SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 24, 2004  

“Yaan dadka ajnabigaa dugsasho iyo dil la isugu darin”

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waxaa kaftan lagu sheegaa in oday Soomaaliyeed uu soo qaatay baasaboor nin il la’ kaddibna uu ka degay garoon kuyaal waddan Carbeed. Odaygii markuu ku soo dhowaaday kaddinkii ay joogeen waaxda socdaalku buu isku qabsaday il aan ahayn tii qofka baasaboorka lahaa uu la’aa. Markii nin ka socda waaxda socdaalku weydiiyey isha uu odaygu la’yahay baa odaygii gartay inuu mid khalad ah isku qabtay dabadeedna inta hiih yiri oo tuu isku qabtay kala furay buu middii kale isku qabtay, ninkii oo hor taagan! Ninka Carbeed lugtuu ku raftay dabadeena odaygii buu ku yiri war Soomaali baad tahay oo indha-adaygiinna waan aqaane waxaan u yeerayaa saaxiibayda kalee (kuwa waaxda socdaalka kala shaqeeya) ee ku soo celi waxaad samaysay waan iska kaa siidaynaynaaye.

Run ahaantii kaftankaas ma baciidsanyo maxaa yeelay mar magaalada Sheekh lagu dilay lammaane British ahaa waxay haweenta “Somaliland” u ah wasiirka arrimaha dibadda sheegtay inay dileen dad ka socda “Puntland”. Kuwo boggagga internetka wax ku soo qoraana waxay dhaheen waxaa dilay ururka Itixaad. Arrintii hadda ugu dambaysay ee lagu dilay haweentii Kenyaatiga ahayd ee u shaqaynaysay GTZ waxaa madaxda “Somaliland” u hadleen sidii markii hore oo kale.

Qof kasta oo Soomaaliya ha ahaado wadaad, waranle, dhallaan ama waayeele waxay jecelyihiin inay waddamadda Galbeedka yimaadaan ilaa in yar oo Ilaahay u naxariistay maahee. Lama yaabayo oo indhowaalaba dadkii Soomaaliyeed iyagaa madaxa isaga taagan oo ciqaab iyo dil iskala daalay marka dadkii naf baa wadda oo waxay leeyihiin Alloow yaa mar arka meel aan xorriyad iskaga martid una seexatid. Ma hay’adaa dhibka nagu wada? Dhibka ugu daran waxaa waday oo haddana wada dadka Soomaaliya horbooda.

Markii Soomaaliya dhib ka dhacdo waxaad dadweyne badan iyo dagaal-oogayaasha ka maqlaysaa iyagoo qaylo-dhaan ku leh: caalamku hanoo soo gurmado oo dhibka hanaga saaro iyagoo xitaa ilooba Ilaahoodii abuuray. Hadday arrintu sidaas tahay maxaan dadka ajnabigaa oo ku doodaya inay na caawinayaan u dilaynaa?

Tusaale ahaan ciidamadii Soomaaliya soo galay dabayaaqadii 1992-dii oo Maraykanku hogaaminayey dad badan baa ka faa’iiday sidoo kalana dad badan bay dhibi kasoo gaartay. Reer Baydhabo oo danyar ahaa waa ka faa’iideen. Reer Baydhabo waxay ahayd inay gartaan inay Ilaahay u mahadceliyaan ilayn Isagaa ciidankaas u soo diree. Ilaahay cidduu rabuu kugu noolayn karaa. Qofkii aan taas fahmaynoow garo in dad gaaraya malyan Soomaali ahi ay marti u yihiin waddamada Galbeedka. Kii aan shaqayn waxaa lacag cunto siiya, kirada gurigana ka bixiya hay’adaha qaabilsan. Ilaah baan ku mahadinaynaa marka hore. Marka xigta wanaag baan ugu haynaa dadka annaga oo Soomaali kale kasoo qaxnay na soo dhaweeyey. Annaguna waxaan rajaynayaa inaan martigelinno haddii cid naga dhaqaale iyo nabadgelyo liidataa na soo martido waa haddii aan meeshaan naalno iska qaadno. Laakiin marna qof aan iimmaan lahayn ma dhihi kartid waa muslim ama mu’min. Maraykanku dad badan bay Soomaaliya ku laayeen laakiin waxaa la oran karaa waa dhibaato lagu ciqaabayey dagaal-oogahaas waxaanna meeshii ku dhintay dadweyne rayad ah oon wax galabsan oo carruur iyo haweenba ka buuxaan. Sida Ilaah noo sheegay marka fidnadu dhacdo oo dadku kaalintooda gabo waxay galaafataa dadkoo dhan. Waxaa dhici karta inuusan Maraykanku markaas caawin kaliya u soconne uu dano kale watay laakiin Ilaah mar kasta danta dadkuu wadaa haddaynaan diidin.

Horta dhiigga dadka binu Aadamkaa, qof kastaa iskama daadin karo. Sida loo daadsho iyo cidda daadisa Ilaah baa sheegay waa haddaan muslim nahay. Dadkii aan muslim ahayna xeerar ay iyagu degsadeen bay samaysteen. Ma garanayo waxa lagu bannaystay dhiigga kumaankun Soomaali ah iyo qof qof ajnabi ah. Horta hadda dhiigga qofka Soomaaligaa qiimo ma lehee maxaa shisheeyaha Soomaaliya jooga lagu galay? Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed usoo jeedinayaa talooyinkan:

1. Sidaan horay u sheegnay dhibka intiisa badan annagaa isu keensannay markaan dariiqii saxdaahaa ka leexannay marka haddii abaaro, colaad iyo masiibo kalaba nagu dhacaan waa inaan dhahno shisheeye ma rabno iyo hay’ad noo soo gurmada. Marka qofkii shisheeye ah oon loo yeeran, wixii ku dhaca isagaa ka mas’uul ah. Waa sida loo dhaho bannaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado.

2. Inaan dhahno maanta adduunkii sidii hore maahan oo muslim iyo gaalo dan baa isaga xiran marka waa in wax lakala saxiixdaa. Tusaale ahaan hay’addii noogu timaadda inay caafimaadka wax ka qabato ama qofkii shisheeye ah oo dhaha dhaqtar baan ahay waa inuu howshiisa ku ekaadaa laakiin hadduu yiraahdo arrin kalaan faraha la gelin sida isagoo siyaasad ama arrimo kale gala waa in la yiraahdo sidaas iskumaynaan ogayn ee raali naga ahoow ee nooga tag dhulkayaga.

3. Horta hay’ad kasta dan bay leedahay. Mid fiican ama mid xun. Tusaale ahaan waxaa jira hay’ado shisheeye dheh Jarmal oo xarumo ku leh Kenya sida mid loo soo gaabsho “DAAD” waxay ardada qaxootigaa ooy Soomaali ku jirto ka caawisaa inay bartaan Sayniska waliba waxay jecelyihiin inaad takhasus samayso sida MSc ama PhD. Mid kaloo waxaa jirta la yiraahdo “AREP” oo Jarmalku gacanta ku hayo oo isla Kenya ka furan oo sidoo kale ardada qaxootigaa waxbarashada ka caawisa. Hay’adahaasi diintaada shuqul kuma leh ee adigu wax baro oo waxaad rabto aamin weeye. Sidoo kale hay’addaas GTZ ee haweenta Kenyaatigaa laga dilay waxay ka mid tahay hay’adaha ugu waxqabasho badan dunida seddexaad. Jarmalku wuxuu ka mid yahay waddamada aan siyaasad aad ah ka lahayn Afrika, waxyaalo la taaban karo oo muhiim ahna u qabta.

4. Waxaa jira dad hay’ado u shaqeeya oo diin kiristaan faafiya. Maxaa nagala gudboon? Horta intaanan ka jawaabin waxaan xusayaa dadka diinta faafinaya waa labo qaybood. Haddaad rabtid inaad labada qaybood kala ogaatid, dhadhanso macnaha aayadda ugu dambaysa Suurat Al-Faatixa oo intaas oo jeer akhrino maalintii. Marka qof dhunsan oo u qaba inaan cadaab ku soconno oo noogu yimid inuu iftiin noo saaro, ma ahan inaan dilno. In badan waxay xisaabsanayaan ajarka muslimiintu xisaabsadaan marka Ilaahay qof sababtood ku soo hanuuniyo. Waxaan nasiib ku yeelannay waxaa noo warramay “Khabiir” waa Allaah. Marka waa in dadkaas u qaba inay na badbaadinayaan aan annagu badbaadino. Waa in loo sheego annagu muslimiin baan nahay, nabiyadii oo dhan iyo kutubtii saxda ahayd oo dhan baan aamminsannahay waana idin ka saxsannahay oo idin ka horraynaa ee na daaya. Qolo kale Caradii Ilaah baa ku dhacay. Iyagu hadday rabaan waxay sheegtaan inay masiixiyiin yihiin laakiin waa dad raba inay muslimiintana lunshaan, kiristaankana meeshooda ku hayaan. Qolyahan Caradu ku dhacday way ogyihiin in Islaamku xaq yahay, waxaan kiristaanku aamminsanyihiin sida in Ciise (CS) uu ilaah yahay ama ina ilaah yahayna waa ogyihiin inaan wax ka jirin. Marka qolyan Caradu ku dhacday laftoodu waxay u baahanyihiin in xaqa loo sheego laakiin iyagu xaqiiqda waa ogyihiin laakiin ugu yaraan waxay kuu qirayaan inaad tahay qof muslim ah oo mabda’ leh marka haba kula dagaaleenne wey ku tixgelin. Hadday diidaan oo ay diirada saaraan dadka tabarta daran, xanuunsan ama carruurtaa maxaa la samayn? Horta haddii dastuurka “Somaliland” iyo kan hadda Kenya lagu qorayba uu ku jiro qodob ah in qofku diintuu rabo qaadan karo oo wuxuu rabo samayn karo waxaan filayaa inaan hay’adahaas af lagu lahayn ilayn qayb dadka ka mid ah ayaa dhihi karta annagay wax na barayaan ee noo daaya dadka masiixiyadda faafinaya laakiin haddii dadku rabo inay Islaamnimadooda ku socdaan oo qodob saas dhigaya uusan jirin kadibna dad hay’ado u shaqeeyaa nagu khaldamaan maxaan samaynaynaa? Horta qof shakhsi ah cidna ma dili karo oo dowlad baa arrimaha noocaas ah fulin karta. Maaddaama hadda Soomaaliya dowlad ka jirin, meel kasta qolaa horboodda marka qolyahaas iyo odayo-dhaqameedyada halooga dacwoodo oo hala yiraahdo dadkaas shisheeyahaa dhibtaas bay nagu wadaan ee nala arka oo wax ka qabta. Haddii dadka wax maamulaa wax ka qabanwaayaan arrintaas sideen dhibka ku yaraynaa? Waxaa fiican in shacabku ay arrinta ka doodaan oo guddi u saaraan dabadeedna guddigii u tago dadkii dhibka waday ooy ku dhahaan annagu hadda ma haysano dowlad na matasha oo danaheena noo ilaalisa marka shacbi ahaan qofyahow shisheeyahaa ka bax waxaad nagu waddid oo nooga tag waddankeenna haddii kale dhibkaas baa ku soo gaaraya. Waxaan idiin ogahay inaysan dadka shisheeyahaa arrintaas dhayalsanayn. Qofka shisheeyahaa wuu fahmayaa dhibka Soomaaliya ka jira, suurtagalna ma ahan inuu arrintaas fududaysto ilayn nin walaalkiis dilaya cid kale kama damqanayee marka xitaa hadduu rabo inuu dhibka sii wado waa inuu arrinta u sheegaa dadka dhulkaas maamula. Soow ma aragtid isla arrintii inay dhinacyo badan yeelatay oo weli laga hadlayo. Waxaan aamminsanahay in haddii waddadaas la qaado xal la helayo. Marka marna meesha kuma jirto in koox ama ashkhaas ay qof iska dilaan. Yaa tahay markaad adigu xukun iska qaadanayso?

5. Kuwa dhaqan xumada wadana waa in sidaas oo kale loo wajahaa.

6. Dowladahaan maanta adduunka horbooda waxay diinta ku qaraabtaan markay dan leeyihiin laakiin waxay dabo ordaan dano. Ma kulatahay haddii diin wax la isugu qabanayo oo waxa afka laga sheego run tahay in Itoobiyaanka kiristaanka ah, kuwa Ruwaanda, Burundi, Kenya, Tansaaniya, Saambiya, Musanbiik, Malaawi ay noloshaas xun ku noolaan lahaayeen? Marka yaan la isku khaldin ashkhaas u qaba inay na badbaadinayaan iyo dowlado dano kale leh. Marka mararka qaarkood diimaha waxaa loo adeegsadaa awr-ku-kacsi.

Sidaan kaftankii ku soo aragnay waxaa la yaab leh sida dagaal-oogayaashu u rabaan inay siyaasadeeyaan dilka ajaanibta sida iyagoo dhaha waxaa dilay reer Puntland ama Koonfur ama Itixaad. Muxuu Itixaadka Koonfur ka yimid u dilayaa haween Kenyaati ah oo Berbera joogta iyadooy Xamar iyo Koonfurta kalaba joogaan shisheeye wax badanna ka badan kan Waqooyi? Waliba waa Koonfur meesha ay suurtogal tahay in inta wax disho aad dhuumato.

Waxaa lagama maarmaan ah in dadka xuquuqda Aadanaha u doodaa ay toosaan oo gartaan in nin hangash ahaa ama askari ama nabad-sugid Soomaaliyeed aan lagu kalsoonaan karin, sidoo kale waxaa caadi ah in inta dad aan degaanka ku badnayn la iska qab-qabto lagu khasbo inay qirtaan dambi aysan gelin. Ma ahan arrin Soomaaliya kaliya ku gooni ah ee waa arrin dunida seddexaad oo Carabuhu ku jiraan sameeyaan. Hadda lafteeda waa in lagu daro Maraykanka maxaa yeelay waxaa dhibaato ka soo yeeraysaa dadka ugu xiran xabsiga ku yaal Kuubba.

Wiilwaal wuxuu yiri maxaa kulmiyey sacii naaso-adag iyo kor u qaylin marka waxaanan fahmin waxa Zenawi, reer Galbeedka qaarkood, qolo sheegata inay diinta Islaamka ugu badshaan (Al-Salafiya Al-Jadiidah) iyo dagaal-ooyaal badan ooy ku jiraan kuwa Somaliland, Puntland iyo qaar Koonfurta joogaa ay hal mar u eedeeyaan dad masaakiin ah oo sheekadoodu taariikh tahay oon hadda jirin sida Itixaad? Kaaga darane qolyahan hadda Itixaad eedaynaya, iyagaa awal kooxdaas ahaa oo wixii qolyahaas kale sameeyeen waa la soo sameeyeen marka maxay hadda ku keeneen inay dacaayadda Zenawi faafiyaan? Mise Soomaalidu isma taqaan?

Indha-adaygii Soomaaliya lagu yiqiin wuxuu u gudbay Maraykan iyo Ingiriis. Wakaas hadda Bush lagu haysto inuu diirada iska saartay Saddam Xuseen oon shuqul ku lahayn Al-Qaacida. Ninkay Maraykanu u haysteen dhibtii ka dhacday dhulkiisa, wali waa noolyahay sida la rumaysan yahay halka ay Ciraaq burburiyeen. Hadda qofkii raba inuu ogaado dadka Soomaaliya dhibka ugu badan sameeya oo dadka dila, deegaankii sumeeyey, badihiii mariyey, dhirtii iyo daaqii gubay, daroogo iyo xashiish beeray, oo nabaddii diiday waa dagaal-oogayaasha. Marka qofkii dad kale iska eedeeya isagoo dad is-tusaya ama dano siyaasadeed ku gaar is lehoow aday ku jirtaa. Waxaan kuwaas ku leeyahay sidii Salaan Carrabay yiri:

· iska hadal aakhirana waa lama huraankiiye.

Waxaan mar kale ku celinayaa inaan dhiigga dadka la iska bannaysan. Xaqa lagu dilo Ilaah baa jideeyey laakiin dowlad buu u xilsaartay marka ma jiro qof ama koox Soomaaliyeed oo dad muslimiin ah ama shisheeyaa iska dili karta. Teeda kale hadday Soomaali is dhamaysay oo naloo arko dad waxuush ah maxaan ka dheefaynaa haddaan sii ballaarinno masaafada dilkeenna oon ku darno ajnabigiina? Waxaan xasuusinayaa dagaal-oogayaasha is leh siyaasad ahaan uga faa’iidaysta in beentii ay horay u sheegeen mucaaradkii Saddaam ay meel xil leh dhigtay Bush iyo Blair mana filayo inay calool kale u hayaan sheeko xariirta ay askarta Somaliland iyo Punland sheegaan.

Xikmad

Haweenay saxaabiyad ah baa Nabiga (SCW) ka dalabtay inuu kala taliyo laba saxaabi oo shukaansada key guursato. Nabigu (SCW) wuxuu kula tashay inaysan labadooda midna guursan maxaa yeelay wuxuu yiri midi usha qarqarkiisa kama dhigo (micnaha waa dil badanyahay oo dumarkuu dilayaa) midna waa faqiir. Soow Ilaah Qur’aanka kuma oran Nabi Muxamed (SCW) waa Raxiim? Wuxuu diidayey inay haweentaasi dayac & dhib mudato. Ma garanaysaan labada saxaabi midkood? Midi wuxuu ahaa Mucaawiyah Binu Abii Sufyaan (RC) waa boqorkii muslimiinta ee caanka ahaa waliba caqliga u saaxiibka ahaa. Nabiga (SCW) iyo Mucaawiye (RC) intee isu jireen? Waxay isugu yimaadaan Cabdi Munaaf oo Nabigu (SCW) seddex oday kaliya ka tirsado. Haweenay kaliya baa loo diiday inay dhibkaas mudato marka haddaan Soomaali nahay sidee ku keennay inaan u olalayno niman wada dilaa ah oo tuugana ku darsaday inay Soomaaliya oo dhan madaxweyne u noqdaan? Waxaa Allaah (SWT) uu noo sheegay inay Nabi Muxamed (SCW) noogu sugantahay ku dayasho wanaagsan. Marka qof dambe oo Soomaali ahoow yaan la arkin adoo nin inkaar qaba taageeraya.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

» Ma Boosaasaad ka timid, ma soo badi baad is tiri [C/Waxid]

 Faafin: SomaliTalk.com 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD