SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 25, 2004
Gobolka Bari VS Mudug, Nugaal, iyo Puntland
Dr. Saeed Nur “Dishishe”
sacnur@hotmail.com

Asalaamu Claykum Waraxmatulaaahi Wabarakaad, Salaan kadin waxaan u sheegayaa u mada Somaliyeed meelkasta ey joogto inay is ka qabtaan qab-qab layaash ay ku tilmaameen inay yihiin dad u dagalamayo qabiil kooda ama wax u qabanaya qabiil kooda qaasatan kuwa is ku sheegaya in iyaga ladoorto moo yee qaran dhismikarin oo ugu hore yaan askartan wax dishay iyo qaar isku sheegayo inay yihiin Garaad, Islaan Ugaas, Beldajiye, Caaqil, Suldaan, Malaaq IWM. Oo noqday caado qaatayaal shilinka sii sanaya dadka ay hor boodayaan oo u malaynaya inaan lala hadlikarin maxaa yeelay waa kaabo qabiil waxaas iyo wax kabadan baa qaribay wadanka maxaa yeelay waligay ma arag nin isku sheegaya inuu qabiil matalo hadana raacayo dad dad diliya oo dhahayo isku figrad baanahay ama isku reer baan ka soo jeednaa, taasoo ahaan jirtay wax xun ayaa dadka qaarkii waxay kadigteen wax fiican inbadan oo dadka wax ku qora Internatka ayaan isku dayey inaan aqriyo dhawr qoraal oo kaladuwan waxaa ii cadaatay in nikasta jecelyahay xumaanta oo aan arki waayey nin jecel dhul kiisa uu kayimid oo ah halka ay Reer kiisu dagaan waxaan inbadan u fiirsalay dhankaas iyo Bari waxaan arkay dad badan oo dhahay waa meel fiican, ma arag wax fiican ay sheegayaan maxaa yeelay haddii aad fiiriso Bosaaso waxa haysta dad kayimid gobolada kale oo u aabayeelay wax kasta maxaa yeelay uma dhalan meeshaas waxay rabaan bay kasameeyaan wali ma arag nin dhulkiisa loogu yimid oon hadana maamulankarin qaar baa ku doodad qabiil kayga baa wax kadegan yihiin asagoo kayimid Mudug, Nugaal wax lalayaabo soo mahan in nin dagan magaaladiisa uu maamulo nin kayimid Gobolaadan aan soo sheegay oo hadana indho adeeg raba in loo dheebo Booliska, Airpordka, Dakada, Doolada hoose IWM.

Baltag adiga oo raba inaad maamul ka qabatid Mudug ama Nugaal ama wax Business aha ka samaysatid waxaan u sheegayaa kuwa dhahayo qabiil baan wadagnaa kuwa halkaas dagan inay ku dilaan mooye waxaad kasamaysatid iskadaa waxaan lahadlayaa Dadka dagan Gobolaka Bari hakacaan oo Gobolkooda ha maamushaan oo haska eryaan dadka isku sheegaya Ugaas, Boqor, beldajiye, Suldaan, IWM maxaayeelay waa caado qaatayaal oon waxba ogay oo kumiga uu siiyo qofka kale uun og oo hadiyo jeer dhaha marabno dagaal wardadka iska soo galaya oo raba inay wixiina uu Ilaahay idin siiyaye haday ahaan lahay Bada ama Bari oo raba inay wax walba qaataan ha ugu Aaba yeelina doolad ku sheega oo iska dhiciya magaaladiina idika ayeey idiin bahantahay uma baahna dad meelkale kayimid haddii aad awood lahayn ceeb maahan inaad hadasho ama wax uun sameeso kolay ay noqoto inaad habeen ban in aad kuwo mirataan si lookala baxo oo dadka yimid meesha ay kayimaaden iyo doowlada keentay ha celiso maxaad u baqaysaan koly maraad dhimanaysaa magac iyo sharaf baa laga xigaa ma waxaad sugaysaa nin kayimid Mudug ama Nugaal inuu wax kuu sameeyo oo ku yiraahdo iskuqabiil baanahay iyo fulaan .

Waxaan layaaba Aduunka lama sheegin nin kayimid magaalo uun udhalan hadana raba inuu wax ka noqdo kahor dadka kayimid Mudug ama Nugaal oo intay iska yimaadan dadka boobaya oo dhahayo maamulku sheega ninka u madaxda ah baan is xignaa waatan ay hada kawadaan Sool iyo Sanaag ay afduubeen dad kayimid ladadaas Gobol waxay u yimaadeen bililiqo waa waxay ku sameeyeen Kismaanyo ilaa lagasoo saaray. Waxay kudoodayaan meelkasta anagaa iskale Sool iyo Sanaag Puntland bay katirsan tahay ma garanayaan Puntland Dad badan waxa loo sameeyeye Puntland qof kasta aad waydiiso waxa uu ku leeyahay waa Daarod waa been Puntland waxa sameeyey Mudug iyo Nugal daka u dhashay inay wax ku dhacaan magacaas.

Majirto qabiil lagalatashaday iyo Garaad, Islaan Ugaas, Beldajiye, Caaqil, Suldaan, Malaaq IWM. Mana rabaan inay dadka lasoofaristaan haddii lafahmay, wariskadaaya dooladnimada aad ku waalateen dadka golodooda haddii aatimaado u imow siwanaagsan ma ahan inaad dadka dhacdaan. Hada shirka kasocda Kenya oo tuugada oo dhan shirayso waalala fahmay waxayrabaan, meesha ayna joogin balaayey ka sheegaan iyo wax xun bal hatagaan Waqoyi ama Kismaanyo nin walba waa yaqaan sadkii meeshaad seexato habeen malahid waxaad leedahay meesha uu Aabahaa kayimid lakiin meelaad timid shalay ama awoowgaa yimid isaga oon waxba haysan hasheegan oo waa nin lasooray oo magan ahaan jiray waa ceeb inaad sheegato meelaad magan kutahay ama ku ahaanjirtay inaad tiraahdo anigaa iskale.

Waa layaqaan Somalida iyo Qabiil walba meesha uu dago waxay Somaliya ladigi la dahy waa sidaas oo kale kuwo mudug kayimid baa Moqdishu sheeganaya oo dhahaya waa in wax laigu siiyo xukun ma arag nin meel uu u dhalan ku gorgortamaya fiiriya dadka meesha fadhya Kenya qof walba waa amakaag sanyahay maxaa yeelay Somalidu ma rabaan runta oo waxay rabaan waxa uuu qabiilkiisa u sheegay oo kaliya.

Dadka raba inay matalaan meel ay xoog ku heestan siday rabaan inay Qaran ku dhisaan. Waxaan inta badan is waydiiyaa dadka dhahaya shirbaa socda ma dad walan miyaa mise waa dad fiyow shirka aad sheegaysaan anigu magaranayo maxaa yeelay meel ay fadhiyaan tuugo yo jaahil qofkuu doono ha ahaadee inaad tiraahdo shirkaas ayaan ayid sanahay waa waxa lalayaabo maxaa yeelay adigoo dad soo dhacay haddii aad ku doodaysid waa laidhacay marka waxaad soo dhacday uma jeedid miyaa waxa lagaa dhacay baad u jeedaa.

Waxaan wali arag dadka aqoon yahanada oo shiraya maxaa yeelay waxbay kaa dhaysanayaan ama kugu darayaan laakiin tuug ama jaahil haddii aan ku timaano siyaasi waa aduunyo gadoon waxaan raadinayno. Siyaasada waa labartaa oo Jaamacad baa loo gala ee maahan bililiqaan aqaan siyaasi baan ahay. Waxaan maqlay maalin dhaway habar ka timid Mudug inay rabto dhul ku yaal magaalada Bosaaso inay bililiqo ku qaadato dhul uu nin leeyaha awoow ka awoow dadka Mudug ka yimid miyey waasheen waxaan wax kabadanee, dadkii bay ku qabsanayaan Business ay leeyihiin wax baan ku leeyahay isaga oon waxba kulahayn. Marka isku soo doob qofwalbow agoow inaadan ku waaray waxaad rabto inaad dhacdo ama aad dhacday.

Dr. Saeed Nur “Dishishe”
sacnur@hotmail.com

Qoraalkii hore ee Dr. Saeed Nur... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

 
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
Qormadan waxaan kusoo bandhigayaa qodobo haddii la raaco ay qoraalada, wararka iyo faallooyinku noqonayaan kuwo xiisa u yeelan kara akhristaha. Waana kuwan qodobada aan kusoo ururiyey nuxurka qoraalka: Guji...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD