SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

May 20, 2004

Charter schoolkii ugu horeeyay ee N. America oo ay Soomaali maamusho oo si fiican u hirgalay

Abdirashiid Warsame: Maamulaha Iskuulka Charterka


Abdirashiid iyo Helen Fisk oo ah gabadha la maamusha iskuulka iskuulka

C/Waaxid Jaamac: Macallin Iskuulka

Faadumo Caamir: Macalimad Iskuulka

Sanadka markuu ahaa 2003 waxaa magaalada Minneapolis, Minnesota laga furay dugsi waxbarashada America leh laguna salaysiiyay diinta iyo dhaqanka Soomaalida.  Iskuulkaas waxaa la yiraahdaa International Education center waxaana uu u kala baxaa labo qaybood oo kala ah:  Twin cities International Elementary & Minnesota International Middle School.

Waalidiin badan oo ka wel welsanaa hab dhaqanka dugsiyada dadweynaha gaar ahaan ilaalinta akhlaaqda iyo diinta caruurtooda ayuu hoy u noqday dugsigan.  Waxaa kale oo uu iskuulkan nasiib u yeeshay ardayda jaamacadaha oo si mutadawacnimo ah u saacida ardada. 

 
 Inkastoo ay waxbarashada kala mid yihiin hadaanayba ka fiicnayn dugsiyada guud ee dadweynaha haddana waxaad ku arkaysaa wiilasha iyo gabdhaha oo inta badan kala soocay, gabdho xijaaban oo ka shaqaynaya waxaaba intaa ka sii daran aabooyin iyo hooyooyin Soomaaliyeed oo cunto soomaali siinaya ardada iyo inay markasta wax u sheegaan ardada. 
 
Soomaalida Minnesota badankood ayaa aad ugu faraxsan jiritaanka dugsi noocan ah waayo in waalidka uu helaa dugsi dooqiisa ah waa wax aad u fiican oo ay had iyo jeer ku baaqaan mas'uuliyiin badan ee xagga waxbarashada. 
 
Dugsigan oo leh bilow ilaa fasalka sideedaad waxaa dhigta arday gaaraysa 470 inka badan 90% waa Soomaali. inta kale oo soo hartay waxaa u badan Oromo sidaas darteed ayaa iskuulkan loogu yeeraa dugiga Afrikada Bari. 
 
Maamulaha dugsigan Mudane Abdirashiid Warsame oo ah 32 jir markii ay dawladda Soomaaliya bur buraysay waxaa uu ahaa arday dhigta jaamcaddii Soomaaliya.  Waxaana uu ii sheegay inuu dhib la soo maray furitaanka dugsigan -waa dugsi buuxa oo charter ah waxaana laga rabay inuu buuxiyo dhamaan shuruudaha state u degsan furitaanka dugsiyada caruurta wax lagu baro.  Ilaahay mahaddii waa la oofiyay.

Maamule Abdirashiid Warsame waxaa kale oo uu ii sheegay in hadda wax walba caadi u socdaan oo weliba dugsigan natiijadiisa aad loo amaanay iyo in aad la isu qoro sanad walba.

Waxaa mustaqbalka laga rajo qabaa in uu yeesho dugsi sare.  Maamule Abdirashiid waxaa la maamulaa dugsiga Gabadha la yiraahdo  Helen Fisk.  Dugsigan oo habeenkii ay dadwaaweyni wax ku bartaan waxaa uu ku yaalaa cinwaanka:

International Education Center
277 12th Ave North
Minneapolis, MN  55401-1026
Maamule Abdirashiid Warsame waxaa lagala soo xiriir karaa e-mailkan abdiw@tiesmn.org

Maamule Abdirashiid waxaa uu ka mid yahay aqoon yahanada ka hadli doona xafladda Habeenka waxbarashada Soomaaliyeed ee dhacaysa Jimcaha 21ka May 04:00pm -09:00pm
Edison high School
700 22nd Ave NE Minneapolis, Minnesota. 

 
Ninka u qaabilsan Kofi Annan arrimaha soomaaliya oo dugsiga International Education Center booqasho ku iman doona Subaxa Jimcaha ee 21ka May. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed lagu casuumayaa in ay yimaadaan dugsigan maalinta 21ka May 2004.  Waa subaxa Jimcaha saacaddu markay tahay  09:00am - 09:50am.  Waxaa halkaas booqasho ku iman doona wakiilka Kofi Annan ee Soomaaliya Ambassador Winston A. Tubman. 
 
 waxaa la filayaa in uu halkaas ku soo bandhigi doonaa meesha ay marayso xaaladda Soomaaliya gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya oo sanadahanba ka socday Kenya.
Dugsiga International Education Center
277 12th Ave North
Minneapolis, MN 55401-1026
Waxaa uu ka danbeeyaa guriga Minneapolis ee public housingka.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir
Maamule Abdirashiid Warsame 612-821-6470

Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com

Kooxda Eden Prairie

C/Casiis Biixi: Tababaraa Somali Tigers

Kooxda Somali Tigers


Faafin: SomaliTalk May 20, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD