SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 ALLAHAYOOW NIN DAACADA, ALLAHAYOOW NIN DAALIMA DEEQDAADA HAWSIMIN:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Oct 31, 2002

I  I  D  H  E  H

MARATHON:

Akhriste waxaynu wali dhexmushaaxaynnaa kulanka ladoonaayo in boggooda burcad somali laysugu mariyo ee magaalada ELDORET:

Aduunyada ayaa waxaa kol kol markaliya caan ka noqota oo ay jiritaankeeda caruurtu ku hadaaqdaa magaalo dalkale leeyahay ooba markii hore laga yaabo inaanu aqoonba ruux u dhashay dalka ay magaaladaasi ku taallo. waxaa inta badan sababa marka ay adduunyada ka dhacayaan cayaaro caalamiya sida CAYAARAHA OLOMBIGA ADDUUNKA, KOOBKA KUBADDA CAGTA ADUUNKA. iwm

magaalooyin yar yar oo ku yaala afrikada bari ayaa waxaa sanadadii u danbeeyay si wayn u soo caan baxayay oo aad mar mar kadaawanaysaa telefishinada adoo dunida kale salkeeda jooga taasoo aan ciyaarahaas lug kulahayne ah kulano ay kuleeyihiin soomaali lagu nabadaynaayo.

nin qunsul uga ahaan jiray dawlada ethiopia magaalada london ayaa maalin isoo telefooniyay wuxuuna i waydiiyay bal hadii aan ku dhaamo inaan usheego meesha ay ethiopia kagataallo magaalada SODARE; halkaasoo soomaaliwayn markaas ku shiraysay nasiib xumo jawaabtii ninkaas deblomasiga ahi iga ma helin laakiin shirkaasi wuxuu sarkaalkaas baray magaalo dalkiisa ku taal.

30.10.2002 aroornimadii arbacada ayaa waxaa teleefan hurdada iga ga toosiyay mr john oo u dhashay dalka kenia wuxuuna iigu bishaareeyay in soomaliyi ku heshiisay dalka south afrika magaalada ELDORET:laakiin saaxiibkay john markii aan u sheegay anigoo hoos ka yara qoslaya in ELDORET dalkiisa ka tirsantahay ee aanay south afrika ku oolin ayuu cod yarehe yax-yax ku jiro ku yiri"i see"saaxiib raali iga noqo hadii aan hurdo ka toosiyay.

cabdi wahaab riyaale qorane oo jooga magaalada LYON ee dalka faransiiska una dhashay dalka jabuuti ayaan xusuustay mar aan laba sano ka hor waydiistay inuu ii sheego si,aan jariirad ka soo baxda dalka jarmalka ugu qoro inta km ee ay magaalada jabuuti iyo CARTA isu jiraan waxayse iigu darayd markii aan ogaaday in saaxiibkay riyaale uuba u haysto in ay CARTA ka tirsantahay gobolka DIRI-DHABO EE dalka ethiopia.

magaalada NAKURU iyada wali wax iiga maadeeya ma helin laakiin waxaan u malaynayaa inay dalka kenya ku taallo hadiise aymeel kale ku taalo"saaxiibayaal yaan layqabsanin waxaan idiin soo waydiin doonaa agaasimahaygii aan wali aadka ujeclahay MAXAMED AADEN XIRSI -TERRA- isagaa haatan east afrika jooga oo ii kiin caawinaya, laakiin waxaan ka dharagsanayhay in soomaali wayn kol ku shirtay.

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..

MARATHON=15.10-02 ayaa magaalo kale usoo hoyatay caanbexeedu waana magaalada ELDORET laakiin dhanka ay kenya kaga taallo iyo inta km ee ay nairobi u jirto yaan la i waydiin hadiise aad aad ugu baahatid akhristayaasha yada waanu u dhaga nugulahay.

waxaa maanta xaflad gaaban oo gurigayga lagu qabtay dadku ilahay ku baryayeen in magaaladani noqoto tii noogu danbaysay colaadda soomaaliyeednna ku soo afjaranto.aan dib u mililiico shirka eldoret.

MUKULAASHA YARI WAA MAGACYO BADAN!!!

qacda horeba soomaaliyi waa hal magac oo qura waxaase meesha jooga magacyo fara badan----TNG=DKM. SRRC GROUP. SRRC NAKURU.PUNTLAND SATATE. HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY, JOWHAR ADMINSTARATION. SAMO. RRA. JVA. SNF. USC SODARE. USC EX.SPM :SNM: IYO DHOWR KALE.

kulankan oo ku bilaabmay qiiro isu hilaw waxaase dhowr maalmood uun kadib hadheeyay isqaqabad aan buurrayn. qabanqaabiyayaasha shirka waa uruka IGAD e ayaa 23 aad loogu fooryay kadib markii ay ururada u sheegtay in qodobada ay iyagu soomaali ahaan layimaadeen uu IGADbA horay arimihiisa ugu soo darsaday ee ay iskala noqdaan oo aysan micnne wayn samaynaynin. prof.siciid samatar oo ka socda ururada bulshada kana soo aaday shirka USA ayaa isagoo aad u caraysan wuxuu IGAD ku yiri ukala baxa soomaali annaga sidii arday iskuul idiin dhigata kolba hanna oranina farta taaga kolla dajiyee,kadib markii aad laysugu buuqay ayay ururada bulshadu waxay IGAD ku eedeeyeen in ay siyaasiyiinta iyo ciidamada si gaara u siiyeen codka diidmada qayaxan ee VITO.

SRRC goday iyo SRRC nakuru ayaa ku hanjabay inay shirka ka baxayaan hadii aan soomaali land lakeenin ,waxaa aad ugu taageertay ethiopia iyo puntland.

24.10.02 shaati guduud ayaa IGAD kacodsaday in isaga loo aqoonsado ergayga gaarka ah ee baydhabo taasoo ay hada ka hor liiskooda codsigu igad horyaalay ku xigeenada kornaylka oo ay iska soo horjeedaan,intii shirku socday ayaa waxaa shir qarsoodiya kukulmay madaxwaynaha baarlamaanka soomaaliya Cabddalla Deeroow iyo COL/shaati Guduud waxayna labada nin oo aan lafilaynini ku heshiiyeen in ay si,adag u wada shaqeeyaan nabad galyo Deg -DEG ahna la dhex dhigo beelaha DIGIL iyo MIRIFLE, heshiiska labadan nin oo lama filaan ahaa ayaa si loo xaqiijiyo waxaa iyagoon iska war haynin gooni gooni u waraystay Agaasimahaygii hore ee Waaxdii Idaacadaha Soomaaliyeed ninkaasoo aanu ku ogayn nin aad u run badan hubsiimadana aad ujecel Maxamad Aadan Xirsi"TERRA"

shir jaraaid oo uu madaxwaynaha dawladda kmg dr cabdiqaasim salaad qabtay wuxuu weerar balaaran ku qaaday dawladaha soomaaliya la dariska ah wuxuuna yiri"dawlado dhowr ah ayaa waxay ka soo hor jeedaan hanaanka geedi socodka nabadda soomaaliya,wadamada shisheeyuhu waxay rabaan in soomaaliya lagu xukumo hab imaaraaddo,wuxuuna yiri soomaaliya waa 18 gobol mana qaybsanto isagoo kacodsaday woqooyiga in ay ilaaliyaan midnimada dawladaha sheekadaas ku hawlanina ka baxaan.

__raiisalwasaaraha soomaaliya DR Xasan Abshir Faarax ayaa 30.kii 10 isnna shir jaraaid oo uu ku qabtay ELDORET ku canbaareeyay dawladda ingiriiska inay aad u maleegayso dabin ay ku doonayso inay markale ku kala qoqobto soomaaliya.

--29.10.02 boqorrada soomaalida ayaa waraaq dheer oo si wayn  u soo tafaftireen cabasho waynina ku dheehantahay waxay u gudbiyeen urur goboleedka AFRIKADA BARI "IGAD"waxay boqoradu codsadeen in xeero gaara loogu rido cadkooda lana siiyo mudnaantooda iyagoo warqaddaas ku caddeeyay in hadii shirkan lagu heshiin waayo ay talo ka go,antahay oo ay war cad ka soosaarayaan soomaaliya.

--30.10. Dawladda masaarida oo shirka kaalinteeda ka qaadanaysa ayaa si aan la koobi karin uga carootay kadib markii loo sheegay in ay uga qaybgalayaan oo kaliya laba xubnood meesha ethiopia laga siiyay afar taasoo ay ku tilmaantay quursi aanay filanaynin. waxay tiri waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay dhamaynta khilaafka soomaaliya ,waxaanu nahay dad muslimiin ah oo marka aannu tukanayno xataa salaadda waanu ugu ducaynaa maantana waa nala qiimo dilay ee kuwiinna kaloow waa maxay sed bursiimada aad hesheen.

--ka qaybgalayaasha shirka ayaa maanta loo sheegay inay siday u badanyihiin fasaxanyihiin iyadoo loo baahanyahay oo kaliya 95 xubnood shirka ayaa haatan waxaa jooga illaa 600 qof,waxaa laga codsaday inay iska soo dhex xulaan 95 qof oo sii anba qaadaya geedi galinta shirka kana wakiil noqonaaya iyaga.

wuxuu shirku soo kacaa kufaba waxaa maanta kale oo laysla ogolaaday qalinkana sexeesiisa lagu duugay qodobo aad u mihiima.

  • 1.GUDIGA DIB U DHISKA:
  • 2.gudiga Qaab dhismeedka Dawladda mustaqbalka.
  • 3.gudiga Dastuurka.
  • 4.gudiga hanti isu celinta.
  • 5.gudiga dib u dejinta.
  • 6.gudiga hub ka dhigista.

waxaa qodobadan oo aad looga cabsi qabay in laysku mariwaayo qalinka ku duugay iyagoo lasheegay kadib markii ay sexeexeen inay aad isu dhun dhunkaday.

  • Dr Xasan Abshir Faarax
  • Cabddalla Deeroow
  • COL.Cabdulaahi Yuusuf Axmad
  • Xusseen Caydiid
  • Muuse Suudi
  • Maxamed Dheere
  • Cumar filish
  • Cusmaan Caato
  • Mawliid Macaane
  • Xasan Cabdalla Qalaad
  • Maxamed Qanyare
  • Danjire cabdilaahi sheekh ismaaciil
  • GEN.Aaden gabyoow
  • Barre Hiiraale
  • COL.AXMAD CUMAR JEES:

dhanka kale waxaa maanta 30.10.2002 magaalada muqdisho ka dhacay mudaharaad mudaba la soo qaban qaabinaayay,waxaana halkaasi qudbad dheer ka jeediyay cabdi qaasim salaad xasan wuxuuna ku dheeraday ka soo qabygal la,aanta somaliland wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay somaliland ku cadaadiso inay shirka timaado hadii kalese buuyiri taam manoqonaayo mana soconaayo shirku,

gudoomiyaha ururka siyaasada eelayiraa KULMIYE PARTY mr AXMAD MAXAMED "siilaanyo" ayaa isnna ku tilmaamay hadalada soo noqnoqonaaya ee mr cabdi qaasim qaar aan ahayn kuwo micno samaynaaya wuxuuna yiri hadii uu cabdi qaasim run sheegi isagu ha tago shirka isba waa looga yeeraye hadii kale somaliland yaanay u noqonin geed uu ku xoqdo ileen buuyiri haldiidani geed ay ku xoqato ma waydee.

shirkan ayaan ahayn mid waji gaara guul iyo guul daro midna loosaaro inkastoo mar uu waraysi siiyay idaacada codka dheer ee IQRA hawl wadeen sare Maxamed Aadan Xirsi "TERRA" KU TILMAAMAY MID AAD UGA DUWAN KUWII HORE GUUL LATAABAN KARAN laga filaayo isagoo mr TERRA taas ugu aaneeyay iyadoo ay kan joogaan dhamaan hogaamiyayaashii soomaaliyeed.

KOLKII HORE=KULLIGOODD OO KALIGII KA HORJEEDA: HAATAN=KULLIGOOD OO KULLIGOOD KA HORJEEDA - Guji

 

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

 October 31,  2002

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD