SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO WARSAXAAFADEED DEG DEG AH ELDORET KA SOO SAARAY

imdeeq@hotmail.com

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 8, 2002   

Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan magaalada Eldoret ee uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo ayaa shalay war saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay ciidamada iyo wefdiga Somali land ee uu Daahir Riyaale hogaamanayey inay si deg deg ah uga baxaan gobolka Sool. Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party Kenya oo u digey Madaxweynaha Somaliland
warsaxaafadeed ururkaasi soo gaarsiiyey SomaliTalk ayuu ku sheegay inay digniin kabixinayaan safarka iyo... Guji.... 7/12

Maxamed Cabdi Xaashi war saxaafadeedkiisa wuxuu ku yidhi: “intii ay ka soo qayb qaadan lahaayeen shirka dibu heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret ka socda, maamulka waqooyi galbeed waxay ka doorteen inay gobolka Sool ciidamo nabad gelyada liddi ku ah soo dhoobaan”. Wuxuu kaloo sheegay inay sabtidii maamulka waqooyi galbeed ciidamo hubaysan oo ay taageerayaan in ka badan sodon gawaadhida dagaalka ah oo uu Daahir Riyale gadh wadeen ka yahay si xoog ah ku soo galeen magaalada Laas caanood, taas oo uu sheegay inuu maxsuulkeedu noqday dhimasho iyo dhaawac dadka deegaankaas soo gaadhay. Isagoo sheegay inay magaalada Laascaanood markaa gashay xaalad deg deg ah .

Wuxuu kaloo qoraalkiisa ku caddeeyey inuu maamulkiisa Puntland ugu baaqayo hogaamiyayaasha waqooyi galbeed inay si deg deg ah ugala baxaan ciidamadooda iyo wufuudooda uu Riyaale hogaaminayo haddii kale ay qalaasaha halkaa ka dhaca ay masuuliyadeedu garbaha u fuuli doonto Mr. Kaahin iyo maamulkiisa. 

Ugu dambayntii wuxuu war saxaafadeedkiisa Maxamed Cabdi Xaashi ku sheegay inay dawladdiisa Puntland ugu baaqayso xubnaha bulshada caalamka inay si xeel dheer ula socdaan fara gelinta ay Somaliland soo cusboonaysiisay oo ay sameeyaan ficilo dhan ka ah talaabada aan macquulka ahayn ee maamulka Somaliland ka timid.

Waxaa soo koobay oo Somaali u rogney ereyadii war saxaafadeedka ku qoraa

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 Hogaamiyo Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdisho
iyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret  xabsiga ugu taxaabay Saddex Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 07/12

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

Dhibaatooyinka Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12

Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka jawaabayey.... GUJI... 02/12

Ergooyinka Shirka Eldoret oo La Dhimayo
Iyo Heshiis iyo go'aan kale oo maanta ay hogaamiya-yaasha Muqdisho ka soo saaren Eldoret.... Ibraahim Maxameddeeq... 04/12

Baaq ay Hogaamiya yaasha Muqdisho
Kasoo Saareen Eldoret: iyo Mwangale oo Maanta la hadlay xubnaha gudiyada.. Ibraahim Maxameddeeq... 02/12

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD