SomaliTalk
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - RAMADAN

IIDAHA iyo SALAADAHOODA

WQ. Osmanbilad | osmanbilad@hotmail.com | SomaliTalk.com | Dec 4, 2002

HAMBALYADA MAALMAHA CIIDA [EID  GREETINGS]
Eidmubarak.com

Bluemountain.com

Egreetings.com

Greetings.yahoo

khalidmosque.com

Asalamu aleykum yaa muslimiin!

Walaalayaal maadaama aan la wada socono in ay fooda nagu soo heyso maalintii faraxa badney, ee aheyd "Ciidul Fitriga" ayaa waxaa jeclaadey inaan wax ka ogaano maalintaa iida ah iyo waxa qofka muslimkaa looga baahan yahey. Sidaa awgeed waxaa idiin soo gudbinaayaa macluumaad ku saabsan iidaha iyo salaadahooda, ee fadlan markaa aqirsatid ku camal fal una sii gudbi dadka aad taqaanin.

  Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
 

"IIDAHA" IYO SALAADAHOODA

Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiino yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey iyaga waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yiraahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yiri: "Ilaaheey wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaaheey ayaa ummadda Nabi Muxammed SCW siiyey.

Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaaheey uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aysan ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.

Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: "Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa'isha (a.k.n) u yeeray, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka SCW gadaashiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalintaa yiri: "Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn."

Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: "Caa'isho ay tiri: maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yiri Abuu Bakar: "iska daay, qolo waliba waxay leedahay iid, middaanina waa iiddeeniiye", laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin, Ilaaheey ka cabsashaddiisana aan la hilmaamin.

Islaamka ma lahan iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu emteleeyey inay samaystaan iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda maalinkii dhalashada Rasuulka SCW, habeenka la yiraahdo "Laylatut-Micraaj", iidda dhalashada qofka, iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay kursiga xukunka ku fariisteen, maalinta dalku xornimada qaatay iwm, oo ka mid ah iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan, waxaana aan bannaanayn in iidahaas la jideeyo ama la sameeyo, waxaa sida Kirismiska iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno "Habbi niyuu yeer/Happy new year" iwm.

"IIDA" XUGUNKEED IYO MEESHA LAGU TUKANAYO

Waxay culummada Islaamka isku qilaafeen xugunka ay iidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yiraahdeen waa sunno, qaar kalena waxay yiraahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka SCW uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin (maqbiyooyinka), iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri: "walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.

Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna SCW weligiis kama uusan tagin salaaddan.

Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uusan Rasuulku SCW ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunno ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa aysan jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u qaadaya.

WAXYAABAHA SUNNADA AH MAALINTA "IIDA"

Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:

1. in dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.

2. In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulka SCW kama aysan sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.

3. In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha iidaha.

4. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo cunin.

5. In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo", sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan maalin iid ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku yiraahdiin: "Kullu caam, wa antum bikhayr", sidaasi iwm, waa ku bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo lahayn.

6. In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.

Kutubta qaarkood ayaa waxaa yiraahdeen oo ku gooni yeeleen takbiirta marka salaadaha waajibka ah la tukado dabadeed, laakiin wax daliil ah oo sidaas sugaya (awood siinaya) ma cuskana, sidaa awgeed kuma xirna takbiirtaas ilaa saddexdaas beri soconaysaa salaadaha gadaashood , ee waqti kasta ayaa la takbiirsanayaa, sidaas waxaa la mid ah oo aan iyaguna daliil haysan culummada qaar oo yiraahdeen habeenka iiddu soo gasho ayaa takbiirtu soo billaabanaysaa, ee marka salaadda iidda la aado billaaban mayso. Sida Rasuulka SCW ka sugnaatayna waa sidii aan horay u soo xusnay, ee si-fiican ha loo indha-indheeyo.

HABKA TAKBIIRTA

Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa midkan soo socda: 

Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu. * * * * Allah is great, Allah is great. There is no god but Allah. Allah is great, Allah is great. And all praises are for Allah.
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

"Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu", ama "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa", laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda saxiixnimada badan, iintani waa inta la soo wariyey iyada oo sugan, laakiin sidii hadba wax loogu darayey ayey waxay hadda gaartay in uusan xifdiba karin qof aan taqasus u lahayni, inuu dadka meersanaya la meersado ma ahane. Waxyaabaha lagu siyaadiyey waxaa ka mid ah: "Allaahumma salli calaa sayidinaa Muxammad, wacalaa aali sayidinaa Muxamaad...ilaa iyo dhamaadka", iyo "Laa ilaaha illalaahu waxdahuu, sadaqa waxdahuu, wanasara cabdahuu, wahazamal axzaaba waxdahuu". Inta sugan ayaana waxay nooga filan tahay inta gadaal ka gaarka ah oo aan sugnayn, ee sida ha loo ogaado.

SALAADA IIDDA HABKEEDA & WAQTIGA LA TUKANAYO

Waxaa salaadda iidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaarto ilaa saddex mititir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka bartankiisa dhaafto. Iidul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Iidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Fitrada, waxaana labada iidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo socota:

È) Salaadda ayaa la xiranayaa, iyadoo aan laga hormarinayn adimid iyo aqimid taana, marka la xirto dabadeedna todobo (7) goor (oo aysan ku jirin takbiirta salaadda lagu xiranayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la leeyahay), iyadoo aan gacmaha kor loo qaadayn, sababtoo ah marka todobadaa goor la takbiirsanayo in gacmaha kor loo qaadaa Rasuulka SCW kama sugnaan, sidoo kale waxaan la soo warin in dadka ma'muumiinta ahi ay takbiirta kor u qaadayaan, sidaa awgeed waxaa la rabaa in hoos takbiiraha loola yimaado, marka laga reebo imaamka o isaga laga rabo inuu kor u qaado.

Dabadeedna Faatixada iyo suuradda la yiraahdo: "Sabbixisma" ama "Qaaf" ayaa imaamku aqrinayaa, isagoo kor uqaadayaa aqrintooda, marka rakcada koowaad laga soo istaagana shan goor ayaa la takbiirsanayaa, iyadoo gacmaha kor loo qaadayn sidii hore oo kaleba, dabadeedna wuxuu aqrinayaa Faatixada iyo suuradda la yiraahdo Suurat "Al-Ghaashiya" (Hal-ataak) ama suurat "Al-Qamar" (Iqtarab).

I  I  D  H  E  H

Ê) Markii rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunno ah in la khudbeeyo hal khudbo, oo aan mid kale laga daba marinayn, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharxayo arrimaha iidda la xiriira haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabanayaa Alle ku xamdintiisa "Alxamdu lillaah", ee lagu billaaban mayo takbiirsi "Allaahu akbar", sida dadka qaarkoodba aaminsan yihiin.

Haddii qofku uu hilmaamo takbiirihii aan soo xusnay amaba qaarkood, takbiirtaas uu hilmaamay salaaddiisa waxba uma dhibi karto, mana soo qallaynayo, laakiin wuxuu la imaanayaa sujuudda sahwiga. Hadiise uu ma'muum yahay oo isaga kaliya uu hilmaanka la yimid wax sujuud ah la imaan mayo.

QOFKII SALAADDA "IIDU" AY DHAAFTO

Qofkii ay dhaafto inuu iidda jamaacda la tukado wuxuu kaligiis (ama dadka la midka ah) iska tukanayaan laba rakco oo salaaddii iidda ah, habka tukashadana waa soo xusnay.

Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka

Osmanbilad 

osmanbilad@hotmail.com 

Dec 4, 2002 | SomaliTalk.com

 

Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa 
Khamiis ama Jimce waa ciid, fidaradana
GUJI.. 

11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD