SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - LAASCAANOOD
 War Saxaafadeed: Gardarada Qaawan ee Maamulka Gobollada Waqooyi

Jaaliyadda Dhulbahante ee W/Ameerika

Dhulka Forum | Dec 11, 2002

Annaga oo ah Jaaliyadda Dhulbahante ee ku nool waqooyiga Ameerika waxaannu u soo gudbinaynaa dhamaan Bulshada caalamka ee jecel nabadda, baaq ka tarjumaya dareenka bulsha weynta iyo waxgaradka dhulbahante meel kasta oo ay joogaan.

Hoos Akhri

   
1. Waxaa magaalada Lascanood taariikhdu markay ahayd (12/7/2002) sagaalkii subaxnimmo weerar qaawan ku soo qaaday maleeshiyo hubaysan oo uu hogaaminayo Dagaal Ooge “Riyaalle”. Weerarkaas oo uu kala kulmay jab iyo halaag isla markaana geystay qasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh.

· Hadaba haddii aannu nahay bulshaweynta iyo waxgaradka dhulbahante u gudbinaynaa caalamka in wixii meeshaa ka dhacay ay mas’uuliyadiisa leeyihiin maleeshiyada uu hormuudka ka yahay maamulaha gobolka Waqooyi Galbeed. Waxaannu Caalamka iyo bulshaweynta Soomaaliyeed ee nabadda jecel waxaannu ogeysiinaynaa in Maamulkaasi uu meel kaga dhacay xaquuqda banii’aadamiga, kaas oo ku soo duulay dhul iyo dad uu aannu wax shaqo ah ku lahayn isla markaana geystay falal xunxun oo xasuuq iyo dil, boob iyo dhacba leh. Waxaannu dhamaan ka codsanaynaa in bulsha weynta caalamku kala xisaabtanto wixii halkaa ka dhacay Dagaal oogaha Goballada Waqooyi iyo maamulkiisa, kuna dhaleeceeyaan gardarada qaawan ee loola badheedhay degaankaa iyo dadweynahaa Soomaaliyeed.

· Waxaannu dhamaantayo hanbalyo iyo bogaadin u soo jeedinaynaa ‘naftii hurayaashii’ u huray naftooda iyo maalkooda difaaca iyo nabadgelyada degaankooda, kuwaas oo difaacay dalkooda, magacooda iyo sharaftoodaba. Waxaannu ilaahay uga baryaynaa in uu jannadii ka waraabiyo intii naftooda ku weydey ehelkoodiina samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaannu annaga oo ku hadlayna magaca deegaanka Sool, Sanaag & Hawd ugu baaqaynaa bulshada caalamka in aannu habeen iyo maalin diyaar u nahay in aannu ka qayb qaadanno difaaca iyo taageerada ummadda Puntland, gaar ahaanna ta dhulbahante “hiil iyo hooba”.
MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO SHIR JARAA’ID KU QABTAY ELDORET Dec 9 

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo.. GUJI  8/12 

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood.. GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party Kenya oo u digey Madaxweynaha Somaliland
warsaxaafadeed ururkaasi soo gaarsiiyey SomaliTalk ayuu Guji..7/12

· Waxaannu caalamka u gudbinaynaa in “midnimmada umadda soomaaliyeed ay tahay Muqadis” isla markaana aannu diyaar u nahay in aannu u dhimanno ilaa qofka ugu danbeeya. Waxaannu u sheegaynaa caalamka iyo dadka nabadda jecel in “Riyaalle” uu jebiyey xeerkii nabadda ee u dhaxeeyay beelaha deriska ah ee “Isaaq & Daarood” isaga oo xadgudub ku sameeyey xeerkii nabadda si uu cimri dherer ugu helo maamulkiisa. Waxaannu ugu baaqaynaa dhamaan beelaha deriska ahi in ay iska ilaaliyaan dhagarta iyo denbiga ay maleegayaan dagaal Oogayaasha Gobollada Waqooyi, waxaannu ka codsanynaa beelahaasi in ay ka feejignaadaan wax allaale iyo wixii wax u dhimaya nabadooda iyo deris wanaagooda.

2. Waxaannu dhammaan beesha dhulbahante u gudbinaynaa oo u soo jeedinaynaa in ay ilaaliyaan isla markaana qaataan masuuliyadda difaaca iyo nabadgelyada ummadooda iyaga oo isku duuban isla markaanna dhowraya sharciga iyo maamulka u degsan geyigooda Puntland.

· Waxaannu Bulsha weynta deegaanka dhulbahante u soo gudbinaynaa in ay maxkamad soo taageen ‘dhuuni qaatayaashii’ masuulka ka ahaa u sahlidda in “Riyaalle” ku soo qaado weerar deegaankooda. Waxaannu ka codsanaynaa in si dhaqso ah sharciga loola tiigsado dhammaan dadkii wax geeystay mashaqadaas ee u dhashay deegaankaas.

· Waxaannu ka codsanaynaa in maamulka Puntland ee aannu qaybta ka nahay uu hanto kuna laba laxaadsado sugitaanka xuduudaha, maamulka iyo nabadgelyada gobolladaas iyagoo kaashanaya dhammaan shacabka iyo bulshada deegaanka.

· Waxaannu u gudbinaynaa uguna digaynaa beelaha “Waqooyi galbeed” in ay ka digtoonaadaan gardarrada iyo weererka is miidaamiska ah ee beryahan danbe uu maamulkoodu kula kacayo deegaannadda ay deriska yihiin, kaas oo keeni kara burbur iyo colaad dabadheeraata oo hor leh oo dhexmarta qabaa’ilka deriska ah.

Wabillaahi towfiiq
Bulshaweynta Dhulbahante
North Ameerika
La xiriiri: dhulka_forum@yahoo.com 

Dec 11, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh ayna gaar u tahay qorayaasha ku saxiixan, kan atarjumi maayo aragtida SomaliTalk


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji....

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji....

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Maanta oo Muslimiinta India Ciideen
ayaa waxaa ku beegan maalin Islaamka u ah maalin murugo, waa December 6 oo ah maalintii  la burburiyey Masjidkii.... GUJI 

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD