SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay??.

jagne dahir
jagne3@hotmail.com

Waxan maqlaynay waayanaan danbe Warbaahinta Xamar oo weerar xooq leh ku hayaan Moorgan oo sheehayaan in uu Moorgan Jubooyinka soo weeraridoon. Waxaa kale oo aan wali Madaxeena ka bixin Qaabkii xishood darida ahaa ee Talqiinta Qufka dhintay lagu akhriy u dhigantay ee ay BBCda Laanta Afsomaligu Warka u soo daysay markii ay ka hadlaysay cuno qabataynta ay IGAD sheegtay in ay Moorgan ku soo rogidoonto.
morgan Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan

Haddaba Weerarka ay Warbaahinta Xamar iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay sheegayaan in uu Moorgan soo wado iyo cuno qabtaynta IGAD ay ku dhawaaqday in ay Moorgan lagu soo rogidoono wax baa ka dhexeeya. Maxaa yeelay waxay Warbaahinta Xamar rabaan in Warkii ay IGAD ku dhawaaqday ee ahaa in ay Moorgan cuno qabatayn lagu soo rago in meeshii laga sii wado oo Moorgan cunoqabatay lagu soo rogo.

Si ay taas u gaaraan Waxay Warbaahinta Xamar iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay si wado jir ah u tidceen Been cad oo dhahaysa ,,Moorgan ayaa Jubooyinta soo weeraraya" Beentaa oo looga danleeyihiin in Moorgan Qabriga la sii ekaysiiyaan si Talqiintii BBCda Laanta Afsomaligu taabo gal u noqoto markii IGAD oo beentaas ka duulaysay ay Moorgan cuno qabateyso.

Haddaba xaqiiq ahaan Weerarka kaliya ee jira waa Weerar ay Warbaahinta Xamar iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay Moorgan ku hayaan oo ay rabaan in iyada oo Warkooda beenta ah laga duulayo in Moorgan cuno qabatayn lagu soo rogo.

Waxaana warbaahintaa xamar arinta u sii sahlay warbaahinta reer puntland oo u dhigmaan wiilkii ay Hoyadi ilaahay ka bariday in uu ka aamusiiyo markii uu Erayga ka bilaabay waxaan afkeenu soo qabankarin.

Waxaanay warbaahinta xamar waa hore ku guulaysteen in ay warbaahinta reer puntland ka dhigaan Ey laf loo tuuray dabo ordayaan oo aan iyagu madax ay ku shaqeeyaan lahayn maxaa yeelay waxa lagu quulaystay in marna Moorgan loo tuuru marna Cabdulaahi yuusuf loo tuuro oo ay u cayrsadaan sida Ey laf loo tuuray dabo cararaya.

Waxana sidaas loogu guulaystay in kuwii malaayinta Qof qasheen looga dhigay in ay dhakhaatiir Dadqalnimada wax ku daweeyeen yihiin, taas oo keentay in Ragii dhigeen Musiibooyinkii Dalka ka dhacay kuwii ugu waawaynaa ee min Xama, Baydhabo ilaa iyo Kismayo Malaayinka Qof ku saxuuqeen in ay Malagii Moodka la meeqaan noqdaan oo aan sina Mag loogu qabsan, danbigii ay galeena aan loo dabo galin, meesha wixii xunba Madaxda reer Puntland madaxa looga saaro.

Ma ahana oo kaliya in lagu guulaystay in Warbaahinta reer Puntland Madaxa laga qabsaday ee waxaa loo siimoobay oo waahore loo dusay Warbaahinta reer Puntland. waxaana guha Puntland laga aasaysay.

1. Warhaahin Xamar laga leeyahay oo aad arkaysaysid in ay Dayniile ka dab qaataan.

2. Iyo kuwa waxay soo qoraan aad ka garaneysid in ay Qaloon Xamar ka qaataan.

3. iyo waliba qaar Magac reer Puntland maqaar saar ahaan u soo qaateen laakin aan reer Puntland magac la wadaagin.

Waxana markii aad warbaahinta Somaliya u dhabo gashid kuu soo baxaya in ay labo u qaybsamaan qaar weerar ah oo waxay qorayaan yaqaanaa si qorshaysan oo naceyb ku salaysana wax u qoraan iyo qaar waxay qoraan aan aqoon oo kuwaas neceb Warka ka soo minguurayaan.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso... Guji Dec 4, 2003

BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO GUJI...  
[21 Feb. 2001]


Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Xorrnimo doonka ah ee Ogaadeenya Guji...


MAQAALADII ARAGTIDA DADWEYNAAH EE BBCDA AF-SOOMAALIGA  

Haddaba waxaa cad in Moorgan baa weerar soo wada in uu yahay War la soo qorsheeyey oo looga dan leeyahay in IGAD lagu cadaadiyo in ay Moorgan cunaqabtayso si ay BBCdu Talqiin ugu akhriso waxa kale oo cad in Warbaahinta reer Puntland Warkaas been abuurka ee Dulucda Siyaasadeed leh meeshii ay ka hortagi lahaayeen ay soo minguurinayaan.

Mana ahan markii ugu horaysay ee ay Warbaahinta Xamar Been ay soo maleegeen ay Miishka soo saaraan ee waxay waagii hore markii ay Ciidamada Moorgan ka hadlayaan ay isticmaali jireen Tabta ah Ciidan Itoobaan ah ayaa Somaliya soo galay, taas oo keenijirtay in ay Dad Warmooga ah Madax ka qabsadaan.

Haddaba waxa xiqiiq ah in ay Somaliya ka jiraan Warbaahin weerar ah oo waxay qorayaan yaqaanaan iyo kuwo minguurinta macalimiin ku ah, laakin aan garankarin waxay soo minguuriyeen ujeedada laga wato.

Waxaase cad oo aan cidna caad ka saarayn in Warka ah Moorgan baa weerar soo wada Dan Siyaasadeed laga leeyahay ee aanay Runta waafaqsanay.

Mahadsanidin

jagne dahir
jagne3@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004


Bishii Febraayo ee 2001 ayey ahayd markii Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar  iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey... [Eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabdulqaadir]. BBC-da laanteed afka Soomaaliga waxaa la asaasay 18kii Luuliyo, 1957kii xilligaas oo Soomaalida oo dhammi ku hoos noolaayeen gumeysi.



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

::::::FADLAN TAAGEER::::::::::::

 

Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD