SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hussain Osman, 27-jir, Ethiopain, haysta Dhalashada Britain

Ninkii Lagu Qabtay Rome, Hussain Osman Waa Itoobiyaan, ee Ma aha Soomaali...

July 30, 2005

  • Warbaahinta Britain waxa ay shaaca ka qaadeen in Hussain Osman uu ku dhashay Itoobiya, yahay Ethiopian haysta dhalashada Britain, ma aha Soomaali sidii ay horey warbaahintu u baahisay.
     
  • Warbaahinta Talyaaniga, gaar ahaan SKY TG 24, waxa uu shaaca ka qaaday in Mr. Hussain uu Britain ku soo galay dukumiinti Soomaali ah oo Macmal ah (fake Somali ducuments), sidaasna uu ku helay dhalashada Britain. Jariidada Globe & Mail oo halkaas taxliileynsey wax aay tiri xafiiska Britain ee loo yaqaan Home Office in uu arintaas ka faalloodu waa ka gaabsaday.
     
  • Jariidada Corriere della Sera oo ah maalinle ka soo baxda magaalada Milan, Italy, waxa ay werisey in Mr. Hussain magaciisa rasmiga uu yahay Hamdi Isaac. Walaalkiis ku nool Rama in magaciisu yahay Remzi Isaac.

Warar dheeraad ah hoos ka akhri:

War uu maanta shaaca ka qaaday Telefishanka dalka Britain ee Sky TV, ninka shalay lagu qabatay Magaalada Rome, ee markii hore lagu sheegay Soomaali waxa uu noqday Ethiopian.

Telefishanka oo warkiisa sii wata waxa uu yiri: Hussain Osman waxaa laga qabtay qol uu walaalkiis deggan yahay oo ku yaal ciririfka caasimada Talyaaniga. Waxana uu intaas warka ku daray, Waxa kale oo soo shaac baxay in uu ninkani yahay Ethiopian ee uusan ahayn Soomaali.

Jariidada Talyaaniga ee La Republica waxa ay tiri: Hussain Osman waxa uu soo maray Paris iyo Milan ka hor intii uusan iman Roma oo ah meesha laga qabtay.

Telfishanka kale ee ITV ee Britain waxa uu yiri: Hussain Osman oo ah Ethiopian haysta dhalashada Britain (British citizenship) waxaa Jimcadii laga qabtay cirifka Rome guri uu walaalkiis ka deggan yahay kaddib markii uu Talaadadii tareen kaga baxsaday UK.

Waxaa kale oo shalay magaalada London laga qabtay laba nin oo magacyadooda lagu sheegay Muktar Said-Ibrahim iyo Ramzi Mohammad oo ah kuwoo horay loo raadinayey.

Nika afaar oo arrinta qaraxyadii lagu tuhunsan yahay ee horay loo qabtay magaciisu waa Yasin Hassan Omar oo 24-jir ah.

Wararka kale oo ay maanta faafiyeen warbaahinta UK waxaa boolisku su'aalo weydiinayaan shan nin oo lagu tuhunsasn yahay isku daygii qaraxyadii London, afar waa kuwa magacyadooda kor ku xusan yihiin, kan shanaadna waxaa lagu sheegay Wahbi Mohammed oo 23 jir ah oo ay walaalo yihiin Ramzi Mohammed.

ISHA: SKY TV, La Republica, ITV | July 30, 2005

Wararkii hore ee la xiriira qaraxyaad Lodnon hjoos ka akhri:::


Magaalada Roma oo Lagu Qabtay Nin Lagu Sheegay Soomaali Haysta Dhalashada Britain
{Warkaas oo been noqday, ninkaasna lagu sheegay Ethiopian}
  • Roma: Waxaa lagu qabtay Osman Hussein (Haysta Dhalashada Britain,)
  • London: Waxaa lagu qabtay Ramsi Mohammed iyo Muktar Said Ibrahim

July 29, 2005 | Roma, Italy

Three are in custody

Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegay in maanta magaalada Roma lagu qabtay nin kamid ah dadka lagu tuhun san yahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii London July 21, gaar ahaanta tareenka dhulka hoostiisa maara ee aagga Shepherd.

Sida ay werisey hay'adda wararka Talyaaniga ee Ansa, oo soo xiganyesey wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Giuseppe Pisanu, ninka la qabtay magaciisu waa Osman Hussein oo da'diisu tahay 27-jir, waxana uu haystaa dhalashaada Britain asal ahaana waxa uu kasoo jeedaa Soomaaliya, waa sida warku u dhigaye. {Hadda waxaa soo baxday in ninkaasi Ethiopian yahay}.

Dhanka kale Booliska London ayaa maanta qabtay saddex qof oo sida warbaahinta Ingiriisku ay sheegeen labo kamid ah ay yihiin kuwo lagu tuhunsan yahay qaraxyadii London, ahna kuwii la raadinayey. Kuwaas oo magacyadoodu yihiin Ramsi Mohammed iyo Muktar Said Ibrahim.

Daawo Halkan...... (Italian)

ISHA: Ansa.It, & Sky TV

July 29, 2005

WARARKII HORE EE LONODN HOOS KA AKHRI:::


Ninkii Lagu Tuhunsanaa Soomaaliga ee qaraxyaddii London looga shakiga qabay oo la qabatay

July 27, 2005 | London, UK

 
Maanta waxaa Booliska dalkan Ingiriiska u suurashay iney gacanta ku dhigaan 7 ruux oo afar kamid ah lugu tuhmayey qaraxiii dhicisoobay ee toddobaadkii hore ka dhacay magaaladatan London. Toddobadan nin ee la qabtay ayaa ku jiray ninka sida weyn sawiradiisa meel walba loo dhigay ee lugu tuhmayey inuu ku lug lahaa qaraxyadii toddobaadki hore ee Yaasin Xassan Cumar.

Qabashadii ka dhacday Washwood Heath,London | Sawirka: Sky TV

Qabashada ninkan ayaa timid markey iskaashadeen Booliska magaalada Birmingham iyo kuwa la dagaalama argagaxisada  halkaasoo ay ku qabteen  markii ay ku fureen waxyaabaha qofka aragagaxa geliya ee u diida inuu dhaqaaqo (ama stunt /Taser Gun), taasoo u sahashay in ninkaasi dhulka ku dhaco dabeedna qabtaan. Boolisku waxey sheegeen inuu boorso ku rarnaa, ayna dhici kartay iney waxyaaba qarxa ku jirtay.

 
Wargeyska The Times ayaa boolisku u sheegeen in shan qof la qabtay, mid kamid ahna halka uu degan yahay ay deriska u sheegeen inuu doonayey inuu soo arruursado waxbaayabaha qarxa, taasina ay si rasmi ah u cadeeyeen booliska in xitaa ninkan gurigisiisa iyo garaashkaba laga helay.

Muktar Mohammed Said iyo Yasin Hassan Omar ayaa la sheegay iney dalka Ingiriiska ku yimaadeen qaxooti ahaan. Ibraahim Cumar ayey waalidiintiisa sheegeen inuu wiilkooda yahay markii ay arkeen sawirka tuhunku ku jiray ee la soo bandhigay. warfaafinta dalkan ayaa werisay in Ibraahim uu dhalashada dalkan qaatay sanadkii hore, iyadoo dhowr jeer falal dambe uu geystay xabsiga loo seexiyey.

Waxa kale oo ay Boolisku rumaysan yihiin in qaraxyadii ugu horeeyey ee London ka dhacay iyo kii ugu dambeeyey ee dhicisoobay ragga soo abaabulay ay ahaayeen kuwo xirriir joogto ah ka dhaxeeyey.

Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam@journalist.com

July 27, 2005

Wararkii Shalay iyo Ka Hor Hoos ka akhri:::


Labadii Nin ee Booliska London Magacaabeen oo Lagu Sheegay Eritrean iyo Soomaali

July 26, 2005

Sida uu maanta sheegay Telefishanka SKY News, xafiiska Britain u qaabilsan Aammaanka, caddaalada iyo arimaha bulshada ee loo yaqaan (Home Office) waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey labada nin ee ay shalay boolisku magcaabeen kuwaas oo looga shaki qabo qaraxyadii London ee Khamiistii Hore (July 21).

Waxaa warku intaas ku daray in Yasin Hassan Omar oo hadda 24-jir ah uu u dhashay Soomaali, waxana uu dalka Britain yihim sannadkii 1992 markaas oo ay da'diisu ahayd 11-jir, markaas oo loo ogolaaday in uu dalka joogi karo. Waxaana si rasmi ah in uu Britain u joogi karo loogu ogolaaday May 2000.

Muktar Said Ibrahim oo hadda 27-jir ah waxa uu ka yimid dalka Eritrea, waxana uu  Britain yimid 1992 markaas oo ay da'diisu ahayd 14-jir, xilligaas oo loo ogolaaday in uu dalka Britain joogi karo. November 2003 ayuu dalbaday dhalashada Britain waxaana baasaboorka Britain lasiiyey bishii September ee saannadkii hore.

Isha: SKY TV | July 26, 2005


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii Khamiistii....

July 25, 2005

CBCTV: Daawo Halkan....


Muktar Said Ibrahim

Yasin Hassan Omar

Booliska magaalada London, UK ayaa maanta magcaabay labo qof oo lagu tuhun sanyahay in ay ka qayb qaateen isku daygii qaraxyada Khamiistii la soo dhaafay (July 21) ee magaalada London.

Booliisku waxay magcaabeen Muktar Said Ibrahim, oo loo yaqaan Muktar Mohammed Said, oo 27-jir ah. Waxana ay boolisku sheegeen in uu isku deyey qaraxa baska lambarkiisu yahay 26 aagga Bank Area.

Waxa kale oo boolisku magcaabeen Yasin Hassan Omar, oo 24-jir ah, taas oo boolisku sheegay in uu isku deyey qarxinta tareenka khdaka Victoria aaga u dhow Warren Street station.

Sida ay werisey SKY News, waxa ay Boolisku baareen cinwaan loo maleeyey in lagu arkay Yasin Hassan Omar cinwaankaas oo ku yaal Ladderswood Way, New Southgate, ee woqooyiga London.

Sida ay werisey jariidada Guardian Observer (cadadkeedii shalay July 24, 2005), waxa ay boolsiku aagga Stockwell ka xireen nin Soomaali ah oo ay ka shakiyeen, si ay ugu daraan kii hore loo hayey, ninka hore loo xiray oo loo malaynayo in uu yahay Itoobiyaan. Warar kale ayaa sheegaya in dadka ilaa maanta la xiray ay gaarayaan ilaa shan qof.

Dhanka kale waxa ay jariidada Observer sheegtay in Boolisku galeen guri ku yaal Kilburn oo ay leeyihiin qoys Soomaaliyeed. Sidaas oo kale ayey tiri Jariidadu wax aay boolisku galeen guri ku yaal koonfurta London oo ay wada deggan yihiin Somali iyo Ethiopian.


Charles de Menezes

Dhanka kale waxa ay SKY News sheegtay in Charles de Menezes oo 27-jir ahaa, una dhashay dalka Brazil, ee Boolisku ku toogteen khadka tareenka dhulka hoostiisa mara ee Stockwell in uu ahaa nin aan wax shaqo ah ku lahayn qaraxyadadii Khamiistii, waxana ay boolisku toogteen siddeed jeer, ayey tiri SKY News - Telefishanka CBC waxa uu sheegay in ninka reer Brazil toddoba jeer madaxa laga toogtey iyo hal-mar oo garabka ah [Daawo Halkan....] . Booliska London waxa ay sheegeen in ka xunyihiin dilka Charles de Menezes.

Ra'iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska, Tony Blair, waxa uu raali gelin ka bixiyey dilkii ninka reer Barazil ee Koronto Yaqaanka ahaa ee la diley asagoo loo malaynayey in uu qaraxyada lug ku lahaa laakiin ay soo baxday in uusan lug ku lahayn.

ISHA: | observer.guardian | SKY News  | July 25, 2005


Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo.....

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid]


Labo Soomaali Loo Malaynayo oo Lagu Tuhmey Qaraxyadii London, UK....
{Wararka kadib soo baxay waxay sheegeen in ay yihiin Eriterian iyo Soomaali}

July 25, 2005 

 
Booliska magaalada London ayaa maanta soo bandhigay sawirada labo nin oo loo malaynayo in ay soomaali yihiin kuwaasoo lala xirriirinayo qaraxyaddii dhicisoobay ee maalintii khamiiska ka dhacay magaalada London. Boolisku oo maanta gelinkii dambe soo saaray warsaxaafadeed  ayey sheegen iney qabteen labo qof oo midkooda da'diisu tahay 21 jir qabashadoodana ay timid markii warar kala duwan heleen mana aanay dooneyn iney ku dag dagaan soo bandhigistooda sida uu sarkaal boolis ahi  u sheegay wakaalada wararka ee AP. Telefeyshinka SKY News ayaa  waxa uu sheegay in labada nin ee la qabtay  aaney aheyn kuwan soomaalida ah ee muuqaaladooda lugu soo bandhigay telefeshinada iyo wargeysyada dalkan Ingiriiska.
 
Mukhtaar Saciid Ibraahim ayey booliska ku sheegen innuu baska lambarkiisu yahay 26 doonayey inuu qarxiyo halka midka kale isna  magaciisa lugu sheegay Yaasin Xassan Cumar, qorsheynayey inuu waxyaabaha qarxa dhigo halka laga galo tareenka dhulka hoostiisa mara ee wadada warren street. 
 
Soomaalida dalka Ingiriiska oo maanta inta aan warbixintan qorin aan qaarkood la sheekeystay ayaa ii sheegay iney iminka wel wels oo wajahday, kadib markii labo kamid ah kuwa lugu tuhmayo qarixii khamiista noqdeen Soomaali sawiradoodana lasoo bandhigay. Booliska London ayaa iminka aaminsan kuwa aan la qaban ee weli lugu raad joogo iney qorsheynayaan qaraxyo kale oo ay mar kale la beegsanayaan gooobaha laga raaco gaadiidka.
 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2005


Wararkii July 23, 2005

  • Qaraxyo Xiriir ah oo Caawa Ka Dhacay Masar
  • LONDON: POLICE-KA OO NIN TOOGTEY!
  • Booliiska London oo Soo Bandhigay Sawirada Afar Nin oo Loo Raadinayo Qaraxyadii London
  • Hooyadii Mid Kamid ah Afartii Lagu Tuhmay Qaraxii July 7 oo Hadashay
  • Booliska London oo Dilay nin la Tuhunsan Yahay

Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Masar oo Gaartey 83 Qof

July 23, 2005

Wararka maanta ka soo baxaya dalka Masar ayaa tibaaxay in 83 qof ay ku dhinteen qarax yadii ka dhacay magaalada badda Cas ku taal ee  Sharm El Sheikh ee dalka Masar. Dadka qaraxyadaas ku dhintay waxaa kamid ah: British, Dutch, French, Spanish, Kuwaitis iyo Masaari. Tirada dhaawacana waa 200 qof.

Wararkii Xalay ee qaraxyada hoos ka akhri.


Qaraxyo Xiriir ah oo Xalay Ka Dhacay Masar

July 23, 2005


Sawiro laga qaaday Telefishanada Masar ee El Masriya iyo Nile TV waxa ay muujinayaan dad sida meyska dadka ku dhintay qaraxyada July 23, 2005 ee ka dhacay Sharm el- Sheikh

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyo xiriir ah ay ka dhaceen magaalada Sharm El Sheikh iyo meesha dalxiiska ee ku dhow ee Naama Bay (Cirifka Siinaay). Televisionka CBC oo arrintaas ka warbixinaya waxa uu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen dad ah Reer Yurub, Masaari iyo Carab kale.

Waxaa warku intaas ku daray in booliska aagga qaraxu ka dhacay jooga ay sheegeen in ay dhinteen ugu yaraan 45 qof ayna dhaawacmeen 200 qof, waxaa warku intaas ku daray in tiradu ay isbed-bedeleyso jaah waraarka halkaas ka dhacay awgeed.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Masar war kasoo baxay waxa uu dhimashada ku sheegay in ay tahay 31 qof, halka dhaawacu yahay 107 qof.

Waxaa jira warar kale oo tirada dhimashada gaarsiinaya ilaa 49 qof.


Sawirka: CBC

Sida warku sheegay dadka halkaas wax ku noqday waxaa kamid ah dad dalxiisayaal ah oo ka yimid dalalka Britain, Holland, Qatar, Kuwait iyo Masar, waa sida ay sheegeen boolisku.

Hay'adda wararka ee Reatures waxa ay sheegtay dadka wax ku naqday in ay yihiin Britons, French, Spaniards, Dutch, Qataris, Kuwaitis iyo Egyptians

Waxaa warku intaas ku daray in sida muuqata qaraxyadani burburriyeen hotelka lagu magcaabo "Ghazala Gardens hotel".


2002 oo UNESCO magaalada Sharm el-Sheikh u magcawday 'magaalada Nabadda"

Qaraxyada Qaybtood waxa ay ka dheceen Naama Bay oo u dhow Sharm al-Shaikh

Telefishanka CBC oo ka warbixneysa meesha qaraxu ka dhacay waxa ay tiri: Sharm El Sheikh waxa ay ku taal cirifka Jasiirada  Siinay waana meel caan ku ah dalxiisayashaasha reer Europe, Israel iyo dalalka carabta.

Shabakada AlJazeera oo ka warbixineysa Sharm el-Sheikh ee badda Cas waxa ay tiri Sharm oo loo yaqaan Las Vegas-kii Masar, waxa ay ahayd meesha uu Madaxweyne Xusni Mubaarak u doorto in lagu qabto shirarka Nabada ee Bariga dhexe. Waxaana sannadkii 2002 ay hay'adda Qaramaad Midoobey ee UNESCO ay Sharm el-Sheikh ku magcaawoday magaaladii nabadda. Nabaddaas oo la burburiyey  Sabtidii (July 23, 2005)  kadib markii halkaas ay ka dhaceen qaraxyo xiriir ah oo ay ku dhinteen 45 qof ayna ku dhaawacmeen 150 qof  xilliga ay dalxiisayaashu ugu badan yihiin.

Shabakada IslamOnline waxa ay tilmaantay in qaraxyadani bilowdeen 1:15 a.m ee habeenimadii Sabtidu soo geleysey.

Qaraxyada ka dhacay  magaalada Badda Cas ee Dalxiiska Sharm el-Sheikh waxaa wararka u horeeyay ay sheegen in ay ahaayeen ugu yaraan saddex qarax, inkasta oo Hay'adda wararka ee AP ay tirada qaraxyada intaas ka badisay.

Xagga dhaawaca waxaa wararku tibaaxeen in ay kamid yihiin 28 kala ah: 13 Talyaani, 5 British; 3 Spanish; 3 Saudis; 1Turk; 1 Ukrainian; 1 Russian; iyo 1 Arab-Israeli ah.

ISHA iyo Sawirada: CBC | Reatures | IslamOnline | ALJazeera | AP | Sky News


LONDON: POLICE-KA OO NIN TOOGTEY!

July 22, 2005


Booliska oo xiray aagga Stockwell toogashadii kaddib | Sawir: SKY News

Maanta oo Jumce ah ayay police-ka magaalada London waxay dil toogasho ah ku dileen nin ay sheegayaan in ay ka shakiyeen.

Ninkan oo lagu diley gudaha maxadada Underground-ka Stockwell ee Koonfurta London ayaa loo malaynayaa nin muslim ah oo ka soo jeeda Asia.

Ilaa hadda police-ku wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin sababta ay ninkan u dileen, iyo in uu daruuri ahaa dilkiisu. Waxayse police-ku sheegeen in ay hubaal tahay in ninkaasi la diley waxyar ka bacdi 10:00 subaxnimo ee maanta 22/07/05.

Dadkii goobta joogey ayaa saxaafadda u sheegay in ay arkeen police-ka oo ninkaas dhulka ku ridaya deetana intay dusha ka fuuleen shan xabbadood madaxa kaga dhufanaya.

Nin markhaati ah oo saarnaa tareenka uu shilku ku dhacay laguna magacaabo Mark Whitby ayaa warbaahinta uga warramay sidii wax u dheceen:wuxuuna yidhi:”Waxaan arkay niman police ah oo dharcad ah oo tooganaya nin Asian ah” Wuxuu Whitby intaas ku sii daray:” Waxaan markii hore arkay nin Asian ah oo ku soo ordayey treen halkaasi taagnaa, oo ay cayrsanyeen police dharcad ah… Mid policeka ka mid ahi wuxuu watey qori aan is leeyahay wuxuu ahaa kuwa darandooriga u dhaca” wuxuu ku sii daray:” ninkii ayay turunturreeyeen oo dhulka ku rideen dabadeedna dushiisa ayay ku urureen oo fuuleen dabadeedna shan xabbadood ayay madaxa kala dhaceen” Wuxuu yidhi “waan arkay rasaasta oo lagu tooganayo ninka. Kaasi wuu dhintay”

Dhinaca kale Golaha Islaamka (Muslim Council of Britain) ayaa muujiyey in muslimiinta UK ay ka cabsi qabaan in police-ku ay dadka iska laynayaan, iyagoo ku dhaqmaya siyaasadda “toogo oo dil” ama “Shoot to kill”

Af-hayeenka golahaasi Cinayat Bunglawala ayaa yidhi: “waa laga yaabaa in ay jiraan sababo police-ka ku khasbay in ay ninka shan xabbadood ku dhuftaan, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in ay sababahaas caddeeyaan”. Wuxuu Mr Bunglawala ku sii daray:” waa daruuri in ay poilice-ku soo saaraan warbixin ay ku caddaynayaan sidii wax u dheceen iyo waxa ninka loo diley”

Gaar ahaan iyadoo la sheegay in ninka la toogtey kaddib markii gacanta lagu dhigay, iyo isagoo dhulka jiifa.

Qaar kale oo ka mid ah dadkii goobta joogey ayaa sheegaya in ninku watey waxyaabaha qarxa, iyadoo qaar kalana ay sheegayaan in ninkani uu ka mid ahaa kuwii ay police-ku horay u raadinayeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in ninkan oo loo tirinayo in uu yahay nin muslim ah, aanay ilaa hadda caddayn waxa police-ka ku khasbay in ay degdeggaas u toogtaan iyagoo weliba gacanta ku dhigay. Wararku waxay sheegayaan in ninkani uu xidhnaa dharka muslimiintu qaataan isla markaana uu dhabarka ku sitey boorso aan sidaasi u weyneyn.

Way dhici kartaa in ay jiraan sababo ay police-ku ugu maleeyeen in uu khatar ahaa amaba uu isku dayayey in uu wax qarxiyo.

Haddana waxaan meesha laga saari karin xaaladda baqdinta iyo argagaxa ah ee ku habsatey reer London, kaddib markii ay laba asbuuc gudahood isku raaceen laba mowjadood oo qaraxyo ah.

Waxaa dhici karta in ninkani aanu wax luga ku lahayn waxaas looga shakiyey hase yeeshee markii ay dadku arkeen isagoo ay ka muuqato calaamado muslimnimo, boorso dhabarka ku sita isla markaana sii gelaya tareenada dhulka hoos mara, in ay markaasi uga cabsadeen in uu maagganyahay in uu wax qarxiyo.

Bal aynu sugno waxa soo baxa.

Cabdisamad Xoday
Hoday30@aol.com


Booliiska London oo Soo Bandhigay Sawirada Afar Nin oo Loo Raadinayo Qaraxyadii London

July 22, 2005

Booliiska magaalada London, UK ayaa maanta soo bandhigay sawirada nooca Telefishanka loo yaqaan CCTV ee afar nin oo loo raadinayo ama lagu tuhunsan yahay qaraxyadii London ka dhacay shalay. Waana kuwa hoos ka muuqda.

Hooyadii Mid Kamid ah Afartii Lagu Tuhmay Qaraxii July 7 oo Hadashay

Mother of July 7 suspect defends son
"Weli waan naxsanahay mana ogi si aan u baroor diiqo" Maryam McLeod

Hoyada mid kamid ah afarta nin ee lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxii London, UK ka dhacay July 7, 2005 oo markii ugu horeysey meel fagaare ah ka hadashay ayaa difaacdey wiilkeedii.

Ayadoo ka hadleysey jasiirada Caribbean-ka ee Grenada oo ay hadda ku sugan tahay, Maryam McLeod waxa ay ku tilmaantay wiilkeeda Jermaine Lindsay in uu ahaa  wiil wanaagsaas, waxana ay sheegtay in aysan dembigaas aqbalayn ilaa ay aragto cadayn.

"Ma hayo wax cadayn ah oo muujinaya in wiilkaygu uu sidaas sameeyey.. xataa ma ogi in kaasi uu wiilkayga ahaa. Xaaskiisii xataa waa garan weydey, aniguna waa garan waayey."

Maryam McLeod oo markii ay warsaxaafadeedka ka hadleysey xirnayd xijaabka Islaamka waxa ay qaraxyadii July 7 ku tilmaantay 'wax laga argagaxo".

"Weli waan naxsanahay mana garanayo si aan ugu baroor diiqo wiilkaygii," ayey tiri ayadoo ku dartay "sidaa daraadeed marka ugu horeeya waxaan u baroor diiqayaa dhibanayaasha, kuwa dhintay iyo kuwa nool".

Waxaa warku intaas ku daray in murugo weyn ka muuqatay Maryam oo marka ay ka hadleyso wiilkeeda 19-jirka ahaa ay murugooneysey, waxana ay sheegtay in ay jeceshay in ay wiilkeeda ugu yeerto Jamal.

"Allah ha u naxariisto kuwayaga nool iyo kuwii dhinatay, raxmadiisana ha gaarsiiyo" ayey tiri Maryam.

Jermaine Lindsay waxa uu ka mid ahaa afarta nin ee lagu tuhn sanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay London, UK July 7 qaraxyadaas oo ay ku dhinteen 56 qof ayna ku dhaawacmeen 700 qof.


Booliska London oo Dilay nin la Tuhunsan Yahay

Waxaa Qortay, Ikraam Cali-kaar
London- Uniterd Kindom
 
Iyadoo ay iminka dad reer London ay ku jiraan naxdin iyo wadno gooyo xoog leh ayaa booliska magaalada  London waxey toogasho ku dileen nin ay uga shakiyeen inuu yahay kooxaha argagaxisada ah. Dhacdadan ayaa maanta oo jimcaha ah waxey ka dhacday agagaarka wadada Stockwell.

Ninkan la dilay ayaa waxa si rasmi ah u sheegay shaqaalaha gar gaarka deg dega ah.  Illo kale oo xog ogaal ah oo u waramayey telefeyshinka SKY News ayaa sheegay in ninkan la dilay la rusan yahay inuu ku lug lahaa qaraxii maalintii shalay aheyd ka dhacday magaalada London. Balse Booliska arrintaasi kama aaney bixin tafaasiil intaas dheer. Goob joogaha la yiraahdo Briony Coetsee oo u waramayey BBC-da qaybta Af-ingriisiga ayaa sheegay intey ku jireen halka tareenada lugu sugo oo dhulka hoostiisa ah ay maqleen cod leh "U bax banaanka U bax banaanka" kadibna ay ugu xigtay dhawaqa xabado la riday.

Goob joogahan oo warkiisa wata ayaa intaas ku daray ayaa sheegay iney arkeen nin isku riixayey dadkii rakaabka ah oo xoog ku maraya ilaa markii dambe uu ka soo daba orday nin ciidan ah oo sitay dhar cad, dabadeedna ay boolisku hulka ku cadaadiyeen dhulka madaxana kaga toogteen shan xabadood.

Sida laga soo xigtay xarrunta Scotland Yard, ninkani waxa uu ku socday inuu xiro banbo kale. Booliskana waxaa labo toddobaad ka hor amar lugu siiyey iney toogtaan cidey uga shakiyaan argagaxisada.
 Stockwell waxey taal agagaaarka maxadada The Ovel oo ah meeshii shalay lugu xiray bamka. Qadadka mara tareenada  Vectoria, Northen ayaa gebi ahaanba la xiray iyadoo xitaa sidoo kale laga mamnuucay gaadiidka dhamaan  ku soo dhaca aagagaasi. Booliska ayaa markey ninkan dileen waxey isku gadaameen Masjid kuyaala koonfurta London kaasoo lugu sheegay iney yaaliin waxyabaha qarxa, balse ay noqdeen kuwo been ah.
 
londonDalka Ingiriiska ayaa iminka xaalad aan caadi aheyn soo wajahday iyadoo dadku cabsi badani heyso, kuwaasoo ka baqay iney raacaan gaadiidka mara dhulka hoostiisa xitaa basaska. Laakinse cabsi kasta oo jirta dadku wey ku qasban yihiin iney raacaan gaadiidyada kala duwan ee iskaga kala gooshta London.

Sawiradii hore ee dadka lagu tuhmey qaraxyadii July 7 ka eeg halkan...

Waxaa Qortay, Ikraam Cali-kaar

London- Uniterd Kindom

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2005

Sawirada: www.cbc.ca

Xisbiyada mucaaradka oo ka digay dagaal Itoobiya ka dhaca
ka akhri wararkii radio Xorriyo... Guji... July 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD