SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hal Booli ahi Nirig Xalaala Ma Dhasho

Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka Soomaaliyeed

Qore: Nuur Liibaan | nliibaan@yahoo.com  

I  I  D  H  E  H

KAAH

Walaalayaal Salaan Qiimo iyo Qadarin Wadata kadib.Waxaan halkan idiinku soo Gudbinayaa Maqaalo dhawr qaybood ka kooban oon ku soo qaadan doono Dhagarta uu Yuusuf Garaad oo ah Tafa Tiraha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ka Galayo Halganka Xaq u dirirka ah ee ay Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya oogu jiraan aaya ka talintoooda,kaas oo gaadhay heer aan laga sii aamusnaan karin.

Marka Faalooyinkaas oo aan Cinwaan uga dhigay hal ku dhiga sare ku xusan waxaan jeclaan lahaa in aan waxoogaa hor u dhac yar ah akhristayaasha ka siiyo Laanta AF-Soomaaliga ee BBC-da.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du waa Hayad Warfaafineed oo uu iska Leeyahay Dalka Ingiriisku Xarunteeduna ay ku taalo Magaalada London.Hayda BBC-du Guud ahaan waxay ku hadashaa Afaf badan oo Dunida lagaga hadlo kuwaas oo ah Afafka ay ku Hadlaan Wadamadii la Gumeysan Jiray,iyadoo ah Hayad Warfaafineed oo Maqal iyo Muuqaalba leh.

Ingiriisku waxaa Weeye Gumeysigii sababay dhibaatada ka taagan Geeska Afrika maanta,waana ka dhab ahaan u qaybiyey Dhulkeena Soomaaliyeed 5ta Qaybood ee Waqooyi,Koonfur,Jabouti,Ogaadeenya iyo NFD, iyadoo labadan dambe ay wali ku hadhsan yihiin Gacanta Gumeystayaasha 3da horena ka kala Xoroobeen Gumeystayaashii Caalamiga ahaa ee kala haystay xiliyadan kala ah 26 June,1960kii,01 Julay,1960-kii iyo 27June,1977-kii siday u kala horeeyaan.

Dhab ahaan Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da waxaa loo sameeyey in ay dhanka Warbaahin ka hir galiso Siyaasadii Gumeysiga Ingiriiska ee ku wajahnayd Dadka Soomaaliyeed iyadoo la aas aasay Xili ay Ummadda Soomaaliyeed Gebi ahaanba ku jirtay Gacanta Gumeystayaasha waxaadna Runtii moodaa in ay Hayadaasi si rasmi ah ugu Guuleysatay hir galinta ujeedadaas,hada oo lagu jiro Qarnigii 21-aad oo ah Qarnigii Horumarka Saxaafada Caalamka ooy dhamaan aaladihii Horumarkaas Sahlayey sida Internet-ka Dunidii ka haqab beeshay ayaad moodaa in ay wali Maskaxda ka Haystsato Soomaalida, Laanta Af-Soomaaliga BBC-da oo ah Hayad aan marna u adeegin Danaha Ummada Soomaaliyeed Guud ahaan.

Marka aad si qoto dheer u fiiriso Hadafka dhabta ah eey Fuliso Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du waxaad ogaan in uu yahay mid ujeedo dheer ka danbayso kaas oo ku dhisan Balaayo Sheeg,Buun Buunin waxaan jirin,Dahaadhid Xaqiida Dhabta ah eey ka hadlayso,Dhalan Rog Xaqiiqo,Abaabul Colaadeed oo Beelaha Ummadda Soomaaliyeed Dhexdooda ah, Isku Soofayn labo Dhinac oo Kolba Dhinac la Buun Buuniyo,Si Xun u Sheegid War ay Xaqiiqadiisa Hayaan iyo Dulmi la mid ah.

Haddii aan dhan kale ka fiirino iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Waagii hore Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da waxaa inta badan loo soo xuli jiray Shaqaalaheeda ka kooban Wariyayaasha iyo Tafa Tiraheedaba Xubno Tayo u leh in ay fuliyaan Siyaasadaas fog ee lidka ku ah Danaha dadka Soomaaliyeed waxayna,u dhex galin jirtay fikirkeeda arintaas ku saabsan dadka Soomaaliyeed hab daahsoon oon aad loo dareemaynin.

Goorma ayey Bilowdeen hoos u dhaca Tayada Wararka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du iyo Suuq Madaw Galintu?

Waxaan Jawaabta oo koobaan si dhib yar u dhihi Karaa taasi waxay bilaabatay Xilgii uu Madaxa Laanta Af-Soomaaliga noqday Yuusuf Geraad.

Maxaad Daliil u haysaa baa lay waydiin karayaa?

MAQAALADII ARAGTIDA DADWEYNAAH EE BBCDA AF-SOOMAALIGA  

Daliilku wuu cad yahay,waxaana weeye akhristoow marka aad fiiriso Wararka iyo Faalooyinka ka baxa hada Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, waxaad dareemi markiiba in ay yihiin kuwo Qaawan oon lahayn Saqaafad ay Raacaan kana Muuqato Caadifad Shaqsiyadeed sida Shaqsiga hawshaas Fulinya(Wariye)Tusaale ahaan Marka uu Wariye Warka Sheegayo Maanta hadduu war ku sheego Madaxeynaha Dawlad Goboleedka Puntland,midka Barito Warka Sheegaya Wuxuu u sheegi Madaxweynaha Dawlada isku Magacawday Puntland.Bal May mid uun u daayaan,Marka ay ka hadlayaan Ogaadeenya mid baa maanta u sheegi Jabhada isku sheegta Gobanimo Doonka ee ONLF,ka kale ayaa barito u sheegi Jabhada Macaaradka ku ah Itoobiya ee ONLF.

BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO GUJI...  [21 Feb. 2001]

Wariyaha Warkaas Sheegaya wuxuu si rasmi ah u garanayaa Xaqiiqada Warka uu sheegayo laakiin ma doonayo in uu taas dhagaystayaashiisa u tabiyo.Waxaana Kabtaas ka maqan Shaqadii Tafa Tire Aflaxay,oo awood Garasho iyo Mid Shaqsiyadeedba u leh in uu Waajibkiisa Guto.

Marka uu Shaqsigu Xidho Shaatiga Wariyenimo/Tafo Tire Ideecadeed ma aha in uu wali huwanaado Caadifad Shaqsi kuna shaqeeyo waxa uu rumaysan yahay ee waa in uu Xaqiiqada abaaraa Waraabiyana Dhamaan dhagaha dhagaystayaasha dhagaysanaya,isagoo meesha ka saaraya in uu raaco waxa uu isagu jecel yahay,kuna khasbanaadaa in uu abaaro dhanka ay dhabtu ka jirto.Haddii uu Suxufi yahayna waa in uu noqdaa mid dhex dhexaad u ah dhamaan Qaybaha uu ka Waramayo ilaa xad waana in uu ahaadaa mid u sheega dhabta waxa uu ka hadlayo Dhagaystayaashiisa oo dhan.Haddii ay arintaasi meesha ka maqan tahay waxaan Suxufigaas ku tilmaami karnaa mid aan u Qalmin Suxufinimda uu Sheeganayo.

Yuusuf Geraad Wuxuu Suuq Madaw Galiyey Wararkii Ideecada Laanta Af-Soomaaliga BBC-da oo awalba ahaa kuwo ka fog danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.Wuxuu bilaabay in uu Beeno cad oon meelna loogu soo gabinin ka sheego Xaqiiqooyin jira oo badan oo uusan dhab ahaan siday yihiin waxba uga badali karin haddii uu xaataa sii wado Beenaha uu ka sheegayo Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ee uu Tafo Tiraha ka yahay.

Waxaa la i waydiin karaa waxa ay yihiin Xaqiiqooyinkaasi?

Been abuurkii afduubka Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)
Guji... [Feb 6. 2001]

Waxaa Maanta intaas ku Koobaynaa Qaybtii 1aad, ee Maqaalkii Hal Booli ahi Nirig Xalaala Ma Dhasho,Haddii uu Allaha Awooda leh Ogolaadona,Waxaan Qaybta 2aad ee Maqaalkan ku faah faahin Doonaa Dibin Daabyooninka ayYuusuf Garaad iyo Kooxdiisa BBD-du la daba socdo,Halganka Xaq u Dirirka ah ee uu Shacbiga Ogaadeenya ugu jiro aaya ka tashigiisa oo Gaadhay Heer aan la Qarin karin.

Inagoo Qaybtii 1aad ku soo Af-Jari Tixdan Gabayga ah een ka soo Xulay Kaydka Diiwaanka Gabayada Macalin Dhoodaan siiba Gabaygii Qar Ja Jaaf

Dhawr Qodob anoon kaana Qarin Kuuna Wada Qeexin
Qur Qurkaas Duleed Xubin intaan sidii Qudhaadh Faago
Mideedii aan Qaataba hadaan labo u sii Qaybsho
Qaybyo Tirinta Faaladu Sideed Way u Qalantaaye

Qaduuc Fiin ah Guuguule iyo Qodato Dhaw Dhawley
Qudhac Fuusha Guumays ah iyo Qaar kaloo Jiraba
Shimbiraha Badh Qoodaar leh Baan Qumey ku Sheegnaaye
Waxay Qaalibkooduna Ciyaan Goor Qaboone ahee

Baalaleey Codkeed Qaylisay Baad Qoof Ka Dhigataane
Qarfo Guusha Yeedhaba Sidaas loo Qadarinaayo
Waa Quduro Inaan Loo Quweyneyn Qawlka Aadmiga ee
Tan Qufay ee Tukale Hoo Qudhi Dhudhi Qodabna Waa Kaas ee

Akhri Qaybta Labaad akhristoow.

Nuur Liibaan | nliibaan@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2003

MAQAALADII ARAGTIDA DADWEYNAAH EE BBCDA AF-SOOMAALIGA  

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Minneapolis: Shirweynihii Ardayda Soomaaliyeed ee W/America
warbixin: kulankii ardayda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Jaamacada Minnesota.. Guji... Aug 17


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD