SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - UK
"QARAXYADII LONDON OO JAWAAB U AHAA DUULLAANKII BRITAIN EE CIRAAQ"

July 19, 2005

Baaritaan ay maanta daabacday wargayska The Guardian ee Uk ka soo baxda ayaa wuxuu qoray in weeraradii 7-da bishaan luulyo lala beegsaday meelo ka mid ah London ay ugu wacnayd taageeradii Blair ee uu Mareekanka kagala qaybqaatay duullaankii Ciraaq, aragtidan sida uu wargayska sheegay waxaa qaba saddax meelood laba meel shacabka Ingiriiska. 


Blair

Tirakoobkan ay diyaarisay mac-hadka ICM ayaa tilmaantay in shacabka ingiriiska 33% ay aaminsan yihiin in Ra’iisal wasaarahooda Tony Blair uu “inta badan” mas’uul ka yahay qaraxyadii London ka dhacay, halka 31% ay “in yar” oo shacabka ingiriiska ka mid ah ay mas’uuliyadda qaraxaas dusha uga tuureen Blair duullimaadka ciidamdiisa ee Ciraaq sannadkii 2003-kii. 


ka bilow midig: Hussain, Lindsay, Khan iyo Tanweer

Dadkii ay mac-hadka ICM waraysatay ayaa 28% sheegay inaynan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya qaraxyadii dhowaanta ka dhacay London iyo duullamaadkii ciidamada Britain ee Ciraaq. 

Inkastoo maamulka Blair ay gaashaanka ku dhufteen inay xiriir ka dhaxeeyaan qaraxyadii London iyo duullamaadkii Ciraaq, haddana waxaa si weyn u soo if baxaya cabsida shacabka ingiriiska ay ka qabaan in markale lala beegsado qaraxyo kaloo ka dhaca dalka meelo ka mid ah. 

Baaritaanadii booliiska Ingiriiska ay sameeyeen ayay ku sheegeen in qaraxyadii London ka dhacay 7-dii bishaan ay fuliyeen 4 nin oo 3 ka mid ah ay ka soo jeedaan Pakistan, halka kan afaraadna oo Jamaican yahay. Saddaxda dhalashadooda bakistaanka yihiin waa  Shehzad Tanweer (22 jir), Mohammad Sadique Khan (30 jir), iyo Hasib Hussein (19 jir).


hasib

shehzad

mohammad sadique

Maadaama nimankan ay ku dhinteen qaraxyadaas, haddana waxay booliiska daba joogaan siday ku heli lahaayeen goobihii iyo maskaxdii ka danbaysay qaraxii London oo ay ku dhinteen wax ka badan 56, halka dhaawucuna aad u badan yahay. 


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Imaamyo miisaan culus ku leh ummadda muslimiinta dhexdooda ayaa si ba’an u canbaareeyay qaraxyadaan, iyagoo sheegay inay sumcad xumo hor leh ay u soo jiidayso islaamka iyo muslimiinta. Dr. Yusuf Al-Qaradaawi ayaa bayaan u soo diray shabakadda islaamiga ee islamonline ku sheegay inuu aad uga xun yahay qaraxyadii ka dhacay London, isagoo dheegay inay shareecada islaamka xarimtay  in la daadiyo qof aan waxna galabsan oo aamin ah.  

“Falal waxshi ah oo aad u foolxun oo weliba islaamka si weyn u diiday” ayuu sheekh Yusuf Al-Qaradaawi qoraalkiisa ku sheegay.

Waxaa la ogsoon yahay laga soo billaabo maalintii ay dhaceen qaraxyadii London in muslimiinta loo gaystay 300 falal aargoodsi ah oo isugu jira dil, waxyeello la gaarsiiyay masaajiddo iyo aflagaadooyn iyo falal cunsurinimo si joogto ah loola beegsanayay muslimiinta ku nool carriga England.

ISHA:www.guardian.co.uk/attackonlondon/story/0,16132,1531387,00.html

Tarjumadii:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

Faafin: July 19 , 2005


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY


Somali ku xirnaa Israil oo is dili gaaray

Sida ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan dambe  u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo qaxootinimo balse dal aqbala may helin... Guji...  Jun 20, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD