SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - GERMANY

WOQOOYI SIDEE LOOGA ARKAY DAGAALKII LAASCAANOOD?

XagarYare | SomaliTalk Germany | Dec 8, 2002

WQ. XagarYare

Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laas caanood, magaala madaxda gobolka sool. degaal kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii uu ku tagay halkaasi madaxwaynaha jamhuuriyadda isku magacawday somaliland mudane Riyaale kaahin oo doonaayay inuu dadka halkaasi ku soo qanciyo in ay si hufan uga dhiibtaan codkooda doorashooyinka lafilayo in ay dhowaan ka dhacaan gobolada woqooyiga soomaaliy. Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
   

Doorashadan iyo booqashadan ayaa aad looga digay, jaaliyadda sool iyo sanaag ee wadamada carabta ayaa dhowr jeer ku celceliyay in ay cawaaqim xumo dhalin karto doorashooyin ay leedahay somaliland oo goobahaas laga abaabulo, iyadoo jaaliyaduhu dusha ka saaray masuuliyadeeda maamulka somaliland cawaaqib xumada ka timaadda. dhanka kale qoraal uu soo gaaarsiiyay xisbiga siyaasiga ah ee layiraa darwish kenyan party somalitalk ayaa si dhowaaq dheer leh uga digay booqasho uu ku tago goobahaasi maamulka somaliland. waxaase uu mudane riyaale kaahin tegey sool magaaladiisa laascanood isagoo baaqyadaasi aad u dhayal sanaya, waxaa saacado uun kadib cagadhigidiissii la kowsatay weerar lixaad leh oo aan isaga iyo wafdigiisa loo,aabo yeelin.

Saxaafadda somaliland ayaa dagaaladaasi siyaalo kala duwan umacnaysay. jariirad kamida jariiradaha somaliland oo ku soo baxda afka ingiriiska ayaa waxay dagaalkasi cinwaan uga dhigtay "SOMALILAND UNDER ATTACK" ereygaasoo ay warbahinta maraykanku horay u isticmaalayeen xiligii sida xun loo weeraray New-York, Washington iyo pentagon 11kii september 2001 "AMERICA UNDER ATTACK":

jariirado kale ayaa cinwan ka dhigtay "terror attack to peaceful somaliland" dagaal argagixiso dalka nabadda ah ee somaliland".

idaacada layiraahdo (RADIO SOMALILAND):ayaa war uu siidaayay 7/12/2002 waxaa uu warka madaxdiisa kadhigay" ciidamo majeerteeniya oo weerar gaadmo ah ku sooqaaday laascaanood ayaa magaalada dib uga baxay" warkii oo fidsan markii uu wariyuhu yiri ayuu warka sidan u dhigay ""ciidamada maamulka majeerteenka ee weerarka gardarada ah ku soo qaaday wafdiga soomaalilands ayaa magaalada laascaanood DHANKA BARI UGA BAXSADAY KADIB MARKII AY KA BAQEEN IN LA QAQABTO"; iyadoo idaacadu hadalkeeda siiwadata waxa ay tiri "madaxweynaha somaliland iyo wafdigiisa ayaa budhcadda weerartay ee majeerteeniya oo aan badnayn lasheegay in ay u socdeen in ay khalkhaliyaan amniga magaalada".

waxay idaacada RADIO SOMALILAND sheegtay in mdaxweyne riyaale ciidamadiisii uu watay intaanu laascaanood galin uu kaga sii tagay degmada caynabo si,aanay baytiri idaacaddu dadweynaha laascaanood uga shakiyin, (inkastoo aysan aniga ii muuqanin sabta ay ciidamada amniga madaxweynaha ee kolkii horaba inay isaga ilaaliyaan ula socday ay markii ay joogeen meeshii ugu xumayd ay ka haraan uun).

televionka madaxa banaan ee fadhigiisu yahay magaalada burco ayaa isnna soo tabiyay in ciidamo baaxadl eh laga dhex abaabulaayo gobolka togdheer halkaasoo laga dareemaayo dhaqdhaqaaqa magaalada burco, waxaanu televionku sheegy in ciidamadaasi la dulgayn doono magalada laascaanood.

madaxweynaha somaliland mr riyaale ayaa haatan jooga baalaleeyahay magaalada caynaba kadib markii dagaalka lagaga soosaaray laascaanood ,wuxuuna isu diyaarinayaa sida wararku nagu soo gaarayaan in uu dib ugu noqdo halkasi.

wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboleedka puntland ayaa booqashaadaasi ku tilmaamay faragalin dalshisheeye, isagoo wasiirku sheegay in cidii jabisa xeerka socdaalka ee puntland talaabo sharciya oo arintaasi la xiriirta laga qaadayo.

Waxaa isku soo dubaridey XagarYare  | xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany | Dec 8, 2002

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

----dhammad----

<><><><><><>

"Ururka Darwiish Party oo tacsi u diraya ...."  GUJI... 

<><><><><><><>

Yusuf C/casiis oo Laga Soo daayey Xabsiga Bosaso
Yusuf C/casiis Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Sarsare ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta kowdii duhurnimo laga soo daayey... Guji..


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Atlanta, USA 
Ninkaas Soomaaliyeed oo markii uu soo tukadey salaadii taraawiixda kasii aadey shaqo ayaa .... GUJI  8/12

Zenawi oo Qaraxii Mombasa ku eedeeyey Soomaali 
waraysi uu Zenawi bixiyey markii uu kasoo laabtay Ameerika ayuu ku sheegay in qaraxii Mombasa ay.. GUJI 8/12

AL-HASSANI: Makutaameysaa inaad wadamada carabta timaadid?

CASHARKII 36aad EE SIIRADII RASUULKA (SCW) 
Bilaabitaankii Duullaamadii Jihaadka.... GUJI [Wd. Cusman Bilaad]

Yusuf C/casiis oo Laga Soo daayey Xabsiga Bosaso
Yusuf C/casiis Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Sarsare ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta kowdii duhurnimo laga soo daayey... Guji..

Ururka Darwiish Party Kenya oo u digey Madaxweynaha Somaliland
warsaxaafadeed ururkaasi soo gaarsiiyey SomaliTalk ayuu ku sheegay inay digniin kabixinayaan safarka iyo... Guji.... 7/12

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji.... 6/12

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji.... 6/12

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD