SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida Ingiriiska iyo Dhacdadii 21ka Julay

Soomaalida waxbay caan ku tahay waxna lagama yaabo; dad geel jir ah oo dhexdooda qabiil iyo nin tooxsi isu dila caan bay ku tahay; laakiin marna inay is miidaamiso amase dad marti sooray gaar ahaan kuwa aan la qoomiyad ahayn ay mijixaabiso waa wax aan laga yaabin.

 
 Dhacdadii 21 kii Julay ka dhacday London oo lagu soo ban dhigay in dadkii ka dambeeyay is mindaamintaas iyo qaraxyadaas ay ka dambeeyeen dad soomaaliya ayaa maskaxda dadka aqoonta u leh Qoomiyadda soomaaliyeed marna ka degi wayday. Somaalida meel kasta haka soo jeedeene (5ta lagukala qoqobay) waxaan shaki ku jirin inay bahwadaag yihiin oo ay murugo iyo wanaagba wixii magacaas ku yimmaada ay wada muudsanayaan. Waa Qoomiyad cajaaib ah oo si loo kala saaraa ay adagatahay balse xayndaabka kala saraa uun yahay iyaga uun dhexdooda oo magacyo hoose oo isbahaysta ah looguna wanqalay Qabiil ay ku kala baxaan. Wax kasta magac dal iyo calan gooniya hoos tag waxaan shaki ku jirin kan Kenya hoos galgalanaya iyo kan Jabuuti joogaa ay haanta guntiida wada tagayaan marka qurbaha la joogo, amase ay dhiida gaadho oo noqoto yaa maali jirayee? Tusaale waxaa kuugu filan gabadhan yartaa Xaliimo Xire Xuseen  oo iyada reerka ay kasoo unkantay ay hoos galgalanayeen calanka libaaxa afrika ee Itoobiya ee uu hadda garwadeenka yahay Meles Zenewi,kuna dhalatay agagaarka Goday ee uu sheegto xukunka Addis-ababa, laakiin markay dhiidii gaadhay oo ay noqotay war yaa u naxayee waxaa alle qadaray in gabadhaas iyo waalidkeed ay ku baxsadeen magacii qoomiyadda soomaaliyeed una soo cararaan Muqdisho, taasoo dadaal badan maanta qurba joogga soomaaliyeed ay geeyeen Cisbitaal casriya oo yurub ah gaar ahaan wadanka Austria; Halka Itoobiya iyo saxaafadeeda in qofkaasi jiro iyo inkale ayna ka warhayn. 
 
Aan u daadego nuxurka qormadaydee waxaan anoo caawa dhexmushaaxaya shaashadda Internetka igu soo baxay qoraalo iyo faalooyin kala gedisan oo laga qoray dhacdadii 21kii Julay, taasoo dhammaan joornaalada iyo websityada caalamka aan boqqday ay wada qorayeen in badi 5 tii nin ee la xiray ugu yaraan 3 nin ay yihiin soomaali qaxootinimo ku timmid dalka Ingiriiska. Waxaase aniga iga degi waayay markaan akhriyay qoraaladaas in nimankaasi yihiin soomaali oo dood wayn ayay naftaydu ka keentay, waxaana kasii carooday sida soomaalida deggan Ingiriiska ay uga dhiidhiyi waayeen oo ugu yaraan isku kaashan lahaayeen sidii ay uga gun gaari lahaayeen runta iyo xaqiiqda jirta.
 
Qoraalada aan akhriyay waxaan kala soo baxay in wadanka Talyaanigu u qabtay howl wayn oo ah in magaca soomaaliyeed u ahaa (Scape Goat), taasoo u sahashay baarayaasha talyaaniga in taleefoonayda ay ku sheekaysan jireen ninka la qabtay iyo qaraabadiisu uu afkoodu yahay  Itoobiyan(Amhaaric) balse uuna ahayn Soomaali, Aakhirkiina ka natiijo keenay inay xaqiijiyeen ahaanshaha dadkaas oo ah Itoobiyaan.
 
Waxan jeclaystay inaan idiin soo koobo ragga lagu sheegay soomaalida wixii meelihii aan daalacday ay ka qoreen oo ku sheegeen
 
Yaasiin Xasan Cumar waxuu Ingiriiska yimmid isagoo 11 sano jir ah waxuuna la socday gabadh walaashiisa iyo ninkeeda iyagoo ka soo cararay dalkoodii soomaaliya oo markaas dagaal sokeeye ka holcanayo, laakiin wax ku dhacay mooyaane wiilkii waa Yaasiine reerka u lasocday ma sheegan waxayna dantu baday in dawladda Ingiriisku dhabarka u ridato oo ay geyso meelaha ilmaha bilaa waalidka ah lagu xannaaneeyo Foster Care. Markuu 18 sano gaarayna sanadkii 1999kii waxaa la dejiyay hoy ugaar ah sida dadka qaan gaarka ah oo wixii kiro ah waa laga bixin jiray. Doodaan qabo soomaalida oo aan ogahay siiba gabdhaha soomaaliyeed oo beer jilicsan ayaa walaalkeed oo ay isla soo qaxeen cidla uga tagaysa, hadday dhacdayna kollay ehel kale oo ka gilgisha lama waayeen marka bal arrintaas soomaalidu ha baarto.
 
 
Labo beri ka dib markii Yaasiin lagu qabtay Birmingham, waxaa la qabtay Mukhtaar Said Ibraahim oo u dhashay Ereteria waxaana lala qabtay Ramzi Mohamed oo ah nin gaaban oo ciyaartoy u eg kana soo jeeda wadanka Soomaaliaya, waxayna xirnaayeen hoosguntiyo(Underpants) isagoo isku dayay inuu qarxiyo stationka Oval ee koofurta London, halka Mukhtaar u rabay inuu qarxiyo Buska labada kore leh, markaas  ka dib waxaa haddana la helay Ramzi walaalkii oo wade Bus ah laguna magacaabo Wahbi Mohamed kuwaasoo ku jira dadii 20-neeyaha iyagoo ka soo cararay dalkoodii soomaaliya waqti ay ahaayeen dhowr iyo toban jirnimo. Su'aasha meesha ku jirta magcaantaas(Ramzi & Wahbi) soomaalida kuma badna sidoo kale Soomaali iyo Ereteriyaan hal maqsin kuwada jira oo sidaas isku dhexgalay waa cajiib. Xaggee Shaxdu iska qabsan la'dahay!
 
Soomaalidu meel kastooy joogto dalka Ingiriiska waxay u haysaa abaal iyo xushmad aad u wayn waayo markaad liidato qofka ku gaar gaara dadka kale kaaga duwan. Markii soomaalidu iyada gacmaheeda isku biraynaysay oo qabiil qabiilka isku dilaysay meelihii lagu qaxay waxaa ugu horaysay Ingiriiska gacmo furan iyo deeqsinimana waa laga helay, sidaas awgeed marna lagama yaabo soomaalidu nin caano u lisay inay sun u walaaqaan. Marka ma sidii baasaboorkii soomaaligu u noqday Cabdalle shideeye ayay qoomiyadda soomaaliyeedna u noqotay oo wax sumacadeeda qurbaha difaaca ma la waayay meeye kuwa Communitiga sheegta oo hadalada macaan soo geliya Internetka. Waxaa taariikhdu xusi doontaa Groupkii ka gilgisha inaan magaca soomaaliyeed noqon looma ooyaan.
 
W.D: Cabdi Xasan  Muqdisho/ Soomaaliya
abdi172@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD