Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, 
       Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa!!!
       Tan iyo markii ay dheceen dagaallada 
       sokeeye waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay waxyaabo la yaab leh, waxaana 
       waxyaabahaasi la yaabka leh ka mid ah in magaallada Muqdisho uu ku nool 
       yahay nin ku qadeeya Qaadka, ku casheeya Ciidda, Oolyadana ku qubeysta!!.
       
         
           |  Xasan Shakuur Abeyle (Madhoodhow): 
           “Waxaan ka cabsanayaa in aan daxalaysto ama aan miriro”
 | 
       
       Arrintan dadka qaarkii aad bay ula 
       yaabayaan, balse dadweynaha magaallada Muqdisho la yaabi maayaan, waayo 
       muddo 14-sano ah ayay arkayeen waxyaabo kuwaa ka sii yaab badan, waxa ay 
       ahayd waqtigii aan bartay sanadihii 80-meeyadii, wuxuu waqtigaasi ahaa 
       Askari u shaqeynayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybta 21-aad, 
       wuxuuna ahaa Cunto Kariye (Cook) u shaqeynayay taliyihii ciidammada 
       qaybtaasi General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxa uu ahaa nin aad u 
       fir-fircoonaa, balse dadweynaha deegaanka ayaa si aad ah ula yaabay 
       ninkaasi fir-fircoonidiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo, waxayna markiiba u 
       bixiyeen (Madhoodhow). 
       Magaciisa saxda ah waa Xasan Shakuur 
       Abeyle, waxa uu ahaa nin aad u xarago badnaa waqtigaasi, dadkana ka 
       qoslin jirey, waxa uu ahaa nin kaftan badan, si aad ahna looga jeclaa 
       magaallada Dhuuso-mareeb oo xarun u ahayd qaybta 21-aad ee ciidammadii 
       xoogga dalka, mararka qaarkoodna waxa uu ciyaari jirey ciyaarta 
       Basket-ka, isagoo ku ciyaari jirey xirfad aad u sarreysa, waxaa u soo 
       daawasho tagi jirey dadweyne aad u fara badan, waayo waxa ay wada ciyaari 
       jireen General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo waqtigaasi aad u jeclaa 
       ciyaarta Kubadda Koleyga.
       Markii ay dheceen dagaalladii sokeeye, 
       Madhoodhow waxa uu ka mid ahaa dadkii ka soo qaxay magaallada 
       Dhuuso-mareeb, waxa uu soo gaaray magaallada Muqdisho, wuxuuna 
       farsamo-yaqaan u noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha ee 
       magaallada Muqdisho, kaddib xoogaa waxaa yara laga galay maskaxda, dadka 
       qaarkii waxa ay yiraahdaan waa la sixray, subixii marka uu soo tooso waxa 
       uu ku qubeystaa Oolyada oo ma dhaafo meel ay Olyo taallo, duhurkii marka 
       la gaaro ayuu aad u cunaa Qaadka, waxaana Qaadka siiya haweenka qaadka ku 
       gada "Black Sea" ee jidka Soddonka, maalmahaan dambe waxa uu 
       keenay in uu cuno ciidda, jeebabkana ka buuxsado, taas oo ay aad u la 
       yaabeen dadweynaha, mararka qaar waxa aad is leedahay maskaxdiisu waa ay 
       dhameystiran tahay, wuxuuna ku weydiisanayaa wax alla iyo wixii uu jecel 
       yahay, ha noqdaan raashin ama arad tir.
       Mar aan dhowaan wareystay oo aa wax ka 
       weydiiyey sababaha uu ugu qubeysto Oolyada, isagoo qoslaya ayuu 
       Madhoodhow ku jawaabay “Waxaan ka cabsanayaa in aan daxalaysto ama aan 
       miriro”.
       Dhowaan ayaa koox dhallinyaro ah inta ay 
       qabteen Madhoodhow ayay gaari saarteen, dhowr saacadood ayay la 
       maqnaayeen, waxa ay ku soo celiyeen halkii laga yaqaannay ee Black Sea 
       illaa Al-Baraka isagoo aad u xaragoonaya, watana labis aad u bilicsan, 
       dadkii deegaanka aad ayay ula yaabeen, waxay yiraahdeen “War ninkan 
       Madhoodhow maaha oo waa nin kale”, qof walba markii uu ku soo dhowaado 
       ayuu yiraahdaa “ALLA!!!, waa Madhoodhow”, saacado kaddib ayaa ninkii 
       xaragoonayay waxaa la arkay isagoo Oolyo ku dhex jira, ciiddana cunaya.
       Madhoodhow isagoo mar walba qashinka, 
       Oolyada, Ciidda iyo qaadka joogto u isticmaala ayaa haddana waxa uu ka 
       caafimaad badan yahay dadka qaarkii!, dadka qaarkiina waxa ay ku 
       tilmaamaan in uu yahay nin aysanba kareyn cimillada magaallada Muqdisho 
       oo mararka qaarkood gaarta illaa 45oC, mar walbana waa dhar la’aan, 
       habeenkiina waxa uu seexdaa meelaha Kabarrada ah, isagoo iska eegaya 
       dadka, gaar ahaan dhallinyarada oo mararka qaarkood aad u rabsheeya, 
       mararka qaarkoodna waxa uu lugeeyaa illaa meeshuu doono, waxaad arkeysaa 
       mararka qaar isagoo jooga deegaanka Madiina, mararka qaarna isagoo ku 
       sugan Siinaay iyo agagaarkeeda, balse fadhigiisa rasmiga ah waa inta u 
       dhexeysa Baar Ubax illaa Al-Baraka.
       Amiin Yuusuf Khasaaro
       E-mail: 
       
       amiinkhasaaro@hotmail.com
        Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004 
   
   
    
 
       
       
       
   
   XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO