SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IGAD
 

URURKA KOONFURTA SOMALIYA BEESHA MEHERI EE CARAB YAXYESAALAX USC/SNMC 

 

DIGNIIN KU SOCOTA IGAD

 

Waxaan canaan kulul dusha  ka saaraynaa haddii aan nahay beesha koonfurta meheri ee carab yaxyesaalax gudiga dib u heshiisiinta ee IGAD in aay ka noqdaan cadaalad darada aay ku sameeyeen beesha taas oo ah in aay u ogolaadeen labo kursi oo kaliya iyo in aaysan gudbinin liiskii beesha Ugaaskii iyo suldaankiiba oo ilaa iyo hada aaneeyn garaneyn cida gudbisay iyo cida ka danbeeysa liiskii beesha, cid beesha mataleysana aaysan jirin.

 

Khadiijo maxamed diiriye ma aha naag Yahar ah ee waa naag carab yaxyesaalax ee koonfurta soomaaliya {beesha meheri} hooyada dhashayna waa naag Abgaal {daa,uud}ka sii ah, mana garanayno magaca Yahar halka uu ka yimid asalkiisa qofna waxa uusan aheeyn in loogu yeero diiniyan waa xaaraan mana banano taariiq ahaana beesha magacaasi waligood waa aay diidanaayeen in loogu yeero waayo maba garanayaan halka uu ka yimid qofna ma yeelo in loogu yeero waxa uusan aheeyn taasina IGAD ayaan dusha ka saareeynaa, waxaa xusid mudan shirkii carte beesha waxa aay wax ku qeeybsadeen kuna qaateen nasabkooda magacooda saxda ah ee beesha koonfurta somaliya ee meheri  carab yaxyesaalax.

 

Waxaa kaloo xusid mudan in Enginer xuseen ceeydiid farax uu ka mid ahaa ragii u dhabar adeegay shirka ka socday inbagaati mudo labo sanadood uuna tirsanaayo cadaalad daro doonayana in wax la saxo qaladaadkana aay sameeysay gudiga IGAD.

 

Waxaa kaloo xusid mudan in aay jiraan hogaamiyoyaal kale oo tabanaya cadaalad daro iyo hogaamiyo yaal kale oo aanan shirka wali imaanin sababtana aay tahay iyaga oo aan xiriir fiican aay lasameeynin gudiga IGAD hogaamiyoyaalkaasi sidii lagu keeni lahaa shirka si uu qilaafaadku shirku ugu yaraado loona dhiso dowlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay waxaana ka mid ah Muuse suudi yalaxow iyo Jeneral Maxamed saciid xirsi {moorgan} iyo kuwo kale.

 

GABO GABO  

Shacabka soomaaliyeed marka hore illaah ka cabsada waxaad tahiin umad aadan iyo xaawo asalkoodii hore ka yimid oo muslin ah oo haldiin leh hal ilaah leh halmeel salaad u wada dukada ogna in aay qiyaamo jirto cadaabna uu jiro wax idiin dhaamo ma jiro in aad adinka dhaxdiina ka heshiishaan kuna heshiisaan kitaabka allaah iyo sunada Rasuulka CSWS sidaasina aad dhamaantiin janada ku gashaan illaahna oow idiin kaalmeeyo marka aad qaadataan kitaabkiisa  asagana aad isku xukutaan dhaxdiina insha allaah waxa aad helaysaan cadaalada aduunka ugu weeyn aduunka oo dhana wuuw idiin soo raaci doonaa insha allaah laakiin waa marka aad aqbashaan ku dhaqanka kitabka allaah.

 

Gudoomiyaha beesha koonfurta Meheri Carab yaxyesaalax ee USC/SNMC.

Mr. Dr Saciid Xussen haashim.

E-mail Dr_said_25@hotmail.com   Waqtiwalba igala soo xiriir.

 

Waxaa qoraalka nasoo gaarsiiyey: <abdulkaderabdi@hotmail.com>


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2004

TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA [Qaybtii 2aad]
Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 
Shiicadu Shuyuukhdooda jecelaa; Soomaaliduna..... [C/waxid]
GUURTINNIMADA SALEEBAAN: GUNNO XUJEYSAN [Baashe]
Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan.. [Siyaad]
Faalooyinka I Dooro aan ku dilee & I Dooro aan ku dayacee [D/yare]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD