SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Prof.  Yuusuf Xersi Axmed

March 23, 2004  

Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:

  • Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah

Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed

Walaayaal

Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon oo ah Galcaar... Guji halkan

Salaanta kaddib waxaa isoo gaarey e-maillo ku saabsan gubidda condomka ee Boosaaso, inkastoo aanan si fiican u fahmin cidda gubtey, sababta loo gubey, tirada la gubey iyo condomka la gubey meesha laga soo uruuriyey. Inkastoo arrintu sidaas tahay, haddana waxay iigu muuqataa in mashkaladaani tahay mid mudan bal in waxii ra’yi iyo talo ah oo suuro gal ah layska weydaarsado.

Tan ugu horraysa, oo ku saabsan xagga eraybixinta, waxaan oran lahaa in la isticmaalo erayga “Galcaar” meeshii laga isticmaali lahaa “Cinjirka galmada” ama “Condom”. Erayga galcaar oo ka kooban: gal=dabool iyo caar= xubinta taranta raga (sida meelo koofurta ka mid ah looga yaqaan), waxaan bixiyey intii Guddiga Af-Soomaaligu jirey oo dalku dhaqnaa, horayna isticmaalka waa uu galay. Xagga kale waad ogtihiin in xubinta taranta ratiga “Caad” la yiraahdo, taasoo isagoo Sayidku tix raacaya uu yiri “Calasooyinkoodii midguhu caad ma geliyeene”.

Haddaan usoo gudbo dhuuxa mashkalada, waxay ila tahay in arrintaan isku mar laga eego xag caafimaad iyo xag diimeed/ akhlaaqeed/ bulsho.

1.Xagga caafimaadka

Way jiraan xaalado caafimaad oo kallifi kara isticmaalka galcaarka, sida:

  • a) Marka haddii haweeneydu ay uur yeelato uu uurkasi caafimaadkeeda ama nolosheeda halis gelinayo ama dhibaato xeel dheer u geysanayo.
     
  • b) Marka la rabo in haweynedu ka soo kabato uurkii hore diiftiisii, carruurtuna helaan waqti ay ku kala koobcaan (kala dheerayn dhalmada)
     
  • c) Haddii labada qof oo is qaba midkood lagu hubo inuu qabo cudur jinsi oo halis ah, sida waraabow ama HIV/AIDS oo ay isla mar ahaantaas rabaan inay wada noolaadaan.
     
  • d) Haddii labada qof oo is qaba midkood lagu tuhunsanyahay inuu qabo mid ka mid ah cudurradaas halista ah oo uu ku jiro muddadii baarista.
     
  • e) Haddii uu jiro qof aan garaadkiisu kaamil ahayn oo awooddiisa is llaalintu hoosayso oo looga baqayo inuu qaado cudurradaas, cid celin kartana aan haysan
     
  • f) Haweeney uur leh oo aan iyadu HIV/AIDS qabin laakiin ninkeedu qabo oo haddii aan laga hortegin ay dhici karto inuu iyada iyo uurjiifkaba cudurka u gudbiyo.

Inta arrintu heerkaas joogto Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku habboon inay si xilkasnimo leh adeggaas u maamusho.

Nin raggii aan e-mailka ka helay ka mid ah baa su’aaley haddii diintu oggoshahay isticmaalka hababka rimidreebka. Iyadoo su’aashaas la xiriirta ayaan jeclahay inaan xuso in la weriyo in Saxaabadii Rasuulkeennii Suubbanaa qaarkood isticmaali jireen “Cazli” oo ah in minada debedda lagu daadsho, dhibaatooyin qoys oo haystey awgood oo lama huraan ka dhigayey kala dheraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka haweeneyda.

FAA’IIDOOYINKA AY CAANAHA HOOYADU U LEEYIHIIN ILMAHA
Waa qaybtii 5aad ee barnaamijkii wacyigelinta Caafimaadka... Guji
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA
Faarax Axmed Muuse |  M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi

Arrintaas oo la sheegay inay dhici jirtey Nebigeennii oo jooga oo laga weriyey inuu yiri: “Maxaad isaga deyn weydeen”, waa mid mudan bal xoogaa dabagal ah in lagu sameeyo. Oraahdaas Nebiga (NNKHA), culimmada badideed waxay u arkeen inay tahay xarrimid, qaar kalena waxay yiraahdeedn “cazligu” wuu bannaanyahay haddii baahiyi kallifto, sida kala dheeraynta dhalmada iyo daryeelka caafimaadka hooyada.

Xagga kale waxa la ogyahay in nuujinta dheer (labo sano) oo Quraanka ku su aroortay ay dawr ka cayaari karto kala dheeraynta dhalmada (“Hooyooyinku ha nuujiyeen ilmohooda labo sano oo kaamil ah, taasoo ah qofkii doonaya inuu nuujinta ebyo”), Suuratul Baqarah, aayad 233.

Midda aan Islaamku oggolayn waa xaddidda tiradaa dhasha (ku koobid tiro qofku uu isagu goostay, sida labo, saddex ilmood,iwl

Saxaabada qaarkeed baa “Cazliga” ku tilmaamay inuu yahay nooc “Nolol-duuggii” waqtigii jaahiliyadda Carabtu samayn jirtey oo Islaamku xarrimay . Hase ahatee, Sayid Cali oo culimmada Saxaabada ka mid ahaa, Alle ha ka raalli noqdee, wuu diidey fikraddaas oo wuxuu yiri nolol-duug ma jiro ilaa cunuggu maro toddobadii marxaladood oo Quraanka iyo Sunnada lagu sheegay oo ah heerarka abuuristiisu marayso laga bilaabo marka uu uurka galo ilaa uu ka dhalanayo isagoo nool.

Haddaba, su’aasho waxaa weeye haddii isticmaalka galcaarku uu noqon karo “cazligii” oo la casriyeeyey, haddii looga dan leeyahay kala dheeraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka haweeneyda, markii ay jiraan dhibaatooyin arrintaas kallifaya. Ilaah baana nooga aqoon iyo ogaal badan.

CIRIBTIRKII FURUQA: 1977

Cudurka Furuqa waxaa dunida laga cirib tiray sannadkii 1977, waxaana la weriyey qofkii ugu dambeeyey oo uu ku dhacay furuq in uu ahaa nin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Marka oo magaciisu yahay Cali Macow Macalin...  GUJI...

Tan ku saabsan ku dhex faafinta dadweynaha isticamaalka galcaarka oo markaas dhallinyarada boodda baradka ah iyo maangaabtu ay meel walba uga iibsan karaan sida aspiriinka oo kale, uma arkayo inay gudanayso adeeg caafimaad ee waxaan u arkaa inay tahay dhiirrogelin dahsoon ee dhillaysiga.

Xagga taariikhda AIDS-ka, aqoonyhanno ka tirsan dalalka horay u maray qaarkood waxay sheegeen in viiruska AIDS-ka lagu beeray shaybaar mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, oo markaas si qalad ah intuu uga fakaday shaybaarkii uu ku dhacay dadkii ugu horreyey 1981kii (Ameerika). Xaaladihii ku xigey waxaa laga helay Yurub (Faransa?). Sababtii loo beeray viiruskaas waxaa lagu sheegay inay ahayd in lagu ciribtiro dadka madow iyo khaniisyada. Sida aad ogtihiin khaniisyadii waaba ay ku sii tarmayaan dalalka sheeganaya inay horay u mareen, sababtoo ah inaad mooddo inuu halkaas ku sii faafayo dhaqan xaarwalwaal; hase ahaatee dadka madow ee Afrika ayaa nabarkii loo wadey lala helay.

In muddo ah waxaa la faafinayey fikrad khawayn ah oo sheegaysa in viiruska AIDS-ku ku dul noolaan jirey daayeerrada Afrika qaarkood, oo uu dabadeed u yeeshay iilasho xagga dadka oo markaas uu sidaas cudurku dadka ugu gudbey. Fikraddaas gadaal waa laga beeniyey waxaana lagu sheegay inay tahay mid aan sal iyo baar lahayn.

Aqoonyahanno caan ah oo dalal kala duwan ka tirsan waxaa laga weriyey in Afrika si kas ah AIDS-ka loogu faafiyey toddobaatanaadkii, markii u socdey ol-olehii ciribtirka furaqu, waagaasoo tallaalkii furuqa oo Afrika loo qaybiyey uu ahaa mid uu ku dheehanyahay viiruska AIDS-ku. Haddii ayan arrintu sidaas ahayn maxaa kale oo lagu fasiri karaa inay maanta Afrika joogaan saddex meelood labo meelood ee xaaladaha HIV/AIDS-ka (2/3)??


Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna micnaha u leh!!

Haddaba, waa in laga digtoonaado galcaarka nala kula soo ordayo oo aan la ogayn waxa uu sido, ama xataa haddii uusan AIDS sidin, ay dhici karto inuu yahay mi iimaysan oo aan waxba qofka istcmaalay ka celinayn. Aan xusuusnaanno gabaygii Qamaam Bulxan, Alle haw naxariistee, uu Cali Dhuux ugu jawaabayey:

  • “ Baadida nin baa kula deydeyin daalna kaa badane’
  • “ Dadkuna moodi duul wada shaan wax u dahsoonayne”
  • “ Inaad heshana aan doonahayn daayin ebedkaaye”
  • “ Dallana ma leh aakhiro haddii loo kitaab deyaye”

Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna micnaha u leh!!

Xagga diinta, akhlaaqda/bulshada

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

Sida taariikh ahaan la wada ogsoonyahay Soomaalidu waxay ka mid tahay dadkii ugu horreeyey oo Islaamka qaatay iyadoo, sida meelo meelo kale ka dhacday, aan soo gudbinta diinta cusub loo adeegsan dagaal iyo dirqin midna Marbaa nin macallin Jaamacadda Punjab (Pakistan) ka ahi aniga i weydiiyey: “Goormaa Islaamku Soomaaliya gaarey”? Waxaan ugu jawaabey inuu gaarey intii uusan Madiina Al-Munawara gaarin, taasoo ah in Saxaabadii Rasuulka (NNKHA) oo Bariga Afrika u haajirey, sanadkii shanaad ee risaaladda, ay iyagu Islaamka Soomaaliya gaarsiiyeen. Ninkii macallinka ahaa hadal iguma soo celin taasoo loo qaadan karo inuu fikrad taas la mid ah isaguna qabey.In Islaamku dhaqsahaas iyo dhib yaridaas dalkeenna ugu faafay iyo in Soomaalidu kulligeed tahay dad Islaam ah waxay noqotay arrin Caalamka Islaamka looga arko sidii billad sharaf gaar ah oo Soomaalidu ku guleysatey.

Dagaalka layna ku hayo, oo mid toos ah iyo mid sarbeeb ahba leh, waa mid looga dan leeyahay in billad sharaftaas layna ka tuuro. Ol-olhaa hadda layna ku hayaa waa mid looga dan leeyahay dhaqan iyo dhalan rogid ummaddeenna, arrinta faafinta hafajiska ah ee galcaarkuna waa qayb ka mid ah ol-olehaas.

Warbixintii Shabeelada Hoose ee Hay'adda Elman:waxaan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada... Guji....
Magaaladda Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri
Waa yadaanba waxaa ku soo qul qulaayey Gobolada PL gaar ahaan Magaalada Boosaaso Noocyada Daroogada sida Xashiishad iyo Khamri aad u tirabadan, taa soo aan horay looga aqoon Goboladan ayna soo galiyaan dad Ganacsato ah oo kala yimaada Koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya. Guji...

 Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Haddii xallinta mashaakilkeenaa si fiican loogu adeegsan lahaa tacaaliimta Islaamka, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo dhaqanka suubban ee ummaddeenna, natiijo ka waanaagsan tan shisheeyuhu inoo ku yaboohayo ayaan gaari lahayn. Haddaba, yaan arrintu inaka noqonnin sidii qof haysta mindi af badan oo haddana mid saawir ah wax ku kirkiraya. Arrinta dhaqnhabowga uu burburka dalku keenay, iyo dadka badan oo muddada soo joogey dalalka AIDS-ku ku badanayahay oo deriska ina la ah oo ay dhici karto inay la soo noqdeen cudurkaas, iyo dhillaysiga la sheegayo inuu sii faafayo, ha loo adeegsado iskaashi qaran oo isugu jira dawlad, culimmo, aqoonyahnno iyo dadweyne. Si natiijo wanaagsan loo gaaro wacyigelin diineed oo xoog lihi waa lagama maarmaan.

Haddii ay inaka dhabta tahay inaan ummadeenna si dhab ah uga badbadinno halaagga ku soo fool leh aan ku shaqaynno sida u tilmaamayo Xaddiiskii Nebegeennii (NNKHA) suubbanaa oo amrayey: “Qofkii idinka mid ah oo wax xun arkaa gacantiisa ha ku suuliyo, haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu awoodi waayana qalbiga ha ka kahsado, kaasoo ah iimaanka kan ugu taag daran”. Haddaba, culimmada qaarkeed waxay u qaybiyeen cidda laga rabo gudashada qaybaha kala duwan ee xilka xaddiisku tilmaamayo saddexda qaybood oo soo socda:

  • Gacanta: dawladda iyo ciddii kale oo awood ay wax ku muquuniso leh
     
  • Carrabka: culimmada iyo ciddii kale oo leh cod la dhegaysanyo
     
  • Ka kahsiga qalbiga: dadweynaha aan wax kale awoodin
  • Faallahaas guud kaddib, waxaa il habboonaan lahayd in arrinta ina hor taalla wax looga qabto isgarabsi culimmada diinta iyo taqaatiirta oo labadoodu yihiin dadkii lahaa aqoonta labada dhinac leh oo arrintaan oo kale xallinteeda looga baahanyahay.

    Bal aan is weydiinno sida culimmada diintu u jideysey in loo waajoho dhibaatooyinka xallintooda ra’yi qof khabiir ahi uu lagama maarmaan yahay. Inta aan xugunka sharciga ah lagu dhawaaqin waxaa qofka arrintu khusayso loo diraa cidda khibradda gaarka ah u leh arrinta qofkaas. Tusaale ahaan waagii ay taqaatiirtu yarayd amaba ayan jirin markii qof haween ah xukunkeeda gacanta lagu hayo waxaa loo diri jirey haweeney khabiirad ku ah arrimaha haweenka, siiba xagga xubnaha taranta.

    Mawduceennaan cidda khibradda farsamo u lihi waa taqaatiirta. Hase ahaatee taqtar muslimka ah xilka taqtarnimada oo keli ahi ma saarna ee kan diintuna wuu saaranayahay. Waxa uu ku talinayo waa inayan noqon wax sharciga ka soo hor jeeda, siiba xalaalnimada iyo xaarinnimada shayga. Waa dambi aad u weyn in qof muslim ahi uu si ulakac ah u xalaaleeyo wax xaaraan ah ama u xarrimo wax xalaal ah. Wuxuu noqonayaa qof Ilaahay uu baab dhigtay, maxaa yeelay xalaalaynta iyo xarrimidda Ilaah keli ah ayaa iska leh.

    Taqtarku hor iyo abbaato waa inuu aqoon ku filan u leeyahay arrinta wax laga weydiinayo, isla mar ahaantaas ku baraarugsanyahay turaanturrooyinkeeda dambe oo bulshada dhaawacaya

    Haddaba, arrinta galcaarka oo ah midda aan ka doodaynno waxay iigu muuqataa inay labo waji leedahay: 1) Mid caafimaad oo ah kii aan horay usoo aragney oo khusaynaya kooxo gaar ah oo inay galcaarka isticmaalaan dhibaato caafimaad ku kalliftay 2) Mid fasahaadin looga dan leeyahay oo ah markii isticmaalkiisa laga dhigo jaantaa rogan.

    Qaybta hore waxay ila tahay in fulinteeda taqaatiirta iyo culimmadu iska kaalmaysan karaan, iyadoo laga shidaal qaadanayo saldhigga fiqhiga oo leh “Dhibaatadu waxay bannaysaa wax xaaraan ahaa”, taasoo la rabo in lagu soo koobo hadba dhibaatada wax bannaysay inta ay le’gtahay ee aan loo adegsan dano intaas ka shisheeya.

    Gunaanad

    MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...

    Anigoo og inuu Puntland ka jiro barnaamij ladagaallanka HIV/AIDS-ka, haddana ma ogi ilaa inta uu mirodhalkiisu le’egyahay. Sidaas awgeed ayaan rabaa inaan halka ku soo gudbiyo dhawr talo oo la xiriira fulinta dhaqantoosinta iyo la dagaallanka HIV/AIDS-ka:

    • a) Dejin qorshe qaran oo qeexan oo ku salaysan tillaabooyin isdabajoog ah
       
    • b) Iskaashi dhab ah ee dawladda, culimmada, aqoonyahannda, iyo dadweynaha.
       
    • c) Abuurid xarumo dhaqancelin oo laga dhex fuliyo wacyigelin diimeed, akhlaaqeed, bulsho iyo tababar xirfadeed oo qofku marka uu ka soo baxo u oggolaan kara inuu shaqaysan karo.
       
    • d) Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah
       
    • e) Soo dhoweyn cid kasta oo si daacad ah gacan inooku siinaysa fulinta qorsheheenna.
       
    • f) Dumin bartilmaameedyada dhaqanhabowga iyo cadaadin dadka falkaas ku dhex jira oo la rabo in jir iyo maskaxba laga toosiyo.

    Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed

    Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
    Cismaan Ahmed sheekh
    isxaaq1@yahoo.com

     Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2004

    Maxaa Lagu Yaqaan Ninka Ragga ah!
    Ninka raga ah waxaa lagu yaqaan ninka dantiisa yaqaan, dadkiisa caawiya. jawiibadka saaran og......Khaladkiisa qaata...Gartiisana aan lameel marin karin. waa nin dulqaad leh . xilkas ah . dadwadasho leh... Akhri maqaalkii Maxamed A. Dayib

    Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon oo ah Galcaar... Guji halkan

    XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great

    kaah


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax
    Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD [an error occurred while processing this directive]