SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

March 26, 2004  

HAMBALYO SHAHIID SH. AHMED YAASIIN

Sh. Xasan Jaamici  
xasanjaamici@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA

Waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa Sh. Ahmed Yaasiin oo ku guuleystay darajadii shahiidnimada inshaa Allah.  Sh. Ahmed wuxuu ahaa aasaasaha ururka Xamaas ee mujaahidiinta u dagaalama xoreynta Masjidka xurmada leh ee 3aad ee Al-aqsaa iyo dhulka Falastiin ee ku wareegsan masjidka.  Subaxnimadii Isniinta salaadda subax ka dib ayaa Sh. Ahmed Yaasiin lagu weeraray diyaaradaha ay Maraykanku siiyeen cidamada dowladda Israel, weliba isagoo salaadda subax jameecad ku soo tukaday carabkiisana ka qoyan xuska Ilaahey. Duulaankaasi waxaa si toos ah u hagayey madaxa dowladda argagaxisada Israel  ama argagixiyaha Sharon (Terrorist).  Sh. Ahmed Yasiin ma ahan Mujaahidkii ugu horeyey ee argagixisada Israel ay toogtaan.  Argagixisada  Israel waxay horey u toogteen halgamayaasha xoreynta Falastiin iyo  masjidka Al-Aqsa:

Sheik Ahmed Yassin

1.     -February 1973: cidamada Komandooska argagixisada Israel oo uu ka mid ahaa Ehud Barak(ra’iisal wasaarihii hore ee Israel) waxay ku soo xadgudbeen badda Beyruut ee Lubnaan, halkaasoo ay ku dileen sedex ka mid ah  madaxda sar sare Ururka PLO ee Yasir Carafat.

2.     January 1979:  Jawaasiista  dowladda Israel waxay bombo ku qarxiyeen oo ay dileen Ali Hassan Salameh.  Waxay halgamaagaasi sidoo kale ku dileen Beyruut, Lubnaan.

3.     April 1988:  Sidoo kale Jawaasiist dowladda Israel waxay toogteen Khalid Al-Wasiir(Abu Jihad) oo ahaa ku xigeenka Yasir Carafaat iyo madax howlaha ka socday West Bank.

4.     February 1992: Waxay dowladda Israel Helicopter ku dileen Sheikh Abbas  Musawi oo ahaa hogaamiyaha Xisbullaahi ee ay ku dileen Koofurta Lubnaan.

5.     October 1995: Waxay Israel dileen hogaamiye Fathi Shakaki ee Ururka Aljihaad ee Falastiin.

6.     January 1996: Waxay dileen Mujaahid Yahya Ayaash.

7.     January 2002: Waxay dileen Raeed Karmi oo ka mid ah shuhadada Al-aqsa.

8.     July 2002: Waxay dileen shahiid Sh. Salah Shaxaadah iyo 14 la socotay iyadoo loo adeegsaday diyaarad.

9.     March 2003:  Waxay weerar diyaarad ku dileen Mujaahid Ibraahim Makadmeh oo ka mid ahaa madaxda sar sare ee Xamaas.

10. August 2003: Waxay dileen 3 ka mid ah Xamaas oo ka mid ahaa hogaamiyaha sare Shahiid Ismaaeel Abu Shanaab iyo laba ilaaliyayaashiisa ka mid ah.  Waxaana lagu dilay weerar diyaaradeed.

11. August 2003: Waxay dileen Afar dhalinyaro ee ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee Xamaas.

12. February 7, 2004: Waxay dileen 5 Falstiiniyiin oo uu ku jiro will 12 jir ah iyagoo isticmaalayo diyaaradaha dagaalka.

13. March 3,2003  Waxay gantaal ku dileen 3 Xamaas oo gaarigooda saaran.

14. March 22,2004, waxay gantaalada diyaaradaha laga soo rido ay ku toogteen Sheikhul Mujaahidiin Sh. Axmed Yaasiin, Ilaahey ha ka aqbalo jihaadkiisa.

Sh. Yusuf Al-qaradawi wuxuu sheekha ku magacaabay sheikha mujaahiddiinta casrigan iyo sheikha kacdoonka xoreynta masjidka Al-aqsa iyo Falastiin.

Sh. Muhammad Abul Heytham wuxuu sheikh Ahmed Yaasiin ku magacaabay nin ummad dhan ah.

Sh. Hamid Al-Cula wuxuu sheikha ku magacaabay kii fadliga Falastiin isku qaatay.

Taariikhda madaw ee Israel ee la xiriirta toogashada ama weerarada xoriyadoonka Falastiin waxaan ka soo guuriyey  hay’adda wararka ee Associated Press.

Waxaa maqaalka diyaariyey
Sh. Xasan Jaamici  
xasanjaamici@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004 
 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD