SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
 YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?

sida,aynu wada,ognahay waxaa 7/12/02 weerar lama filaana kusoo qaaday magaalada lascaanood kornayl daahir riyaale kaahin oo ,udhashay gobolka,awdal.

Hoos Akhri

alkarama

kornayl riyaale,oo watey sodon gawaadhida dagaalka,ah iyo kuwa dhaawca lagu qaado,ayaa sikedisa magaalada ku soo galay. dadweynihii magaalada,ayaa markay arkeen bilaabay buuq sawaxan qaylo,iyo mudaharaad iyaga,oo diidan imaatika kornayl riyaale,iyo fegrediisa xagjirka,ah ee gooni,ugoosadka,ah.

markuu,arkay isusoobaxa dadka,ayuu ku bilaabay dagaal kaasoo ,uu hore,ugu soo talagalay qalabkiisana watey.

waxaa sifiican isu difaacay shacabkii reer laascaanood oo,aan ukala hadhin rag iyo dumarba taageerana ka helay bileyska magaalada,oo ka,amar qaata maamulka puntland iyagoo dadka,intiisa badani ku dagaalamayey dhagax iyo,ulo. kornayl riyaale,ayaa dadkii shacabka,ahaa,u,adeegsadey hubculus inkastoo,uu ku guuldaraystay inuu joojiyo mawjadaha kacdoonka shacabka.

halkaana waxaa ku shihiidey 4qof halka,ay 8 sideed kalena ku dhaawacmeen dadkaasoo ,uu laayey kornayl riyaale lama garanayo khasaaraha dhiniciisa soogaadhey waxase cad inuu soogaadhey khasaarihii,uu lacararay.

kornayl riyaale,oo,u qaadan waayey sida,uu,ugusoo diyaargaroobey dagaalka ,iyo sida looga,adkaaday ayaa markuu magaalada caynaba gaadhey ku hanjebey inuu dagaal dambe ku soo qaadi doono magaalada laascaanood isgoo,aan marna kahadlin dadkii,uu laayey. hanjebaadaa,oo lagu macnaynkaro GARQAB OO GAADAKUDAR AMA DAMEERTII GEELA DIDISAY WELIBA,IYADAA BURURUFLE. hadaba ,isagoo dagaalkaasi xiisad iyo dhib ka,abuuray gobolada deriska,ah ee SOOL,TOGDHEER IYO SANAAG.

waxan dadka goboladaa degan u sheegayaa,in dantoodu ku jirto nabada wada noolaanshaha deris wanaaga,iyo walaaltinimada. ayna,iska,ilaaliyaan waxkasta ,oo dhibka sii kordhinaya, ogaadaana dagaalka,uu bilaabay kornayl riyaale ,indhikiisu ku dhacayo dadka degaanka,ah isguna,uu ku noqonayo degaankiisii halkaana,uu kadaawanayo huluca ,iyo manbaaburaha dagaalka ,idaacadahana kadhegeysandoono hadba meesha dhibku marayo.

waa halka,ay soomaalidu katidhaado NIN AAN KUU FURIDOONIN YUU KUU RARIN. waxan kaloo xasuusinayaa waxgaradka reer AWDAL inay garwaaqsadaan oo dusha, uritaan dhibkii wiilkoodu geystey. unatagaan dadkii dhibku gaadhey ee dadkooda lalaayey sidii dhaqanka soomaalidu,ahaan jirey. 

Waxaa somaliTalk soo gaarsiiyey

IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE

Suaddl@aol.com 

Dec 14, 2002

I  I  D  H  E  H

 

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12

... ELDORET: Taxanaha Wararka

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

 SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]