SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - WARAR

MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA
MASE CIRAAQ, MASE KUURIYADA WOQOOYI?
tarjumadii: Ibraahim Saalax | SomaliTalk Yurub | Jan 20, 2003

Wargayska caanka ah ee Times ee ka soo baxa dalka Mareekanka ayaa isagoo sameynaya tirakoob weydiiyay aqristayaashiisa su'aashan "dalkee baa dunida khatar weyn ku haya, ma Ciraaq baa mise Kuuriyada Waqooyi mise dalka Mareekanka??". 

SWEDEN
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI...  

Natiijadii ka soo baxday cod-bixintaas waxay noqotay inuu dalka Mareekanka yahay dalka khatarta weyn ku haya nabadda adduunka. Dadkii codkooda bixiyay waxay 82.5% ay sheegeen inuu Mareekanka khatar ku hayo caalamka intiisa kale, iyadoo sidaasi meesha uga saartay cabsidii lagu sheegayay dalalka Kuuriyada waqooyi iyo Ciraaq-ba. [Eeg halkan]

Tirakoobkan ayaa mar dhow lagu soo daabacay Wargayska Times qaybtiisa lagu soo daabaco Yurub. Aqristayaasha shabakadda Times waxay xuseen in 9.4% ay Ciraaq khatar ku tahay nabadda adduunka, sidoo kale 8.2% ayeey Kuuriyada waqooyi ku sheegeen inay halis ku tahay nabadda dunida. Dadyoow badan ayeey la yaab ku noqotay baaritaankaan ka soo yeeray wargayska mareekanka ee Times, iyadoo sida la ogsoon yahay uu dalka maamulka Mareekanka u kala qaybiyay dunida kuwo iyaga shar-badanayaal ah iyo kuwo saaxiibayaal ah.

Inkastoo natiijada ka soo baxday baaritaankaan ay ka madax bannaan tahay aragtida maamulka wargayska, haddana waxay dad badani u fahmeen iyadoo laga fahmayo sida ilaa xadka ah ee uu wargayska aqristayaashiisa ugu fasaxayay xorriyadda fikradahooda gaar ahaaneed. Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dunida meelo badan oo ka mid ah laga dhigayay bannaanbaxyo looga soo horjeedo dagaalka laga yaabo inuu Mareekanka ku qaado Ciraaq, iyadoo xujjada uu u cuskanayo ay tahay inay Ciraaq haysato hubka sida daran wax u gummaada.

Wargayska Times ayaa si jees-jees leh u soo bandhigay markuu yiri "Ciraaq iyo Kuuriyada waqooyi ayaa dabcan soo galaya dowladaha khatarta dunida ku hayo waa sida ay qabaan madaxweynaha Bush iyo Ra'iisal wasaaraha England ee Tony Blair kadib markii ay ku adkeysteen inay haystaan caddeymo cad-cad oo tusinaya beenta uu sheegayo Saddam Hussein ee ku saabsan inuu haysto hubka sida ba'an wax u gummaada, iyadoo ay jirto inay Ciraaq soo gudbiyeen 12 000 bog oo ay ku sharxayaan mowqifkooda ku aaddan hubka niyuukleerka...".

ISHA: Bogga codbixinta Times: http://www.time.com/time/europe/gdml/peace2003.html

WAXAA ISKU SOO DUBARIDEY:
 Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
[SomaliTalk Yurub]
STOCKHOLM, SWEDEN

SOMALITALK.COM | Jan 20, 2003 

Bannaanbaxyo Dhan Ka ah Dagaal Ciraaq
Sabtidii waxaa Dunida  Hareeyeen Banaanbaxyo lagu diidan yahay Dagaal lagu qaado dalka Ciraaq. Dalalkii laga mudaharaaday.. GUJI...

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya oo kuusoobaxa markaad Internetka gashid

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive
Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA: Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI.... |
a

WARARKII SOOMAALIDA SWSWEDEN

Dec 14, 2002: Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
Sept 13, 2002: Guddoomiyaha UEFA oo la kulmay Soomaalida Sweden...
Sept 13, 2002: Xaalada Soomaali Swedish ah 
Agosto 30, 2002:  Ma runbaa in soomaalidasweden ku badan yihiin xisbiyada siyaasadda marka la barbardhigo wadamada kale ??
Agosto 17, 2002: URURADA SOOMAALIDA BORLÄNGE OO KU MIDOOBEY DANAHOODA 
July 14, 2002:  MAREYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KA SAAREY LABO KA MID AH 3-DA SOOMAALIDA SWEDEN
May 24, 2002: BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM
May 22, 2002: 10-jir ku niyeystay, 40-jirna ku guuleystay  PHD - Dr. Cabdullahi Warsame Afrax  
May 18, 2002:  KULAN DHEXMARAY QEYBTA QAXOOTIGA IYO URURKA DHAQANKA GEESKA AFRIKA EE DEGMADA BORLÄNGE SWEDEN .. 
May 6, 2002: Sweden: Shir lagaga hadlay arimaha murugsan ee  Geeska Afrika 
July 1, 2000:  MASJID WEYN OO LAGA DHISAY MAGAALADA STOCKHOLM EE DALKA SWEDEN
Feb 28, 2000: AAYAHA SOOMAALIDA SWEDEN OO SOO IFTIIMAYA...
HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE SOM.SWEDEN 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002

MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7/2002

Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen,   ayaa..GUJI.  June 2/02 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD