SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

March 8, 2004  

Guddoomiyaha Xisbiga DDP oo Shir Kuqabtay Minneapolis


Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow": Ina Riyaalow Boqor lama Xirto ee iska soo daa Boqor Buur madow"

Guddoomiyaha xisbiga DDP, Maxamed Xasan Maxamud oo loo yaqaan "Abgaalow", ayaa toddobaadkii hore shir ku qabtay hoteelka Holiday Inn ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA. Shirkaas oo uu u qabtay jaaliyadda Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ee St.Paul/Minneapolis.

Shirkaas oo dadweyne badani kasoo qayb galeen waxa uu ahaa xog waraysi jaaliyadda qurbaha iyo warbixin ururka DDP.

Maxamed Xasan waxa uu magcaabay guddoomi ku xigeenka ururka DDP oo ah: Eng. C/naasir Axmed iyo Axmed Xaji Maxamed seefle oo uu ku magcaabay xoghayaha guud ee ururka iyo afhayeenka ururka.

Waxa kale oo uu magcaabay Asad caddaani oo noqon doona agaasimaha guud ee xafiisyada ururka ee gobolada Puntland.

Dhanka kale waxa uu Maxamed Xasan tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii Shiikh Yoonis Aadan Ducaale oo bolowgii toddobaadkii tegey ku geeriyoodey Buuhoodle.

Ugu dambayntii waxa uu Maxamed Xasan cabaarayn usoo jeedinayaa maamulka Daahir Riyaale oo uu ku tilmaamay in uu shacab reer Togdheer ah laayey. Waxa kale oo uu yiri: Boqor la xirto ee ina Riyaalow iska soo daa Boqor Buur Madow.

Maxamed Xasan Maxamud waxaa lagala xiriiri karaa Emailka: abgaalow56@hotmail.com

Urur Siyaasi ah oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood Guji....

Warsaxaafadeed: Ururka DDP Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]