SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 23, 2004

Wariye Booqday tuulada Dagaalku aafeeyay ee Xeraale Gobalka Galgaduud

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Waxaa markii u horaysay booqday Tuulada Xeraale Wariye madax banaan oo fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan laguna magacaabo Sabriye Xuseen Daahir.Waxuuna ka waramay waxuu kusoo arkay degaanka Xeraale oo 16kii bilood oo udambeeyay ay ka dhacayeen dagaal lagu riiqday oo galaaftay Dad aad ufaro badan,hanti badanna ku luntay.

Sabriye waxuu hadalkiisa ku bilaabay isagoo hadda ku soo noqday degmada Guriceel,waxuuna yiri:

Markii aanu tagnay Xeraale waxaanu ugu harayntii ku aragnay burbur wayn oo magaalada guryaheedii boqolkii 60 waxay la simantahay dhulka, barkado badanna sidoo kale waxay ku dumeen hubkii cuslaa ee lagu dagaalamay, waxay ishaadu qabanaysaa darxumo soo wajahday dadka deegaanka oo ay iskugu darsantay Col joogta iyo xilli kulul oo abaara, dadka maatada ah sida caruurta iyo dadka waayeelka ah ayaa waxaa ka muuqata diif iyo nafaqo daro, mana jiraan ilaa iyo immika wax mucaawino ah oo lala soo gaaray dadkaas ay darxumadu ku habsatay.

Waxaan la kulanay ayuu yiri wariyuhu dad culumo u badan oo isku xilqaamay sidii loo asturi lahaa maydad badan oo daadsanaa kuwaas oo ku dhintay dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca aaggaas bishan 18keedii kuwaas oo dhexmaray Reer Xeraale iyo beel fadhigeedu yahay Caabudwaaq, waxaa lagu qiyaasay buu yiri dadka ku dhintay dagaalkaas labada dhinac ilaa iyo 108 qof tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacantay iyadoo dhaawacyada la kala geeyay magaalooyinka Galkacyo iyo Muqdisho, waxaa sababta u ah dhiiladaas soo noqnoqonaysa ayaa dadka ka madaxbanaan labadaas beelood ee dagaalamaysa waxay ku sheegeen inay dagaalkaasi asalkiisu ka bilaabantay aano qabiil oo rag lakala dilay salka ku hayso.

Labada beelood oo dirirtaani dhexmarayso ayaa ahaa dad waligood wada deganaa iskuna dhexjiray dhul iyo deegaanna uu ka dhexeeyo sida taariikhada lagu hayana ahaa beelo aan waligood is qoonsan kuwaasoo kuwada noolaa derisnimo iyo wada dhalasho teedsanaa ilaa iyo gudaha Itobiya,balse markii dagaalku dhexmaray ayaa la kala gurtay oo qolo waliba meeshii ay ubadnayd u guratay.

Waxgarad iyo culmaa'udiin aan ka waraystay ayuu yiri wariyuhu,waxay ii sheegeen in Dagaalkani uu uga gedisanyahay dagaalada kale ay tahay iyadoo ayan beesha Caabudwaaq garowsan nabadda loogu yaboohayo oo tiraba in ka badan 10 jeer gogol la fidiyay ay diideen, waxaana ilaa iyo immika muuqan cid isku xilqaantay sidii looga hortagi lahaa dagaal kale oo dhaca kaasoo galaafanaya dad badan waayo waxaa meesha ka muuqata in labada beelood ay si wayn u hubaysan yihiin .

Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD