SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - GOTHENBURG

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden.

Ikraam Cali-kaar | SomaliTalk | Gothenburg, Sweden | Dec 14alkarama

Rabshaddo dhaliyey buuq iyo dhaawac ayaa hareeyey tartan ku saabsan Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Sweden oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro degen magaaladda Gothenburg, kadib markii kooxo wadaado ah oo careysani iyo dadkii qaban qaabiyey xafladaasi ay fooda dagaal is dareen habeenimaddii sabtiga soo galeysay tariikh-duna ku beegneyd 13.12.2002

Hoos Akhri

Tartankan aan noociisa weli lugu qaban dalkan Sweden gaar ahaan magaaladda Gothenburg oo ah caasimadda labaad ayaa isubadalay mid ay hareeyeen rabshado iyo qalalaaso.

Culimadda ku dhaqan magaalada ayaa digniin ka bixiyey in falkani uu yahay mid ka dhan ah Islaamka iyo gabadha muslimada ah,loona baahneyn in la qaban qaabiyo barnaamij noocan ah oo diintu baneyn. 

Yacquub Maxamed oo kamid ahaa dhalinyaradii halkaasi u tagay iney soo arkaan tartankan gabdhaha quruuxda ayaa ii sheegay in meesha rabshado ka dhaceen,kadib markii wadaadadu ay is taageen albaabka laga galo halkii lagu qabaneyey xaflada,waxaana wadaadadaasi celinayeen dadkii rabay iney u daawasho tagaan.

"Taalibaan ayaa halkan jooga" ayey tiri gabar xanaaqsan aan magaceeda laxusin oo u waremeysay wargeys kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee la yirhaado (Aftonbladet).

Muran xoogan oo dhaxmaray raggii qaban qaabinayey xaflada iyo wadaadadii kasoo horjeeday tartankasi ayaa isu badalay gacan ka hadal sida uu ii sheegay mid kamid ah dadkii ka qeyblay xalfadaasi oo codsaday inaan xusin magaciisa. Waxaana ay keentay in halkaasi markii danbe yimaadaan ciidamadda booliska magaalada oo eeyo watay kadib markii qof aan la garaneyey oo kamid ah wadaadada uu taleefana soo diray kuna hanjabay in uu dab qabadsiinayo halka xafladu kadhaceysay.

Sida sawirka kamuuqatana waa wiil ay qabteen booliska magaalada oo ay garbo duub u xireen iyagoo isku dayayey iney joojiyaan qaskii halkaasi kasocday.

Si kastaaba arintu ha ahaatee waxaa ay sheegeen wadaadadii kasoo horjeeday tartankaasi lagu sheegay "Quruxdda Gabdhaha" iney aheyd mid lagu damacsanaa in lagu soo bandhigo jirka gabdhahaasi soomaalida ah.

Hase ahaatee waxaa beeniyey mid kamid ah qaban qaabiyaaashii oo sheegay in waxa ay wadaadadu ku andacoonayaan ay tahay mid kutiri ku teen ah."Hada kahor ayaa tartan noocan oo kale lagu qabtay magaaladda London ee dalka Ingiriiska halkaasi lagu soo bandhigay cowrada gabdhaha sida aan maqlay" ayuu yiri mid kamid ahaa wadaadadii halkaasi joogtay.
best photo 2000 Sawirkan waxaa xushay wargeys ka kasoo baxa Canada, una xushay quruxda sannadkii 2000 Halifax Herald
Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida. akhri qoraalkii startribune ee 2000 iyo gabdhaha Soomaalida Minnesota 

Qaar kale oo halkaasi joogay ayaa iyaguna sheegay in mid kamid ah ragii qaban qaabiyey xafladaasi uu kamid ahaa ragii waxyeeladda kasoo gaartay dhibaatadii hada ka hor ka dhacay meel ay iskugu yimaadeen dhalinyarro badan markaasina dab ku qabsaday,halkaasina ay ku geeriyoodeen 63 qof. "Ma dooneyno in dhalinta da'da yar ee halkan imaaneysa qamri loo keeno,dad badanina ay yimaadeen" ayuu yiri ninkaasi wadaadka ah ee kasoo horjeeday xafladaasi.

Hase ahaatee waxaa taas gaashaanka ku dhiftay oo beeniyey mid kamid ahaa qaban qaabiyayaashii joogay goobta oo weliba wargeyska tusiyey halkii ugu keydsanaa cuntada iyo cabitaanka oo sheegay in aanu oolin meesha wax qamri ah.

Rabshadihii ka dhacay xafladii loogu talagay quruxda gabdhaha soomaalida ee loogu magac daray "Miss Somalia" ayaa keenay in shan qof xabsiga loo taxaabo kuwaasoo lagu eedeyey iney rabshadaha ka abuureen goobtii xafladu kasocotay halka mid kale oo dhaawac ah loo qaado cusbitalka..

Waa markii ugu horeeysay ee dalkan Sweden gaar ahaan magaalada Gothenburg laga qaban qaabiyo xaflad noocan ah, waxaana ay dhalisay buuqyo rabshado hareeyey xalfdan oo culimada diintu ku diidan yihiin. Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaan looga baran in tartan noocan oo kale laga sameeyo Diinta Islaamka oo raali ka aheyn awgeed. Hase yeeshee tan iyo intii ay bur burtay dowladii Soomaaliya waxaa dadweynihii soomaaliyeed ee barakacay dhaxleen dhaqamo siloon oo Diinta iyo dhaqanka soomaaliyeed ka soo horjeedo sida tartankan loogu magac daray "Quruxda Gabdhaha ee Miss Somalia".

Dhacdadii ka dhacay magaaladda Gothenburg, ayaa keentay in warbaahinta magaaladda ay siyaabo kala duwan ku fasirto oo markaasi lid ku ah dadka soomaalida.

WQ. Ikraam Cali-kaar 

Gothenburg, Sweden.

Email: ikraam@journalist.com 

Somalitalk | Dec 14, 2002

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11 

Salmaan Rushdie oo Difaacay Ayaan Xirsi
Ayaan oo ah gabdhii Soomaaliyeed ee u gaftey diinta Islaamka ayaa waxaa difaacey Rushie oo cidkale ku aaminiwaayey..  GUJI...

Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11

I  I  D  H  E  H

 Fariimo Dhiig Xambaarsan ayaa ka imanaya Hargeysa
Faaladii XagarYare [Germany] GUJI...
Mowqifka Somaliland iyo Meermeerka Reer Sool
Faaladii Maxamed Cabdi Diridhaba [Pakistan] GUJI...
Shaxda Eldoret: Yaa ku Guulaysan- Yaa ku khasaari?
Faaladii Siciid Cali [Canada] GUJI...
Yaa sababay dagaalkii ka dhacay Laascaanood
Maqaal: Ibraahim Maxamed Huruuse GUJI...
Somaliland ma wax jiraa mise waa sheeko hore...
Maqaal: Axmed Maxamuud GUJI...  

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD