SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 HABARTII XAABADEEDA QAADI KARI WAYDAY EE TIRI XAABO KALE KU SOO DARA !!!

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Nov 19, 2002

GARGAAR DEGDEG AH wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 

Taniyo maalintii 15.10.2002 uu shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ka furmay magaalada ELDORET ee dalka Kenya ayaa waxaa xoog loo hadal hayaa madaxwaynaha dawladda kumeel gaarka ah jaalle c/qaasim salaad xasan, dadbadan ayaa waxay iswaydiinayaan mr. C/qaasim laftiisu miyaanu kamid ahayn dadka colaada wax ka qaboojintiisa looga fadhiyo, heshiiskune miyaanu wax ka khusaynin. illaa haatanse jaan iyo cirib duqu madasha masoo dhigin, labadii cisho ee shirka ugu horaysay ayuunbuu hadal hayn aan buurrayn kaga hadlay shirka  . wuxuuse uun yiri karog oo laba saar oo wuxuu uun afka saaray dhankaas iyo woqooyiga dalka soomaaliya isagoo aflabadii dhawaaqay oo yiri uun tolla'ayeey dal ayaa naga go'irraba ee halasoo qabto, tola'ayeey woqooyiyoow walaal waan kuu dhimanaynaa hadii aan ku waayo, waryaa maalijirayeey woqooyi halasoo qabto oo shirka halakeeno.

Mar si kulul oo dhawaaq dheer ah shirka loogaga dhawaaqay inuu cabdiqaasim yimaado oo gaadhayba inay kooxo ku hanjabaan inay madasha ka huleelayaan sida labada garab ee uu ka koobanyahay SRRC, meesha uu col,cabdilaahi yuusuf kaga cel celiyay in duqa madaxwaynaan ahay galgalinta madhan, waa siduu hadalka u dhigay e, gooni isugu xakameeyay ogaada inay rag ku sugayaan madasha si gaara wax uga tirsanayaa oo hadday boogi ku taallo bogsiinteeda uga fadhiya, oo isagoo col.cabdilaahi yuusuf hadalkiisa sii wata raaciyay hadii Dr qaasim ka dhaga adaygo u muuqanaayo caqli badanihii godobta qabay ee talo ku goostay inaan bildhaantiisa lagu arag geed ceebeed uu ogyahay in lagaga gar helayo.

xataa dhankaas iyo xamar ayuu taasi kadib shirku u diray in duqa madasha la keeno wadamada suudaan ,ethiopia ,iyo jabuuti. balse akhriste xaalku runtii  uma muuqaal ekayn sidii uu markii xaalku cirka isku shareeray qudbadii dheerayd ee al xaaji muuse suudi yalaxoow  ugu dhigay hadalka isagoo yiri waxba yaan sigaara loo tabin,hadii wax looga baahan yahay waxaa madasha ku sugan ergo matalaysa oo arinka ay innala garaan isagana ay kaga go,antahaye.ee qudbadaas xaajiga maalin uun kadib ayuu fariin soo dirsaday jaaale madaxwaynuhu ku dalbanaayo in loo soodiro ergo ka qancisa sida ay wax u jiraan iyo warka sheegaaya inaanu shirka iman isgoo shaadhmadaxwayne xiran.sikastaba ha ahaato ee duqii ma,imaan muxuuse saluugay toloow?.

Madasha mid midkale muruq utuujin utagay,mid maslaxaddu magac eebe kaga go,antahay,iyo miduu xaal ka dhabqamay oo wixii dhacayaba dhankaaga qabsa ah dhamaan kusoo  arooray ka hadhye ee duqu mamaalintii CARTA loogu caleemasaaray ayuu muraayad taala qolkii ladajiyay isku eegay kana dhex arkay inuu kabadsan karo 21sano ee madaxwaynihiisii uu jeclaa MAXAMED SIYAAD BARE.

I  I  D  H  E  H

Miyuu yarehe qajilay oo istusay in lagu xantay INUU RUUG CADDAADIGU tabar yari darteed bisadnna toosin kari waayay,fulaynimana sagaaro didin waayay,rucle orodnna diin ka dheerayn waayay,oo RAG TASHADAY CIR WAA TOLI KARAA TAAKO LABADIISE laga dulkeeno nin tabartiisu maroodi toosiso,geesinimana libaax san kataabtay,Gucle orodna Goroyada Ka dheereeyay?.

Ma waxaa duqeenna ka degi la inuu noqdo kii ugu cimriga gaabnnaa  CARRO EDEG laga soo bilaabo 1960 kii  intii madax inna soo martay ?

Mudane qaasimse ELDORET waxaa iiga daranbuu yiri hargaysa oo hadh cad LONDON loo raraayo oo uu qaaday olole aanu ku jirin ka hor shirka ELDORET: DHOWAAN ayaa banaan bax sadex maalmood la soo abaabulaaya oo xoogleh ka dhacay fagaaraha tarabuunka ee magalada muqdisho, wuxuuna qudbad uu ka jeediyay ku bilaabay kuna dhameeyay xaaladda soomaali land isagoo ku cel celiyay baahida gaarka ah ee looqabo ka soo qaybgalka hargaysa ,wuxuu yiri hadii madaxda hargaysa shirka iman waydo halayska iloobo inuu noqonaayo mid midho dhaliya ,wuxuu beesha caalamka kacodsaday in madaxda somaliland hadii lawaayo loo ogolaado oday dhaqameedyada,culumaa u diinka iyo aqoonyahanada goboladaasi, mar uu lakulmay labadiisa gole ayuu kadib war saxaafadeed uu soosaaray ku sheegay inanay soomaaliya meel ukala soconin,18 kii gobol ee xiligii siyaadbare la ansixiyayna aan waxba laga badalaynin.

Maalin kadib ayaa gudoomiyaha xisbiga layiraa KULMIYE ee somaliland AXMAD MAXAMED MAXAMUUD(siilaanyo)ka abaabulay banaanbax kan mr. qaasim kaba sii balaaran magaalada burco isuguna keenay fagaaraha layiraa khayriyada,iyo markale magaalada BAR-BARA fagaareheeda KHAYRIYADA ,qudbad qaadatay in le,eg tii mr qaasim isnna halkaas kayiri. siilaanyo hadaladiisii waxaa kamid ahaa !!HADALADA CABDI QAASIM WAA HUUU HAAAA; BUDHUU BADHAA; TADHAA BADHAA IYO WALIBA FODHO DHO; hadii uu cabdi qaasim run sheegi isagaa looga yeeray goobtee intuu iska casilo jagada  dabeed ha u tago ragga sugaaya ,hana dajiyo koonfur markaasnna hanala hadlo,isagoo qabiilka uu ka dhashay dhexdiisa nabadeeyay.

Gudiga siyaasada dibadda iyo iskaashiga calamiga ah ee somaliland ayaa iyana warka duqeenna ku tilmaamay""dad imaam salaadda tukiya ka dhigtay qof maqan""waxaan kula talin lahayn nimanka reer muqdisho inay iimaansadaan dawladdii ay ka dhaxlleen talyaaniga,(anigu xagar ahaan ma,anan garanin waxa ay dhaxalkaas ulajeedaan).wuxuu u hadlayaabay yiraahdeen sidii macalinkiisii siyaasadda ku soo bar baariyay  ee MAXAMED SIYAAD BARE,isagoo gudigu warbixintiisa siiwata waxay yiraahdeen"hadii ay dhab ka tahay wadaninimada uu sheeganaayo inuu nala wadaago muxuu u joojin waayay  47 nin ee reer woqooyi oo lagu gawracay xeebta jasiira 1987 dii" markaasoo bay yirahdeen uu ahaa wasiirka arimaha gudaha waxayna ku soo af jareen hadalkooda "MAQALAY HABARTII XAABADA QAADI WAYDAY EE TIRI XAABO KALE IIGUSOO DARA OO DHABARKA IGA SAARA AAN LA BOODEE" iyagoo waliba ugu daray CABDI QAASIM BAROORTU ORGIGA KAWAYN.

Gobolada woqooyiga somaaliland lamagac baxay ayaa sadexdii dabayaaqadii oktober oo laga soo bilaabaayo 17kii laba cisho uun kadib si heer qaran ah usamaynaayay xaflado guud ahaan dalkaba ka dhacay oo loogu baroor diiqaayo dagaalyahanadii ururkii SNM kaga geeriyooday iyadoo 17 oktoober dhowaan si rasmiya loogu aqoonsaday maalintii SHAHIIDKA: iyadoo magalooyin badan loo kala diray masuuliyiin sar sare oo kala qaybgalaaya dadka baroor diiqdaasi. waxaanad meelo badan ku arkaysay labada abwaan ee somalilan  IBRAAHIN WARSAME HADRAAWI IYO MAXAMED XAASHI DHAMAC GAARIYE oo labaduba ka mid ahaa ururkii SNM: maalinimadii isniintii ee novenber ahayd 18 ka ayuu waxaa uu mr cabdi qaasim khadka isgaarsiinta kula xiriiray ra'iisalwasaarihiisa mudane xassan abshir faarax oo uu u sheegay inay qaadacaanba hadii aan qaban qaabiyayaasha shirku si deg deg ah ula xiriirin somaliland  oo aanay ku adkaynin inay shirka timaaddo.

BOGGA XIGA FAALADA XAGAR: GUJI HALKAN 

CIIDDII MIYAANUU KU HARIN CAAQIL TALIYAA? 

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

 November 19,  2002

..... ALLAHAYOOW NIN DAACADA, ALLAHAYOOW NIN DAALIMA DEEQDAADA HAWSIMIN: 

....  KOLKII HORE=KULLIGOODD OO KALIGII KA HORJEEDA: HAATAN=KULLIGOOD OO KULLIGOOD KA HORJEEDA

 

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD