SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

  Makutaameysaa inaad wadamada carabta timaadid?????

Al-Hassani | abuzuhri1@hotmail.com |  Dec 8, 2002

Dhalinyaro badan oo aan saaxibo aheyn oo Mareynkanka iyo Europe aaday ayaa waxaan kusheekeysan jirney in aaditaanka wadamada gaalada aaysan sidaas usii jecleyn balse ay doonayaan inaay ugu danbeyntii kusoo laabtaan wadamada Carabta ayagoo passport European ama American ah sita waayo waxaan aaminsaneyn inaay carabtu qadariso dadka soo qaata sharciga reer galbeedka. 

Waxaan sidoo kale kutaahi jirney inaan Jaamacad ka galidoona ama luuqada carabiga aan kasoo barandoona ama koroorsi xaga cilmiga diinta Islaamka.Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
   
"Soomaalida u soo Guur Timaada Dalka Hindiya oo Baryahan Batay"... Warbixintii Cabdiaziz 

Hadaba saaxibayaal dadkiina kunool wadamada gaalada waxaan idinleenahey marka hore, Allah ha,idinka soo aruuriyo idinka iyo wixii aad geyseen wadamadaas ee caruur iyo dumar ah.

Tanlabaad wadama carabta iska hilmaan inaad timaadid ilaa inaad weysid meel dhaanta oo kale wallow Somalia hanoqotee. Taasina micnaheeda ma’aha inaan kuleeyahey wadamada gaalada ayaa kuu dhaama ama aan kugu abuurayo carab naceyb. Waxaan filaya fadliga carabta ay kuleedahey taariikhda Islaamka waa marag madoonto!

Mar haddii uu asalkaadu yahey qof kasoo jeeda wadamada carabta ama muslimka laakinse aad sidatid passport European ama American ah, waxaay kuu tixgilinayaan Jinsiyadaadii hore marka ay timaado howlaha shaqo siinta iyo mishaarooyinka oo kuxiran hadba cida aad tahey .

Tusaale ahaan 3qof oo macalimiin ah oo mid uu yahey American,midna British iyo kankale oo Jordanian ah, waxaa umishaar sareeya American, Britishka, waxaana ugu hooseeya Jordanian xitaa haddii uu Jordanianka wato passport American maadama uu kuhadlaya luuqada carabiga ama muslim yahey.

Dadka caadiga ah ee aan laheyn aqoon diineyd(waana sida ay ubadanyihiine) way layaabayaan dhalinyaro katimid America iyo Europe marka ay kuyirahdaan: “ Waanu soo haajirney!”

Shaqo raadista ayaa kuxiran waxa looga yaqaan halkaan Waasdhah(waasteen ama yaad taqaan). Shaqooyinka ama joogista dalka ayaa kuxiran Kifiil ama sponsor wadani ah. Haddii sponsorshipka aad kuwareejisid qof ama shirkad oo aad dooneysid inaad kawareegtid lama ogola ama waa inaad dalka isaga baxdid kumana soo noqonkartid mudo 2sano dugohood ah.

Dhanka waxbarasha ayagooba aan kufiicneyn markii horaba haddana waa lacag. Jamacada Diinta looma ogala qof kaweyn 25jir markaas secondary soo dhameeyey.Dadka soo muslimaya ayaa kudhibaato qabo oo doonaya inaay galaan jaamacadaha balse loo diidaa maadama ay weynaadeen mana jiraan xarumo (centers) u gaar ah oo ay kahelaan waxbarashada aay ubaahanyihiin.

Dhanka caruurta ayaan waxba dhaamin kuwa kusoo korey wadama gaalada marka ay noqoto xaga akhlaaqda ama tarbiyada .

Waxaa aad u’adag inaad aragtid cunug Qur’aanka dhameeyey Somali ama cidkalaba! Haddii aanu Somali nahey arintaas aad ayey ceeb ugutahey dadka soomaaliyeed waayo waxaan naqaaney kumanaan cunug oo qur’aanka dhameeya sanad kali ah ayagoon maal-galin dowladeed ama hay’adeed haysan!.

Xaga schoolka caadiga ayaan waxbarasho fiican laheyn. Macalimiinta ayaa inta badan isaga mashquulsan Tuition habeynkii oo dhan. Macalinkii oo aad udaalan ayaa imaanaya subixii. Taasi waxaay kuqasabtey inaay waalidiinta lacag tuition ah bixiyaan ama ay geeystaan madarasooyin reer galbeed ah oo qaali ah haddii kale dhowr maado ayuu cunuga kudhacaya sanadkii mara imtixaanka laqaado.Intaas waxaa dheer ayadoo sanad waliba labadalo manhajka waxbarashada.

Gawaarida casriga ee automatic ah, cellphone dhamaystir [full option] ah, Bleep, iyo satellites laga daawanaya in kabadan 500 channels ayuu qof waliba kumash-quul-sanyahey.

Bangiyo magac islaami wata ayaa dadkii deyn kabuuxiyey, gaar ahaan gawaarida .Waxaad arkeysaa ayadoo laysigu faanayo landcruiser 2003 iyo waxa lamid ah. Xaaskaada inta aan lagaarin ayey caruurta kuweydinayaan marka aad landcruiser usoo iibindoontid!

I  I  D  H  E  H

Baaahida inaad gaari iibsatidna waxaay lamidtahey sida guryaha waayo magaalooyinka Khaliijkam malaha gawaarida dadweynaha ee caadi ah (normal public transportations) sida buseska oo kale.

Dumarka oo caadatan aan soo adeegan ayaad kuqasbadantahey inaad soo adeegtid ama aad ka keentid shaqeele wadama bariga Asia sida Indonesia iyo philibinno taas oo sida ay dadka ubadanyihiin aysan awoodin.

Waxaan kula talinlahaa Somalida high professionals ah,sida dhakhaatirta, Eng. Iyo wixi lamid ah inaay shaqooyin karaadsadaan wadamada carabta ayagoo jooga dibida (karaadi online pages)waayo wax waliba adigoo meeshaada jooga ayey kuu dhamaanayaan.Sidoo kale waxaa lagula heshiinaya sida adigoo dalkaas jooga. Waxaad heleysaa wax aadan heleynin marka aad halkaan heshiis kula gasha shirkada ama dowlada. Mana ogaan karaan Jinsiyadaada ilaa aad halkaan katimaadid.

Dad soomaaliyeed oo muda badan joogey ayaa dalka laga ceyriyey kadib markii ay joogeen wadamadan in kabadan 50sano. Qaar markaas kadib kasii aadey wadamada reer galbeedka ayaa lasoo siiyey passport iyo sharci iyo guri iyo cunto bilaash ah ayagoo joogey mudo kayar sanad markaas ayey booqasha ugu yimaadaan carabtii ay wada joogi jireen in kabadan 40 sano ee udiidey Iqaamad yar oo dalka kujoogan.

Cudurada caanka meeshaan ah ayaad layaabeysa. Walwal joogta ah, walaac aan dhamaaneynin iyo murugo iyo tiiraanyo sidaban keenaan shaqo raadin iyo qofka oo kabaqayo in shaqada laga ceyriyo bilaa sababla’aan!

Ciidkum, Mubaarak,Casaakum min cawaadah! 

Al-Hassani

December 7, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 Sida Looga Ciiday Doha
Sida looga ciido dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan.... GUJI.. 5/12

AbuZuhri: Kaydka Wararka


 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD