SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET

imdeeq@hotmail.com

WARARKA ELDORET EE DEC. 4

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 4, 2002  

  • ERGOOYINKA SHIRKA ELDORET OO LA DHIMAYO
  • HESHIIS IYO GO’AAN AY ELDORET KA SOO SAAREEN HOGAAMIYAYAASHA MUQDISHO   

  Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC

Suuqa Alkarama: 

Ma u baahantahay dukaamo iyo xafiisyo kiro ah, la xiriir Alkarama Somali Mall oo kuyaal xaafada Cedar ee Minneapolis, USA. GUJI... 

ERGOOYINKA SHIRKA ELDORET OO LA DHIMAYO

Gudiga farsamada Igad ayaa kulan ay xalay la yeesheen hogaamiyayaasha soomaaliyeed ee shirka dibu heshiisiinta Eldoret ka qayb qaadanaya la socodsiiyey in maadaama lagu guda jiro wejigii labaad ee shirka oo ku kooban arimo farsamo oo qudha loo baahan yahay inta ay gudiyadu hawshooda wadaan in ergooyinka la dhimo.

Waxay sheegeen in laga fursan waayey in madaxda ururada iyo inta aysan ka maarmi Karin oo qudha laga soo reebo ergooyinka 800 korka u dhaafay ee hoganaya daafaha magaalada Eldoret ee uu shirku ka socdo, iyagoo caddeeyey in ergooyinka dib loogu yeedhi doono marka la guda galo wejiga saddexaad ee shirka oo ah midka dawladdii dhexe ee soomaaliya lagu soo dhisi doono, madaxda siyaasadda soomaalida ayaana sheegay inay arintas ka soo tashan doonaa. 

Waxaan Eldoret si rasmi ah maanta uga socday shirarkii ay gudiyadu kaga wada hadlayeen hawsha talo bixineed ee loo diray, iyadoo ay wakiilada dawladda ku meel gaadhka ah oo horay wax u diidanaana ay maanta shirarka gudiyada kala qayb qaateen.

wiilyar

Fadlan taageer - GUJI HALKAN

Isla maantana shir ay beesha Daarood yeelatay ayeey xubnihii ka soo qayb galay dood dheer oo aan dagaal ka madhnayn ka sokow lagu taageeray heshiiska ay madaxda reer Muqdisho ku gaadheen Eldoret, waxaana shirkaa oo uu Gen. Gabyow guddoominayey uuna ka soo qayb galay madxweeyne ku xigeenka dawlad gobooleedda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi la isugu sheegay inay qolo kasta oo beeshaa ka tirsani soo dirsato shan qof oo wax ka soo qaban qaabisa shir ay isugu yimadaan guud aahaan beesha daarood.

Xallayna wakiilada dawladda ku meel gaadhka ah shirka ka jooga waxaa kulan la yeeshay ergeyga Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Raysal wasaare Xasan Abshir, Gudoomiye Deerow iyo xubno kale ayuu ergayga maraykanku TNG’da ugu hambalyeeyey heshiiska ay la saxiixeen kooxaha Muqdisho oo uu ku tilmaamay talaabo loo baahan yahay, wuxuuna ergaygu wakiilada TNG u sheegay sabata ay Moi iyo Zenawi u tegayaan maraykanka oo uu ku sheegay mid la xirrirta oo lagaga wada hadlayo talaabooyinka argagixso ee dhowaan ka dhacay magaalada xeebta ah ee Mombasa.

 

<><><>

HESHIIS IYO GO’AAN AY ELDORET KA SOO SAAREEN HOGAAMIYAYAASHA MUQDISHO

Hogaamiye kooxeedyadii doraad baaqa ka soo saaray magaalada Eldoret oo ay dawladda ku meel gaadhka ahi ka maqan tahay ayaa maantana soo saaray heshiis iyo go’aan ka kooban lix qodob oo kala ah sidan:

1- in la sugo nabad gelyada magaalo madaxda Muqdisho

2- in loo hawl galo furitaanka Dekadda iyo garoonka diyaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho

3- in la soo celiyo adeega guud ee magaalo madaxda

4- in xiriir lala sameeyo bulshada caalamka sidii cunaqabataynta looga qaadi lahaa magalo madaxda Muqdisho

5- in lala dagaalamo argagixisada nooc kasta oo ay ahaato sida: Afduubka, Burcadda iyo kuwa isku daya inay wax u dhimaan dawladaha aynu deriska nahay iyo bulshada caalamka

6- in si deg deg ah looga shaqeeyo qaabkii ay ku hir geli lahayeen qodobada kor ku xusan 

I  I  D  H  E  H

Heshiiskan iyo go’aamada xusan oo ay saxiixeen madaxda kala ah: Qanyare, Muuse Suudi, Xuseen Caydiid, Cismaan Caato, iyo Cumar Finish ayeey ragaasi dadka ku abtirsada ururka USC iyo deegaan wadaagtooda kaga codsadeen inay heshiiskan iyo go’aamadiisaba soo dhoweeyaan, hir gelintiisana u diyaar garoobaan.

Shir jaraa’id oo hogamiyayaashaasi ku faah faahinayeen heshiiskan iyo go’aamadaas ayeey nimankaasi ku sheegeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobada heshiiskan , Xuseen Caydiid oo arintaas ka hadlayey ayaa sheegay inuu heshiisku ku dhashay rabitaanka dadka iyo dadaalka madaxweyne Moi oo isu keenay dhamaan madaxda soomaaliya, wuxuuna yidhi: “heshiiskani wuxuu muhiim u yahay horumarinta shirka Eldoret maadaama ay Muqdisho muhiimad u leedahay fulinta wixii shirka ka soo baxa”.

Qanyare ayaa isna sheegay inay hogaamiyayaasha Muqdisho mustaqbalka hal hogaamiye yeelan doonaan isagoo muhiimadda arintaas ka hadlayana wuxu yidhi: “haddii aynaan inagu kala dambayn lahayn cidda aynu heshiiskan u samaynaynaana kala dambayn mayso”. Mr. Qanyare oo ka hadlayey inuu heshiiskoodu uusan kuwii hore la mid ahyna wuxuu yidhi: “tani kuwii hore waa ka duwan tahay, mahuna mahii maaha,waa inay beelaha USC isu xilqaamaan sidii ay hawshani u hir geli lahayd”wuxuuna ku cel celiyey in haddii uu heshiisku lumo ay danta dadku lumayso.

Ragii shirka jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo horay uga tirsanaa isbahysigii SRRC laakiin hadda ka figrad duwanaaday wuxuuna sheegay inay fursad u heleen inay is waraystaan wixii dan ahna ka wada hadlaan isla markaana ka heshiiyaana utumihii ka dhexeeyey waxaana hadaladii Muuse ka mid ahaa isagoo yidhi: “waxaanu markii hore isla soo qaadnay sidee baynu wax u wada qabsanaa?, cidda is taakaynaysey annagay ahayd, waadna u jeedaan inaanu wax isla saxiixnay, USC baan soo celinaynaa, inuu heshiisku naga dhab yahayna waxaa caddayn u ah baaqa aanu soo wada saaray ee wad saxiixnay”.

“waa maalintii koowaad ee la arko Hawiye kor eegaya, kuwii ka dhabeeya Allaha idinka dhigo”. Col. Barre Hiiraale 

Waxaa kaloo shirkaa jaraa’id ka hadlay Cismaan Caato oo isagoo ka hadlaya hogaanka ay inta baaqa soo saartay yeelan karto sheegay inaysan hogaamiyaayshu isku koobi doonin hogaanka ay beesha USC yeelan doonto balse ay gudoomiyayshu calanka iyon tooshka u sidi doonaan, wuxuuna sheegay in arinta heshiiskan dhashay ay wada tashi ku bilabeen, Col. Barre Hiiraale oo madasha shirka jaraa’id lagu hayey mar dambe soo galay oo ay weriyayaashu weeydiiyeen sida uu isagu u arko heshiiskan ayaa intuu gadhkiisa dheer gacantiisa midig ku salaaxay sheegay inuu heshiiskan u arko talaabo soomaalinimo ah oo horay loo qaaday, waxaana hadaldiisii oo uusan kaftan ka madhnayn ka mid ahaa: “waa maalintii koowaad ee la arko Hawiye kor eegaya, kuwii ka dhabeeya Allaha idinka dhigo”.

 

 

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 

HALKAN KA AKHRI WARAYSIGII MAWLIID MACAANE EE SOMALITALK ... GUJI

 Baaq ay Hogaamiya yaasha Muqdisho
Kasoo Saareen Eldoret: iyo Mwangale oo Maanta la hadlay xubnaha gudiyada.. Ibraahim Maxameddeeq... 02/12  

Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI...

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD