalada Katrinholm, Mr. Jan Larsson, wuxuuna warbixin ka siiyey baaxadda Magaalada Katrineholm iyo dadka ku dhaqan, meelaha dhaqaalaha ka soo galo iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin, sidoo kale Dr Xuseen Cali Axmed wuxuu warbixin guud ka siiyey xaaladda Magaalada Muqdishu, dhibaatooyinka dawladda hoose haysto iyo siday gacan uga siin lahaayeen. Waxaa kale ee uu Dr Xuseen Cali Axmed ugu warbixiyey rajada laga qabo dib u heshiisiinta ka socoto Magaalada Nairobi oo laga rajaynaayo inay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Taasoo beesha caalamka aqoonsi iyo malgelin ku yaboohi doonto. Waxaana uu u soo bandhigay in labada Magaalo la mataaneeyo ee uu iskaashi dhex maro labada dhinac.


Dr Xuseen Cali Axmed iyo Mayrka Katrineholm Jan Larrsson Baarlamaanka Degmada Katrineholm

Duqa magaalada Katarinholm Mr Jan Larsson wuxuu ku martiqaaday Dr Xuseen Cali Axmed  inuu ka qaybgalo shir bileedka Golaha Baarlamaanka ee deegaanka magaalada halkaas galabnnimadii oo aad iyo aad loogu soo dhaweyey, markii uu shirka xirmayna, wuxuu warbixin siiyey qalabka warbaahinta ee magaalada ssup.org , halkaasoo fikrad guud ah ka siiyey xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Muqdishu iyo sida ay dawladda hoose iyo guud ahaan Gobolka Banaadir diyaarka ugu yahay inuu wax ka qabto baahida faraha badan ee magaalada ka jirto, wixii awoodooda ka baxsanna ay ula kaashanaayaan beesha caalamka.

18kii Febaraayo wuxuu u duulaya Goteborge oo ah magaalo madaxda labaad ee Sweden halkaas oo aay ku soo dhaweeyeen Odayaal Soomaaliyeed oo magaalda degen oo aay ka mid yihiin Prof Xasan Axmed Ochkio, Cabdulaahi Hantiwdaag, Yusuf Muuse Dheere, Axmed Ismaaciil Gare iyo Axmed Warsheekh oo ahaa odayaasha iyo gudoomiyaha Ururka Soomaaliyeed ee halkaas ka dhisan. Dr Xuseen Cali Axmed wuuu la kulmay Goteborge-Initiative iyo Jaamacada Gotenborg halkaas uu ku soo bandhigay maraxalada aay ku sugan tahay magaalo madaxda Soomaaliya, Muqdisho, sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii xiriir saaxiibtinimo aay u wada yeelan laahaayaan labada wadan gaar ahaan labada gobol Goteborge iyo Muqdisho

I, Dr. Hussein Ali Ahmed, the Mayor of Mogadishu, would like to express my gratitude to everyone that contributed to the success of my recent trip on February 15-20, 2004 to Katrineholm in Sweden and Gotenborg.  It has been a fruitful and important visit which further contributed to the links which exist between Somalia and Sweden.

I am particularly thankful to the Mayor of Katrineholm and its great mayor, Hon. Jan Larrsson, who gave us his assistance. I owe special thanks and gratitude to the Head of International Relations of the Social Democratic Party in Katrineholm, Mr. Yassin Mahi.

My best wishes to all the people of Katrineholm for hosting me and for welcoming so many Somali people.

20kii Febraayo wuxuu dr Xuseen Cali Axmed u sii dhoofay UK,  LONDON. Halkaas uu usbuuc sii joogi doono isagoo ku sii socda Dubai iyo Soomaaliya Kenya


Warbixintan waxaa soo diyaarshay:
The Head of International Relations of the
Social Democratic Party in Katrineholm,
Mr.
Yassin Mahi | maaxi@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | March 1, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]