SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 23, 2004

WARARKA MAANTA
Waxaa isku soo dubaridey:
wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com , garyare20@yahoo.com

» Somali Land oo ku eedaysan Dilka Haweenaydii Kenya u dhalatay Ururka Al-Itixaad.
» Qaban Qaabo Xoogan oo loogu jiro Aaska Magool,
» Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo go’aano ka soo saaray Shirka Kenya,
» Gudoomiyaha degmadda Buula Barde oo walaac ka muujiyay xariga xubnaha ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan,
»
C/qaasim oo ku faanay inay nabad galyo ka jirto Somalia.
» Aadan Saransoor oo sheegay inay ka tashanayaan cidii badali lahayd Shiiq Aadan Madoobe.
» Maraykanka oo sheegay inay aad uga xun yihiin dilkii Shiiq Axmed Yaasiin.
 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Somali Land oo ku eedaysan Dilka Haweenaydii Kenya u dhalatay Ururka Al-Itixaad.

Maamulka Somali Land ayaa sheegay in dadka loo xiray dilka Haweenaydii u shaqaynaysay GTZ ay ka mid yihiin xubno Al_Itixaad ah,

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somali Land ayaa sheegay inay heleen cadaymo muujinaya in Al-Itixaad ay ku lug lahayd dilka Haweenaydii u dhalaytay Kenya ee u shaqaynaysay hay’adda GTZ ee Jarmalka, wuxuuna afhayeenkaasi sheegay in ragga la xiray ay qaar ka mida xubno ka yihiin Al-Itixaad,

Afhayeenkaasi waxa uu sidoo kale sheegay in taleefoonadda ay isticmaalayeen raggaasi ee Sattelite-ka ahaa ay muujinayaan xiriiro ay la samaynayeen Xubno Al-Itixiaad ah iyo siyaasiyiin caan ka ah Somalia, Wuxuuna sheegay in wali ay socoto baaristii ku aadanayd kiiska ragaasi, isla markaana ay dhawaan si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan Magacyadda hogaamiyayaashii ka dambeeyay dilka haweenaydaasi,

Mar uu ka hadlayay afhayeenkan xiriirka ka dhaxeeya dilalkii hore ee lagu dilay shaqaalaha ajanabiga ah ee ka hawl galayay Somali Land iyo kan hadda ay heleen raadkiisa waxa uu sheegay inay yihiin hawl gallo isku xiriirsan oo ay ka dambeeyaan waxa uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah,

Haweenayda u dhalatay Kenya oo xilligii la dilayay ku jirtay safar gudaha Somali Land ah ayaa waxaa lagu dhaawacay weerarkaasi sidoo kale Nin u dhashay Jarmalka oo isla hay’adaasi u shaqaynayay, iyadoo horana si kala gooni gooniya Somali Land loogu dilay labo qof oo British ah kuwaasoo midi ay haweeneey ahayd iyo haweeneey u dhalatay Talyaaniga,

Qaban Qaabo Xoogan oo loogu jiro Aaska Magool,

Qaban Qaabo Xoogan oo loogu diyaar garoobayo Aaska Fanaanadda Caanka ah ee Soomaliyeed, Xaliimo Khaliif Cumar Magool ayaa ka socda Magaaladda Muqdisho,

Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda Muqdisho Jooga oo maalmahan u baroor diiqayay Magool ayaa wada qorshayaal ay uga qayb qaadanayaan Aaska Marxuumadda, Waxayna sheegeen inay u magacaabeen Guddi Fanaaniin ah oo ka qayb qaata Aaska Marxuumadda,

Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale iyaguna magacaabay Guddi ka qayb qaata Aaska Magool, waxayna sheegeen in guddigaas oo ay wehliyaan Taageerayaasha SNA ay ka qayb qaadan doonaan Aaska Magool oo ay ku tilmaameen inay ahayd Fanaanad Qaran,

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa iyaguna maanta shir ay ku yeesheen Xarunta Gobalka waxay ku go;aamiyeen inay ka qayb qaataan Aaska Magool, waxayna isla garteen 16 degmo ee Gobalka Banaadir, Ururadda Haweenka, iyo Guddiga Gaadiidlayda inay isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ah Gurigii ay Marxuumadda ka dhimatay si ay isaga dhex xulaan guddi kala qayb qaata Qoyska Magool aaskeeda.

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ayaa iyaduna horay u magacawday Guddi Heer Qaran ah oo ka qayb qaata Aaska Magool, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto waqti rasmiya oo lagu dhawaaqay in la keenayo Maydka Marxuumadda Dalka Somalia,

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo go’aano ka soo saaray Shirka Kenya,

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo shir ku yeeshay Shalay Jabuuti ayaa gabagabadii shirkaasi qoraal ay ka soo saareen waxay ku baaqeen in la dar dar galiyo Shirka Soomaalida uga socda Kenya,

Wasiiraddu waxay taageereen qoraalkii ay soo saareey Guddiga Hawl Fududaynta IGAD iyo Wakiiladda Beesha Caalamka ee ka qayb galaya shirka Nairobi kaasoo ay walaac kaga muujiyeen wararka sheegaya in Somalia ay ku soo qul qulayaan hub, Waxay sidoo kale Wasiiradda IGAD hoosta ka xariiqeen in horay loo sii waddo shirka Soomaalida uga socda Kenya, iyagoo ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo qaybaha siyaasadda ee ku maqan gudaha Somalia inay deg deg ku soo gaaraan Nairobi,

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Yuusuf Dheeg oo ka qayb galay Shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa sheegay in IGAD ay meesha ka saareen mad madoowgii dhexdooda ahaa isla markaana ay isla garteen in la taageero Geedi Socodka Nabadda Somalia,

Mar la waydiiyay sida ay suuragal u tahay in IGAD ay wax ka qabato hubka soo galaya Somalia iyadoo la ogyahay in dalalka ku jira Ururka ay qayb ka yihiin wadamadda Somalia hubka soo galiya, waxa uu sheegay in iyadoo ay taasi jirto haddana ay ka codsadeen Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay inay baaris ku sameeyaan Xadgudubyadda Cunaqabataynta Hubka ee Somalia, Wuxuuna sheegay in guddiga Baarista Xadgudbyadda Hubka ee Somalia ay u soo magacaabeen Golaha Ammaanka laga sugayo inay ku dhawaaqeen dalka Somalia Hubka Soo galiyay,

Yuusuf Dheeg waxa uu dhinaca Kale sheegay in 24 bishan uu kaga qayb galayo Tunisia shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta, Wuxuuna sheegay in shirkaasi uu gogol xaar u yaahay shir ay isla dalkaasi ku yeelanayaan 28-ka Bishan Madaxwaynayaasha Dalalka ku jira Jaamacadda Carabta,

Gudoomiyaha degmadda Buula Barde oo walaac ka muujiyay xariga xubnaha ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan,

Cabdi iidoow, Gudoomiyaha Degmadda Buulabarde ee gobalka Hiiraan ayaa cambaareeyay xariga ay Ethiopia ee xubnaha ka tirsan maamulka gobalka hiiraan,

Cabdi Iidoow oo ka hadlayay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Buulabarde waxa uu ku sheegay inay tahay wax laga xumaado in Ethiopia ay dhagaha ka furaysato codsiyadda ay u jeediyeen ee ay kaga dalbanayaan inay sii dayso xubnaha ka tirsan Maamulka Hiiraan, wuxuuna sheegay in Ethiopia ay muddo dheer derisnimo wanaag ku wada noolaayeen laakiin tallaabadda ay ku xirtay xubnaha ka tagay Hiiraan ay horseedi karto inuu xumaado xiriirka labada dhinac,

Cabdi Iidoow waxa uu dhinaca kale xubnaha Maamulka Hiiraan ee ka qayb galaya shirka Kenya ugu baaqay inay cadaadis ku saaraan Ethiopia inay sii dayso xubnaha ku xiran dalkeeda, wuxuuna ku tir tirsiiyay in haddii la aqbali waayo codsigooda ay gabi ahaanba isaga soo baxaan shirka Kenya,

Xasan Cabdulle Qalaad oo ah masuulka ugu sareeya Gobalka Hiiraan ee ka qayb galaya shirka Kenya ayaa sheegay dhawaan in tallaabadda ay Ethiopia ku xirtay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ay tahay mid ay ku sugayso ammaanka gudaha dalkeeda,

Xubnaha Ethiopia u xiran oo aan la ogayn sababta ay u xiran yihiin ayaa waxaa ka mida Guddoomiyihii Degmadda Baladwayne, Aadan Garaaso,

C/qaasim oo ku faanay inay nabad galyo ka jirto Somalia.

Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inaysan ka jiriin Somalia Ammaan darro la buun buunin karo,

C/qaasim oo ka hadlayay maanta xaflad siminaar loogu soo xirayay 7 Danjire oo Somalia u fadhiya dalalka Carabta ayaa sheegay in inkastoo hub fara badan ay yaalaan gudaha Somalia ay haddana yar tahay qatarta hubkaasi, wuxuuna sheegay inay Soomaalidu ka daaleen Dagaalo sokeeye sidaas darteedna ay shacabku masuul ka yihiin Nabadda maanta ay ku taamayaan Shacabka Soomaaliyeed,

C/qaasim waxa uu sheegay in Somalia ay ka dhaceen waxaan ka dhicin caalamka oo uu ku sheegay in Somalia aysan wax dawlad ah lahayn toban sanno, wuxuuse sheegay in markii ugu horaysay ay Carta ku soo dhisteen Dawladda Ku Meel Gaarka Ah, laakiin waxa uu sheegay in dawladoodu ay cadaawad xoogan kala kulantay Ethiopia oo caqabad ku ah nabadda Somalia,

C.qaasim waxa uu sidoo kale fariin gaar ah u dhiibay danjiraha Somalia u fadhiya Sucuuudiga oo uu waydiistay inuu gaarsiiyo Boqortooyadda Sucuudiga inay wax u qabtaan Caruurtii ay xanaanayn jirtay Hay’adda Al-Xaramayn oo ku dac daraysan gudaha Somalia, wuxuuuna waydiistay boqortooyadda inay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan Caruurtaasi.

Safiiraddan siminaarka loo soo xiray oo tiradoodu gaaraysay 7 ayaa waxay wakiilo uga yihiin Somalia qaar ka mida wadamada carabta waxaana intii ay joogeen dalka ay soo booqdeen meelo kala duwan oo ka mida Muqdisho

Aadan Saransoor oo sheegay inay ka tashanayaan cidii badali lahayd Shiiq Aadan Madoobe.

Aadan Saransoor ayaa sheegay inay socdaan la tashiyo ay doonayaan inay ku magacaabaaan Guddoomiye cusub oo uu yeesho Ururka RRA,

Saransoor oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay inay kulamo u socdeen maalmihii la soo dhaafay Xubanaha Golaha dhexe ee Jabhadda RRA, wuxuuna sheegay inay kulamadaasi uga wadatashanayeen sidii loo samayn lahaa hogaan cusub oo uu yeesho Garabka RRA ee hogaamiyo Shiiq Aadan Madoobe oo uu sheegay Saransoor inuu dhamaaday waqtigiisii,

Saransoor waxa uu sheegay in marar badan ay ka dalbadeeen shiiq Aadan Madoobe in la qabto Koongarees si loo doorto Guddoomiye laakiin waxa uu sheegay in dalabkaasi uu ka madax adaygay Shiiq Aadan Madoobe sidaas darteedna waxa uu sheegay in qofkasta uu ka sareeyo sharcigu,

Saransoor waxa uu dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay ciidamada tagay Jawhar oo uu sheegay in meel dhexe lagu weeraray, wuxuuuna sheegay in masuuliyadda khasaarihii halkaasi ka dhashay uu qaadayo Shiiq Aadan Madoobe oo u yeertay,

RRA oo horay u kala jabtay isla markaana ay kala hogaaminayeen Shiiq Aadan Madoobe iyo Shaatigaduud ayaa tan iyo markii ay is khilaafeen Xaabsade iyo Shiiq Aadan Madoobe waxaa soo baxayay ifafaale muujinayay in garab cusub oo RRA ah uu aas aasmayo,

Maraykanka oo sheegay inay aad uga xun yihiin dilkii Shiiq Axmed Yaasiin.

Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii ay Ciidamadda Isreal ku dileen Shiiq Axmed Yaasiin,

Maraykanka waxa uu sheegay inay aad u dhibsadeen tallaabadda ay Isreal ku dishay Shiq Axmed Yaasiin, Waxayna ka codsadeen labada dhinac ee Isreal iyo Falastiin inay ka shaqeeyaan Xasilooni,

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa sheegay in Xamaas ay ka mid ahayd kooxaha argagixisadda sidaas darteedna ay Isreal xaq u leedahay inay is difaacdo,

Hadalka Washington oo ka duwan hadaladii ay caalamka intiisa kale ka soo saareen Dilka Shiiq Axmed Yaasiin ayaa aad u hooseeya marka loo eego sida ay ka filayeen Dunida Carabtu,

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Jack Straw ayaa shalay hadal uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay tallaabada ay Isreal ku dishay SHIiq Axmed Yaasiin, waxa uuna sheegay inaysan ahayn wax lagu faani karo dilka Wadaad curyaan ah,

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa isna codkiisa ku biiriyay dhinacyadda cambaareeyay dilka Shiiq Axmed Yaasiin, waxa uuna ku tilmaamay weerar nacasnimo oo ka baxsan bini’aaadanimadda,

Dunidda carabta ayaa iyaguna si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, waxayna ku tilmaameen fal waxashnimo ah, iyadoo Masarna ay baajisay wafdi ka socda Isreal oo imaan lahaa dalkeeda,

Dilka Shiiq Axmed Yaasiin ayaa waxaa laga yaabaa inuu qal qal wayn galiyo degenaanshaha Gobalka Bariga dhexe,

Qaraxyo Ka dhacay Ciraaq,

Qaraxyo kala duwan ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay meelo kala duwan oo ka mida Dalka Ciraaq,

Qaraxyadan oo badankood ay ka dhaceen Magaalooyinka Basra iyo Baghdad ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen kuwo xoogan oo gilgilay Magaalooyinkaasi,

Magaaladda Basra, qaraxyada ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen 14 askari oo Maraykan ah, Waxaana la sheegay in saddex ka mida askartaasi ay xaaladoodu aad u liidato, sida laga soo xigtay Ciidamadda Ingiriiska, iyadoo sidoo kalana qaraxyadaasi ay qasaaro xoogan ka soo gaareen dad rayid ah oo ka ag dhawaa ciidamadda Ingiriiska,

Ma cadda qaraxyadan inay daba joogaan digniintii ka soo baxday Kooxaha Muqaawimadda iyo Al-Qaacidda, laakiin waxay u muuqdaan qaraxyo xiriirsan oo lala beegsanayo Bartilmaameedyo gaar ah,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com , garyare20@yahoo.com
Muqdisho, Soomaaliya

Wariye Booqday tuulada Dagaalku aafeeyay ee Xeraale ee Gobalka Galgaduud
magaalada guryaheedii boqolkii 60 waxay la simantahay dhulka, barkado badanna sidoo kale waxay ku dumeen hubkii cuslaa ee lagu dagaalamay, Guji.. Maarso 23

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD