SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - DOHA
 Sida Looga Ciida Doha
WQ. Al-Hassani | SomaliTalk.com | Eid Fidri 1423

Sida looga ciida dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan Somalia iyo Kenya haddii aad soo martey magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC

Suuqa Alkarama: 

Ma u baahantahay dukaamo iyo xafiisyo kiro ah, la xiriir Alkarama Somali Mall oo kuyaal xaafada Cedar ee Minneapolis, USA. GUJI... 

Soonka iyo Ciidaba waxaad kala soconeysaa raadiyaha iyo televisionka waayo wasaarada arimaha diinta ,qaybta uqaabilsan raadinta bisha ayaa loo daayey arintaas. Uma baahnid inaad latashi ugu tagtid Imaamka masaajidka bal inuu idin tujindoona iyo inkale.

Gantaalaha lidka diyaaradaha ayaad maqleysaa marka ay ciida tahey farxad darteed!.Haddii aad iminka Somalia katimid waxaad isleedahey : “Sow tan lays galey ee naga cararsiiya” Waayo xabad farxad looma rido Somalia in qof lagu dilaayo mooyee!

Salaada ciida waxaa loo tukadaa sicajiib ah. Waxaa laysugu yimaadaa Musalayaal w/weyn oo loo dhisey.Rag gooni ah ayaa kaqudbeeya oo soo diyaariyo mowaadiicda ay u’arkaan inaay kuhaboontahey in lays xasuusiyo. Sida badan waxaa lala fuula America iyo Israel oo labadaba laleh wadamada Arabta xariir hoose.

Ayadoo tobankii dambe oo dhan uu dalku isaga jirey fasax inta badan shaqooyinka dowlada ayaa waxa bilaamaya 5beri oo kale oo ay dheertahey Khamiis iyo Jimcaha.
SALAAMAHA CIIDA
Eidmubarak.com

Bluemountain.com

Egreetings.com

Greetings.yahoo

khalidmosque.com

Telephonka soo dhacaba,wuxuu qofku kugu salaamaya ducooyin dh/dheer; eg; kulucaamin wa’antum bikheyr, ciidukum mubaarik iyo casaakum min cawaada iyo eroyo aad umacaan.

Africa caawo oo kale ayaa ugu walaac badan sida loo ciidayo iyo ciddii lala ciidilahaa. Dadka ayaa kusoo noq noqda masaajidyada si’ay u’ogaadaan bal in latukanayo iyo inkale.

Waxaan xasuustaa chief Qaadiga Mombasa oo Ramadanka 2 ama3 beri horey ama dib udhiga, ciidana waxuuba sii sheegaa inta aaney bisha dhamaan 10beri kahor.

R/Gaarisa ayaa ayagu ciida goor ay isku afgartaan ayagoo eegaya maslaxada degmada ay joogan.

Sheekadu waxay kusaabsantahey habeynkaas oo dhan micneynta Xadiithka kahadlaya Madaalicda oo ay Somalida iyo meelo badan oo aduunka kamid ah uheystaan inaay jirto labo bilood oo kasoo kala baxaya labo tuulo oo isku dhagan sida Mandera iyo B/Xaawo oo uu kala qeybiyo silig ay kuwareejisey Kenya.

I  I  D  H  E  H

Somalia ayaa gobalba gobal kubeeniyaa inaay bisha arkeen. Masaajidyada qaarkood ayaa dadka kuqasba Soon iyo Suxuur si’ay u khilaafaan masaajidka ama qolada kale ee ay is hayaan . Qaarkood waxaay sheegayaan inaay S/cuudiga khilaafayaan wallow aysan wali ku khilaafin Xajka kaas oo kusocdo hadba maalintii la’afurey ee bisha la’arkey.

Farxada aan soo sheegey ee aan halkaan(Doha) kuciideyno , ayaa dhankale waxaa jira dhibaatooyin aan ladhayalsankarin. Marka hore caawo oo kale meeshaan waxaa lays weediyaa ciddii aad siin laheyd Zakaatul fitriga waayo miskiin raashin raadinayo meeshaan majoogo. Hay’adooyin aruurin jirey,waxaan maqley albaabada ayaa loo xirey wixii kadanbeeyey waagii laweerarey Mareykanka. Mar haddii aysan jirin hay’ad aad ugeyso ama miskiin aad siiso ,ayaad isleedahey : “Malaha meesha adigaaba ugu miskiinsan!”

500,000 ee dagan Doha ayaa 3 meelood, labo aaney laciideynin reerkooda. Kala bar tirada aan soo sheegney ayaanba arag reerkooda inkabadan 5 sano waayo daruufta shaqada oo aad u xun.

60 jir somali ah oo soo galey Doha isagoo jira 20 sano, ayaa ii sheegey in wax kayar 4 jeer uu laciidey reerkiisa hadana uusan kusii rajo weyneyn inuu Ramadanka soo socdo uusan laciideynin haddii uu san Allah xalkeenin.

Waxaa sidoo kale aad isweydineysaa fasaxa xageed tageysaa? Maxaad qabaneysaa?

Corniche quruxda badan ee 5da km ah marka aad kusoo wareegtid wax kayar 1saac aayad kusoo noqoneysaa guriga iyo Air conditionerka caafimaadka udaran.

Salaamulahi aleykum warahmatulahi wabarakaatuhu??

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Doha

EID 1423

AbuZuhri: Kaydka Wararka 

<><><>

CIID MUBAARAK
Bahda SomaliTalk waxay dhammaan Muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida ugu hambalyay-nayaan ciida barakaysan ee "Ciidul Fidriga" sannadkan 1423 oo kubeegan December 5 .. GUJI...

IIDAHA iyo SALAADAHOODA
Iidaha, xukunkooda, fadligooda iyo habka takbiirta
GUJI..

Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa 
Khamiis ama Jimce waa ciid, fidaradana
GUJI..

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD