SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
March 25, 2004

 XALIIMO KHALIIF CUMAR (MAGOOL) OO SAAKAY LAGU AASAY DULEEDKA MAGAALLADA MUQDISHO

Waxaa saakay duleedka magaallada Muqdisho lagu aasay fannaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar Magool oo 19-kii Bishan Maarso ku geeriyootay magaallada Amsterdam ee waddanka Holland, waxaana saakay meydka fannaanadda laga soo dejiyey garoonka Balidoogle ee magaallada Muqdisho saacaddu markii ay ahayd 8:30-subaxnimo, waxaana aaskaasi ka qayb galay kummanaan kun oo dadweyne ah oo ka kala socday ururrada kala duwan ee Bulshada iyo ururrada siyaasadeed ee ka jira dalka.

Saacaddu markii ay ahayd 12:00-Duhurnimo ayaa lagu aasay fanaanadda Qubuuraha Siiddii Sh. Aweys oo ku yaalla Ceelasha biyaha ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana meydka dalka Holland ka soo duuliyey nin ay qaraabo yihiin Magool oo lagu magacaabo bashiir Ciise Lugoole oo sheegay in markii hore ay dhibaato kala kulmeen qaabkii loo soo qaadi lahaa meydka marxuumadda, balse markii ay oggolaansho ka heleen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Holland iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa loo oggolaaday in Xaliimo Khaliif lagu aaso dalkeedii hooyo, isagoo sheegay in xalay ay ku baryeen magaallada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Goobta uu aasku ka dhacayay waxaa dhoobnaa gawaari aad u fara badan, iyo dadweyne ka kala yimid Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka, waxaana dadweynaha dhex marayay gawaari ay ku rakiban yihiin Samaacado waaweyn oo akhrinayay aayado Qur’aan ah.

Dadkii ka qayb galay aaska marxuumadda waxaa ka mid ahaa Fanaanadda caanka ah ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in Xaliimo Khaliif meydkeeda la keeno dalka, laguna aaso dalkeeda, waxayna u mahad celisay intii gacanta ka geysatay keenista meydka xaliimo Khaliif ee magaallada Muqdisho.

“Haddii lagu aasi lahaa Amsterdam waxa ay la mid tahay calanka Soomaaliyeed oo lagu aasay dalkaasi, balse nasiib wanaag taasi ma dhicin oo dalkeedii ayaa la keenay, ALLAHANA u naxariisto” ayay tiri Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sheegtay in Magool ay ahayd fannaanad waddaniyad ah oo u soo halgantay dalka.

Waxaa kaloo ka qayb galay aaska Guddiyo ay Dowladda KMG ah u xilsaartay, Isbahaysiga SNA ee uu hoggaamiyo Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ee uu hor kacayo C/nuur Axmed Darmaan.

Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD